26th April 2024  admin  Category :

Qatar oo ka jawaabtay eedeyn la xiriirta Fahad Yaasiin oo loo jeediyey

Dawladda Qatar ayaa beenisay inay jiraan lacago ay Soomaaliya usoo mariso Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin.

Eedayntaas ayaa ku jirtay waraysi uu VOA siiyey safiirkii hore ee Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz.

Qatar ayaa qoraal ay usoo dirtay VOA ku sheegtay inaysan jirin lacag madow oo ay Soomaaliya geliso, balse waxay sheegtay inay sanadkii tegay miisaaniyadda dowladda ku taageertay $20 milyan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*