29th March 2024  admin  Category :

Haddii Soomaaliya Isbedel ka dhacay maxaa ka reebay in wax laga bedelo Radiyo Muqdisho.

Sanado ka  hore ayaan ku soo qornay websitka ALLSANAAG,  arin jirta oo dhab ah. taas oo ah  Ninka radiyo muqdisho ka taliya ayaa Muqdishona ka taliya. maalintii Siyaad Bare Xukunka xooga kula wareegay, meeshii ugu horaysay ee uu gacanta ku dhigay waxay ahayd radiyo Muqdisho, oo uu ka bilaabay hanuunintii  wacyi gelintii kacaanku u gudbinayey bulshada Soomaaliyeed . maalintii Maleeshiyaadkii Caydiid ee Mudug uga soo hayaamay in Qaranka Soomaaliyeed burbutiyaan   ay  Muqdisho soo galeen magaca qura oo ay haysteen wuxuu ahaa Radiyo Muqdisho. Waana meeshii ugu horaysay ee gacanta ku dhigeen, kagana dhawaaqeen amarkii ugu horeeyey ee ahaa ha lagu dhaqaaqo bililiqo . Intii ka danbaysay hadba ninka Muqdisho ka talinaya ayaa Radiyo Muqdishona dantiisa gaar ahaaneed u isticmaalayey

http://www.radiomuqdisho.net/madaxweyne-farmaajo-oo-la-caleema-saaray/

Hadaba in maanta  Radiyo Muqdisho oo malaayiin doolar loogu qaato u shaqaynta qaranka Soomaaliyee in  uu cuna qabatayn ku soo rogo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , oo haba yaraatee wax sawiro ah uuna  ka soo qaadin xafladdii caleemo saarka  waaa mid aan la aqbali karin oo u baahan in deg deg looga jawaabo, si uu ula jaan qaado isbedelka ka dhacay Soomaaliya

Sawirada ugu badan ee umadda Soomaaliyeed maanta ku farxsan yihiin muuqaal ahaan  iyo maamuuska sharfta leh ee madashii madaxweynaha lagu caleemo saarayey waxa soo qaaday dhalinyaro Soomaaliyeed,  oo ay umadda Soomaaliyeed isugu mid yihiin. Waa dhalinyaradii dhowaan sawiradii Qurxoonaa ee  caalamku wada daawaday  ka soo qaaday buurta Calmadow ee Soomaaliya

Hoos ka daawo sawirada uu Cali Ducaale ka soo qaaday xafladda Caleemo saarka. Dhalinyaradan Soomaaliyeed ee Qaran doonka ah waxay mudan yihiin in loo aqoonsado howsha u hayaan umadda Soomaaliyeed

Image may contain: 3 people

Image may contain: 1 person, closeup

Image may contain: 7 people, people standing and text

Image may contain: 3 people, people on stage and people standing

Image may contain: 3 people, crowd and indoor

Image may contain: 3 people, crowd and indoor

Image may contain: 3 people, crowd and indoor

Image may contain: 11 people

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*