21st May 2024  admin  Category :

Qofkii afaraad ee afar kelyood leh dunida oo dhan oo laga helay Soomaaliya

Dadka leh kelyaha dheeraadka ah inta badan kuma baraarugsanaa ilaa ay la soo deristo xaalad caafimaad taas oo ku qasabta in ay dhakhtarka booqdaan, iyagoo aan ka warheyn heybadda dheeraadka ah ee uu ilaahay siiyay, waxayse ogaadaan marka lagu sameeyo baaritaan, oo ay ka warhelaan oo kaliya ka dib baarista ultrasound-ka ama qalliin ka dib.

Dadka leh kelyaha dheeraadka ah ee laga diiwaan geliyay adduunka oo dhan ayaa ah kaliya saddex ruux iyada oo qofkii afaraad haatan laga helay gudaha Soomaaliya.

Wiil da’yar oo dhakhaatiirtu ay ka gaabsadeen shaacinta magaciisa ayaa noqday bukaan baaritaan dheer ka dib la ogaaday in uu leeyahay afar kelyood.

Isbitaalka tababarrada iyo cilmi baarista Somali Turkish ee horay loogu yaqiinnay Digfeer, ayaa waxaa booqday bukaankan isaga oo ka cabanaya xanuun uu ka dareemayo killidiisa bidix, waxana dhakhaatiirtu ay amreen in baaritaan lagu sameeyo taas oo lagu ogaaday in uu bukaanku leeyahay afar killiyood iyo in dhinaca uu ka cabanayo uu dhagax kaga jiro.

Dr Cabdikariin Xuseen Maxamed Gabayre, dhakhtarka daaweynta iyo qalliimada xanuunnada kaadi mareenka & taranka ragga oo ah dhakhtarka qalliinka ku sameeyay bukaanka ayaa BBC-da u sheegay qaabka ay xaaladdan ugu baraarugeen.

“Bukaanka oo soo booqday isbitaalka ayaa baaritaan kadib lagu ogaaday xaaladdan, waxa ay noqotay mid la yaab leh maadama adduunka oo dhan lagu ogaa saddex qof oo kaliya isla markaana uu noqonayo qofkii afaraad, intaas kadibna waxa aan u howlgalnay qaabka ugu wanaagsan ee loo geli karo daryeelka iyo daweynta bukaankan maadaama uu yahay ruux ka duwan dadka kale”.

Bukaanka ayaa sidoo kale lagu sameeyay qalliinka xanuunkii uu ka cabanayay maadaama killidiisa bidix laga helay dhagax ku raagay.

Killiyaha
Qoraalka sawirka,Dr Gabayre

“Bukaanka waxa aan la tacaalnay xaaladdii uu isbitaalka u yimid waxa lagu sameeyay qalliin, maadama uu yahay bukaan leh xaalad ka duwan tan caadiga ah, qalliinkiisa iyo daweyntiisaba wey ka duwanaayeen kuwa caadiga ah, waliba waxa aan qoyskiisa kula dar daarannay in ay si gaar ah ula socdaan”, ayuu yiri Dr Gabayre oo qalliinka ku sameeyay.

Bukaanka oo la sheegay in uu dareemayay xanuun badan ayaa baaritaanka ka dib dhakhaatiirtu waxa ay go’aamiyeen in lagu sameeyo qalliin deg deg ah, waxaana lagu sameeyay qaab ‘leysar’ ah ama toos loo tooganayo dhagaxa iyadoo markii lagu guuleystay uu bukaanku dib ugu laabtay hoygiisii.

Faa’iido mase faa’iido darro afarta kelyood

Bukaanka ayaa in muddo ah la xanuunsanayay dhagaxa killida kaga beermay iyada oo dhakhaatiirtu ay sheegeen in biyaha wasakhda ah ee la cabo iyo cunista hilibka guduudan, iyo waxyaabo kale oo badan ay sababaan dhagaxaanta kelyaha ku beerma.

Bukaankan leh afarta killiyood leh ayaa kelyihiisu waxa ay yihiin kuwo caafimaad qaba oo si caadi ah u wada shaqeynaya, waxaa muuqata in labada killiyood ee dhinaca midig ay kala madax bannaan yihiin, halka labada killiyood ee dhinaca bidix ay qayb isaga dheggan yihiin.

Killiyaha oo inta badan ay ku soo dhacaan waxyaabaha la cabo iyo wasakhda ka dhalataba waxa ay u nugul yihiin, in uu dhagax ku beermo taasoo dhakhaatiirta bukaankan ay ku micneeyeen in uu u nugul yahay dhagxaanta marka loo eego dadka caadiga ah ee leh labada killiyood.

“M ahan saameyn ama dhibaato gaar ah in bukaankan uu leeyahay afar killiyood laakiin waxa ay u nugul yihiin killiyihiisa xanunnada la xiriira dhagxaanta, maadaama afar killiyood uu leeyahay waxa uu xanuunka ka dareemi karaa fartaba maadaama dadka caadiga ah labada xanuunaan, taas oo noqon karta in xanuunkiisa uu ka bato sida caadiga ah”, ayuu yiri Dr Gabayre.

Killiyaha
Qoraalka sawirka,Isbitaalka tababarrada iyo cilmi baarista Somali Turkish ee horay loogu yaqiinnay Digfeer

Tayo ahaan maka duwan yahay dadka leh labada kelyood

Bukaanka oo ku dhashay xaaladdan afarta kelyood ayaa la’is weydiinayaa tayada kelyihiisa iyo haddii uu ka faa’iido badan yahay dadka leh labada killiyood.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegayaan in tayada afartiisa kelli ay la mid tahay qof leh labo killiyood isla markaana aysan jirin faa,iido ka badan dadka caadiga ah, haddii ay noqoto waxqabad iyo shaqo.

Waxa kale oo xusid mudan in haddii laga saaro labo ka mid ah killiyihiisa ay la mid tahay in qof leh labo killiyood laga saaray middaas oo la micno ah nusqaan ku imaanyesa.

Dhakhaatiirta ayaa ehelka bukaanka kula taliyay la socosho iyo daryeel gaar ah, sidoo kale waxa ay sheegeen in mar kasta oo loo baahdo daweyn caafimaad uu u baahan yahay daryeel ka duwan midka caadiga ah maadaama uu ku ku jiro xaalad ka duwan tan dadka kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*