26th July 2024  admin  Category :

Qoraalka Xeerka Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed ee uu Maanta Meelmariyay Golaha Shacabka.

Kalfadhiga Sedaxaad kulankiisa koowaad oo ku furmay 170-Mudane ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka shir gudoominayay wuxuu  mudanayaasha u sheegay in loo soo gudbiyay Mooshin ay ku saxiixanyihiin 11-Xildhibaan oo lagu dalbanayo in dib loo dhigo ka hadalka arinta Shirkada DP World ee heshiiska dekadda Barbara, oo ka mid ahaa Ajendayaasha maanta golaha ay ka hadlayeen, ka dibna cod ayaa la geliyay waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyahaya Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad ayaa kulanka ka akhriyay Xeerka Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed, oo ah xeer uu guddooonka Golaha Shacabka curiyay, waxaana Xildhibaanada qaarkood oo hadlay ay soo dhoweeyeen xeerkan uu goluhu soo saaray.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in xeerkan uu yahay mid dhaxal u ah umada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in xeerkan uu horay isugu raacay guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod ah in qaraarkan uu sidii loo soo jeediyay iyo wax ka bedel lagu sameeyo geliyay xeerkan Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 168-mudane hal aya diiday midna waa uu ka aamusay sida uu natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxaa loo gudbay Ajendaha labaad oo ahaa qeybinta warbixinta wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka,sidoo kalana xildhibaanada waxaa loo qeybiyay miisaaniyada 2018 ee Golaha shacabku Ansixiyay,Waxaana Akhriyay Xildhibaan Maxamuud Macalin yaxye oo ah guddoomiyaha xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*