26th July 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u jooga dalka Soomaaliya Michael Keating.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, horumarka ay dowladda ku talaabsaneyso iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa amaanay siyaasadda dawladda ee ku dhisan horumarka iyo ladagaallanka musuq maasuqa, isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay sii xoojineyso taageerada ay siineyso Soomaaliya.

 

Did you like this? Share it:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*