26th July 2024  admin  Category :

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Adis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya waxa uu kula kulmay Madax kala duwan oo ka qeyb galeysay shir madaxeedkii 29aad ee Midowga Afrika oo lagu qabtay Adisa Ababa.

Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah magaalada Adis Ababa kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga Caadil Al Jubeir, waxaana labada dhinac ay kawada hadleen arimo badan ay ugu muhiimsaneed xariirka labada wadan.

Kulankan uu Ra’isul Wasaaraha Soomaalia la qaatay Wasiirka Arimaha Dibada Sacuudiga oo ahaa mid xasaasi ah ayaa looga hadlay xariirka labada dhinac , waxaa sidoo kale looga hadlay xiisada ka aloosan wadamnada Khaliijka.

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaan wali faah fahain badan ka bixin waxyaabihii kulankaasi labada dhinac isku afgarteen, waxaana kaliya warka kulankan lagu sheegay in labada dhinac kawada hadleen xoojinta xariirka labada dhinac iyo arimo kale oo muhiim ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*