16th April 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo wadahadal khadka taleefanka la yeeshay Sergey Lavrov

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay wada hadalo khadka taleefanka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu ku faraxsan yahay wada hadal muhiim ah oo dhinaca qadka taleefanka inuu dhex maro Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka.

Arrimaha labada dhinac ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyo iskaashiga ku aadan dadaalada looga hortagayo cudurka Coronavirus.

Sidoo kale bogga Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka ayaa lagu daabacay wada hadalada qadka taleefanka ee dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka diblomaasiyadeed labada dal iyo arrimo kale, iyadoo Ruushka muddooyinkii u dambeeyay uu waday dadaalo ku aadan sidii xiriirkiisa Soomaaliya dib u soo celin lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*