27th July 2024  admin  Category :

qaraxyo ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka Saxafi iyo agagaarka Xarunta CID.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ka badan yihiin 15 ruux oo ahaa dad rayid ah oo ahaa dadkii wadada marayay.

Qaraxyada ayaa dhacay xilli wadada mashquul aheyd, gawaari fara badan ay wadada laamiga hormarta Hotelka Saxafi ay marayeen.

Mid ka mid ah gawaarida qaraxa uu saameeyay ayaa ahaa gaadiidka dadweynaha oo ay dad badan saarnaayeen xilliga gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxayay wadada Laamiga ee Hotelka Saxafi.

Aadan Xaaji Cabdulle (Aadan Sooyaal) oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka gaar ahaan Wakaaladda Wararka SONNA iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*