29th March 2024  admin  Category :

Maalinta Ololaha Nadaafadda ee khamiista ugu dambeysa bil walba oo uu horey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u go’aamiyey, ayaa maanta si weyn looga xusay Caasimadda dalka, waxaana isu soo baxyo lagu nadiifinaayo magaalada laysugu soo baxay xaafadaha iyo goobaha qashinka lagu aruuriyo ee kala duwan.

Ololaha nadaafadda waxaa hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre, ku-xigeenkiisa Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed, Xildhibaano iyo dadweyne tiro badan, waxana ay hawshan nadiifinta ka bilaabeen degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Taleex halka ay Wasiirada Xukuumadda ka bilaabeen xarumaha Wasaaradahooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo gacantiisa ku waday gaadiidka gashinka xaaqayay, isla markaana dhex socday haweenka olalaha nadaafadda sameynayay, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u istaagaan ka shaqeynta nadaafadda dalkooda.

“Maanta waa xiligii aynu u astaynay nadaafadda oo dalka dhan laga fulindoono, waxaana muhiima in yar iyo wayn madax iyo shacaba aynu ka wada qeyb qaadano ololaha nadaafadda. Inaan iska nadiifin wayno qashinka si aan u noolaano ceeb ayay nagu tahay, maanta waxaan u taagan nahay inaan nadiifino dalkeena madaxdii qaranka oo dhan ayaa u soo baxay arrintan”, ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*