18th April 2024  admin  Category :

Muddo laga joogo qiyaastii 150 sano baa gobolka Sanaag, degmada Ceerigaabo waxa ku noolaa nin oday ah oo aad u keni adag, laguna Xanto cadowtinnimo. Xilligaas cadowtinnimada iyo adadaygu waxay ahaayeen ragannimo ,duruufaha lagu noolaa dartood. Odaygaasi wuxu u dhashay beesha Naallaye Axmed ( Dhulbahante). Odaygu wuxu lahaa wiil dhallinyo ah oo isaga bara dheereeyey ,adadaygga iyo qallafsanaanta.Waxa la dhihi jirey Maxamed. Wuxu kale oo odaygu lahaa gabadh qurux iyo qiimo Alle u dhammeeyey oo lagu magu magcaabi jirey Jamiila.

Waxa ag degganaa laba nin oo walaalo ah oo degaanka dool ku yimid kana soo jeeday beesha Hawiye.

Labadii nin midkood baa Jamiilo soo doonay . Isagoo geel, farddo iyo xoolo kale oo gabbaati ah wada buu reerkii soo arddaa -dhigay .

Wiilkii Maxamed ahaa oo qaadanla’ in walaashiis ninba soo hawaysan karo ( Waa arrinta Carab- Dheere taariikh dambbe soo xigtaye) baa inta soo orday ninkii Hawiye ugu qalaf siiyey, geelii iyo fardihiina kaxaystay.Muddo ka dib baa ninkii la dilay walaalkiis reerkii u yimid.Wuxu dalbaday in hantidii laga dhacay iyo magtii walaalkiis la siiyo, ama Jamiilo la siiyo. Isagiina wiilkii Maxamed ahaa baa minddi-raaciyey.

Kolkay halkaas mareysey ,reerkii waa laga oo’saday, cid Jamiilo soo doontana Sanaag waa laga waayey.Muddo haddii la joogey nin beesha Jibriil Siciid ah ( Wersengeli)oo la dhihi jirey Maxamuud Axmed baa reerkii soo aaday. Isagoo meel dhexe sii socda buu wuxu la kulmay oday Dhulbahante ah oo la oran jirey Kelli Siciid ( Aadan Ugaadhyahan).

Kelli baa ku yiri: Abti xaggee ku socotaa?. Maxamuud baa yiri: Oday hebel baan ku socdaa oo Jamiilo ka doonayaa.Kelli baa hadana yiri: Oday hebel, gabadh ka guursigiisa daaye, geedna lama hadhsadeene, maad iska deysid !

Maxamuud waa ku adkaystay ,hore ayuuna usii socday.Goor barqo ah buu odaygii oo geed hoos fadhiya isla soo taagay.Salaan iyo iswaraysi kadib, muraadkuu u socdey buu usoo bandhigay. Odaygii kolkiiba jawaab ma siine, gurigii oo ku dhowaa buu cunto uga keenay.Gooray duhurkii tahay baa Maxamed oo warkii gaadhay, soo muuqday.Odaygii baa intuu Maxamuud ku jeestay,yiri: War , ina Axmedow ninkii la sheegi jirey waakaase yuu ku gaadine,iskaraw.Nin walbbii, laba waran, hooto iyo gaashaan wiyileed buu ku gaashaaman yahay.

Maxamuud waa istaagay, kolkii Maxamed soo gaadhayba dagaal baa laysku bilaabay. Odaygii kobtiisii kama kicin oo waa isku fiirsanayaa.Kolkii riddooyinkii warmaha lays dhaafsaday oo nin walbba hootadii iyo gaashaankii gacantiisa ku hadhay, baa Maxamed geed badanti ah kabta sudhay oo jirjirka u dhacay, Maxamuudna hootadii buu la duul tegey. Kumuu dhifan ,illeen reerka xurmmo iyo xididnimuu ka rabaaye.Odaygii baa inta soo kacay oo wiilkiisii dul tegey ku yiri, oraahda caan baxaday ” Waryaa, ragga oo dhan, ma Hawiyaad moodday !!”.Maxamuud Axmed, isla habeenkii baa Jamiilo loo mehershey oo loo dadab geshey.

Waxay dhashay ninkii beesha Jibriil Siciid ugu deeqsi sanaa uguna qiimaha badnaa. Durriyaddii Jamiilo waxay kor u dhaafeen boqol qof ,xilligan. ( F.G. Odayga magaciisa waxan u qori waayey durriyaddiisii baanan weli ogolaansho ka helin, haddaanse ka helo waan ku qori doonaa).

Waxan sheekadan ku xasuustay, warbixin aan xallay akhriyey:Mr. Deni baa dhaqammadii uu ku jidaystay beelweynta Wersengeli, wuxu la aaday beesha Cumar Maxamuud, iyana gaashaanka ayay u daruureen.

Kadib waxan ku fekeray:Cumar-Dhiig oo kolkuu dhashay laga waqlalay baarqabkii geela ku qooqnaa,miyuu Deni mooday Wersengeli !!War, ragga ma Hawiyaa lamooday, waxay u beddelantay ;War, ragga ma Wersengeli baa la mooday! Iyagaa xaalkoodu noqday ; Fara aan dufan lahayn waxma duugaane, jeebkaas ku xiga waxad hayso kusoo rid.

Allsanaag BY; Qawaacid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*