29th September 2022  admin  Category :

Qoysaskii Damuljadiid oo Soomaaliya ku metelaya Qaeamada Midoobey

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Meertada 77-aad Golaha Loo Dhanyahay Ee Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Culusoow ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey oo lagaga arrinsanayo yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka la hayb sooco.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa sheegay inay soo badhigi doonaan aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasiiloonida iyo nabadda, dagaalka ka dhanka argagixisada, wax ka qabashada abaaraha iyo gurmadka degdegga ah iyo dhammaan caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey shirkan, , Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, oo ah xaaska saaxiibkiis Cabdikariim Guuleed , Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), ka mid ah ururka Hawiye Action Group ahna Mulkiilaha talafishanka Goob joog ee sida qabyaaladaysan uga soo horjeeday madaxweyne Farmaajo, Madaxa Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cusmaan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

Sawirka hoose waa ku xigeenka Damuljadiid oo hadda xaskiisu la socoto madaxweynaha oo saxiixaya heshiiskii xaaraanta ahaa ee Irirsamaale ee Turkiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*