26th April 2024  admin  Category :

Qofkii labaad oo qaba cudurka Coronoviras oo laga helay magaalada Muqdisho

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in qof labaad oo qaba cudurka Coronovirus laga helay caasimada dalka ee Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shaacisey in qofkii labaad ee qaba Cudurka Coronavirus ee ku baahay caalamka laga helay Magaalada Muqdisho.

Marwo Fowsiya Abiikar ayaa sheegtay in qofkan laga helay cudurka uusan ka muuqan astaamaha cudurka uuna ka yimid dalka dibadiisa.

Magaalada Muqdisho ayaa 16kii bishan laga helay qof uu ku dhacay cudurkan waxana dowlada federalka ay ku dhowaaqday tallaabooyin loogaga hortagayo inuu sii faafo cudurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*