7th September 2024  admin  Category :

Qarixii Soobe: Meydka walaashey waan garan waayay

Qoysas murugeysan ayaa ehaladooda raq iyo ruuxba ka raadinaya burburka kadib khasaarihii ka dhashay labadii qarax ee mataanaha ee Sabtidii ka dhacay isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 120 qof ayaa ku dhimatay halka ku dhawaad 300 qof oo kalena ay ku dhaawaacmeen weerarka.

Waxaa haatan socdo dadaallada loogu gurmanayo dadka ay waxyeellada kasoo gaartay weerarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka reer Muqdisho inay tagaan isbitaallada si ay dadka dhaawaca ah ay dhiig ugu shubaan.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ka codsanaya in dadka walaalaha ay dhibaatadu gaartay ee isbi.taallada yaalla in beri dhiig aad u bixisaan, waxaan ku baaqeynaa in isbitaallada dhiig la siiyo la tego dhiig lagu tabaruco”.

Isbitaallada magaalada Muqdisho waxaa buux dhaafiyay boqolaal qof oo ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen weeraradii shaley ka dhacay isgoosyka Soobe, waxaana kamid ah meelaha dhaawacyada ugu badan la gaarsiiyay isbitaalka Madiina iyo isbitaalka Digfeer.

“Ma arag dhacdo noocan ah”

Dadka ehaladooda raadinayo waxaa kamid ah Cabdicasiis Cabdi oo ah ardey wax ka dhigta Muqdisho wuxuu sheegay in habeenkii oo idil uu raadinayay walaashii oo ku sugneyd isgooyska Soobe xilliggii uu qaraxa dhacayay.

“Meydkeeda saaka ayaan helnay, waxaan ku garanay dharkii ay qabtay, jirkeeda gebi ahaanba wuu gubtay” ayuu yiri Cabdicasiis.

Wuxuu intaa ku daray, “Weligey ma arag dhacdo noocan ah”.

Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Cisbitaallada waxaa buux dhaafiyay dhaawacyada, halka ay jiraan dad weli baadi goobaya eheladooda oo raq iyo ruuxba la la’ yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in loo gurmado dadka ay musiibada ku dhacday.

Dhinaca kale, Maxamed Ganey oo dumaashidii ka raadinayay isbitaalka ayaa sheegay, “waxay u dhimatay dhaawaca daqiiqo kadib markii aan ka helnay isbitaalka, qof kasta wuxuu ka naxay qaraxa.”

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhimatay qaraxyada
Qoraalka sawirka,Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhimatay qaraxyada

“Su’aasha la isweydinayo ayaa ah maxaa loo laaynaya dad aan waxbo galabsan?”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dadka waxay la anfariirsan yihiin dhibaatada weyn ee ka dhalatay qarax.

Aadan Maxamed oo ah sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya kana mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee gaaray goobta uu ka dhacay qaraxa ayaa sheegay in qarax uu saameyn ku yeeshay isla markaana uu seexan waayay.

“Xaley waan seexan waayay naxdinta awgeed” ayuu yiri xilli uu arkayay ilmo yar oo hooyadii ku dhimatay qaraxa.

“Waan ooyay markii ilmaha yar aan wajigeeda ku arkay dhiig loo maleynayo in uu kasoo baxay jirka hooyadeed oo qaraxa ku dhimatay, gabadha yar ma aysan ooyi karin waxay ku jirtay xaalad argagax leh, wey uun na soo eegeysay.”

Markii qaraxyadu dhaceen durba muuqaallada baraha bulshada iyo warbaahinta waxaa qabsaday sheekada gabadh yar oo qiyaastii laba sano jir ah hadiiba aysan ka yaren taasoo askari soo gaaray goobta musiibadu ka dhacday uu dhabta ku haya.

Askariga oo ah nin dhalinyaro ah oo kor u haya gabadha yar ayaa oranaya:- “gabdhaan yar hooyadeed way dhimatay meydkeed ayaan ka soo dulqaaday”. Wuxuu intaa sii raacinayaa,” gabadhaan cid Allaa cidii taqaanna si degdeg ah ha noola soo xiriirto”

Maxamed Jaamac oo isna dukaan ku lahaa isgooyska Soobe ayaa sheegay in markii ay qarax maqleen ay isaga iyo afar qof oo kale ay dhex gurguurteen burburka, markii dambe Ilaahey ayaa ka badbaadiyay qaraxa.

“Dukaamada hortooda waxaa daadsanaa meydad iyo dad dhaawac ah, dadka qaar ee dhaawaca ahaa wey qeylinayeen”.

Caalamka ayaa si weyn looga dhaleeceeyay weeraradii mataanaha ahaa ee lagu qaaday isgooyska Soobe ee Muqdisho.

Weeraradii lagu qaaday isgooyska Soobe waxaa sheegtay Al-Shabaab, waxayna sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa wasaaradda waxbarshada ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*