29th March 2024  admin  Category :

Aran jaan oo doonaya in Siyaasiga beesha Warsangeli Moohin laga keeno.

Kooxda Aran Jaan oo ka amar qaata Qoyska reer Faroole, oo dhibka iyo khal khalka siyaasadeed ay ku hayaan maamulka Puntland iyo hogaankeeda uu   la mid tahay  argagixiosada Alshabaab iyo abaarta ka jira Puntland,  ayaa hadda bilaabay olole ka dhan ah gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali xaashi oo xilka ku haya  ku wax wada qaybsiga ku salaysan  beelihii  Puntland wada samaystay.

Kooxda Aaran jaan ee ka amar qaata Qoyska reer Faroole ayaa si ay bulshada Ciise Mxamuud ee Majeerteen ee degaan ahaan  ka soo jeeda Caasimadda Puntland ee  Garowe u kiciyaan, waxay bilaabeen Borobogaanda ah in Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland  uu xilligii Cade Muuse uu  kula taliyey in Caasimadda Puntland  laga qaado garowe oo si ku  meel Gaar ah loo geeyo Boosaso. Sababtaasna waqtigaas looga qaaday Gudoonka Paarlamaanka

Qoraalada ay  maanta Qoyska reer Faroole ay  u qaybinayeen waxgaradka iyo dhjalinyarada  Beesha Ciise Maxamuud  waa kan

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey safaro dibada ah kaga maqnaa Puntland ayaa wararka warsidaha Garowe Online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay waxaa ay  sheegayaan in lagula taliyey in muddada uga dhiman xilkiisa ku shaqeeyo magalaada Bossaso.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in  Gudoomiyaha Barlamanka Puntland  Axmed Cali Xaashi, Madaxweynaha Puntland taladaan siiyey isagoo xusey in mid lamid ah horey u siiyey dowladii uu Madaxweynaha ka ahaan jirey AHN Cadde Muse ayna shaqeysay.

Xogtaan ayaa sheegeysa in soo jeedinta Axmad Cali Xaashi uu diidey madaxweyne ku xigeenka Puntland iyadoo muddooyinkii dambe uu xumaa xiriirka shaqo ee u dhexeeya labada mas’uul ee ugu sareeya Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Barlamanka Puntland uu ku fasirey sababaha aan loogu shaqeyn karin magaalada Garowe  ay tahay madaama xildhibaanada golaha wakiilada intooda badan diidan yihiin xaalada Puntland ku sugan tahay waqtigan (Hostile Parliament) halka dhinaca kale hoos u dhac weyn ku yimid kalsoonida shacabka dagan magaalo madaxda Puntland ku qabaan xukuumada talada haysa sidaa darteed uu mucaaradku ku badan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*