26th July 2024  admin  Category :

Illaa labo qarax oo waa weyn ayaa caawa ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, iyadoo qaraxa hore uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa.

Qaraxa ayaa mid ismiidaamin ah oo lagu dhiftay nawaaxiga Maqaayad ku dhegan Hotelka Maka Al-Mukarama oo lagu magacaabo Hilaac UK.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay agagaarka Hotelka Naasahablood 1 ee isgoyska KM4, lama soo sheegin illaa hada khasaare, inkastoo khasaaraha qaraxan uu yahay mid kooban.

Inta la og yahay 15 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka tiro labaatan ku dhow ay dhaawacantay, kuwaasoo la geeyay Isbitaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kaddib ay rasaas culus is qabsatay goobta, taasoo aheyd mid ay is weydaarsanayeen Ciidamada Ammaanka iyo dabley hubeysan.

Dad qalatooyinka  ayaa gudaha ugu jira dhismo ku dhegan Hilaac UK oo ay dad rayid degan yihiin, waxaana dhismahan u dhaxeeyaa Maqaayadda Hilaac UK iyo Hotelka Maka Al-Mukarama.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ay qaldeen bartilmaameedkooda oo la sheegay inuu ahaa Hotelka Maka Al-Mukarama, iyagoo galay dhismo ku dhegan oo dad rayid degan yihiin.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya inay la dagaalamayaan dableyda hubeysan ee gudaha ugu jirta dhismaha, kuwaasoo soo ridaya rasaas iyo bambooyin.

Inta badan dhismayaasha ku dhow dhow Hotelka Maka Al-Mukarama ayaa dab qabsaday, qaarkoodna burbur xooggan ayaa soo gaaray, waxaana goobta ay noqotay mid holac iyo dab ka socdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*