19th May 2024  admin  Category :

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Dowladda China u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, Ra’iisul wasaaraha ayaana ka codsaday Dowladda China in ay kaalin ka geystaan abaaraha saameeyay dalka, gurmad deg deg ahna ay gaarsiiyaan dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*