26th April 2024  admin  Category :

Qoysaskii Laga Soo Musaafuriyay Laascaanood Oo La Bilaabay In Diyaarado Lagu Daadgureeyo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta bilaabay daadgureynta qoysaskii laga soo musaafuriyay magaalada Laascaanood, kuwaasoo diyaarado looga soo qaadayo magaalada Gaalkacyo.

Tirada dadka maanta diyaaradaha lagu qaaday oo aan weli la shaacin ayaa la rumeysan yahay inay go’aansadeen inay dib ugu laabtaan gobolka Bay oo markii hore ay ka yimaadeen.

Guddi ka kooban Wasiiro uu magacaabay Madaxweynaha Koofur Galbeed oo shalay gaaray Gaalkacyo ayaa ka qeyb qaadanaya howsha daadgureynta qoysaska, si dib u dejin loogu sameeyo.

Qoysas badan oo ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool ayaa ka barakacay dagaaladii iyo abaaro ku hubsaday kadib dagaalkii talada loogaga tuuray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre waxayna dadkasi ay u kala firxadeen gobolo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

Sidoo kale waxaa sagaashameeyadii ka dhacay gobolada Bay iyo Bakool dagaal kale oo u dhexeeyay jabhadii RRA iyo ururkii USC qeybtii uu hogaaminayay General Ceydiid.

qoysaskii laga soo musaafuriyay laascaanood oo la bilaabay in diyaarado lagu daadgureeyo
qoysaskii laga soo musaafuriyay laascaanood oo la bilaabay in diyaarado lagu daadgureeyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*