26th April 2024  admin  Category :

Waxaa faafaahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan weerar galabta lagu qaaday Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in werarkan uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse lama oga ilaa iyo imika inta u khasaaraha dhan yahay.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay booliiska dowladda Soomalaiya dabley hubaysan ayaa gudaha u gashay hotelka halkaasi oo ay ilaa imika ka dhex dagaalamayaan.

“Ciidanka Boliiska oo si deg deg ah goobta ku gaaray ayaa gudaha u galay hoteelka si dadka looga badbaadiyo, waxaa laga badbaadiyay inta badan dadkii ku jiray iyaga oo bad qaba, welina howlgalku wuu socdaa,,” waxaa sidaasi lagu sheegay bayaanka booliiska

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in halkaasi ilaa iyo imika laga soo badbaadiyay dad badan oo markii weerarku dhacayay gudaha ku jiray.


Ciidamada ammaanka ayaa soo badbaaday dad badan oo ay ku jiraan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada kale ee dalka.

Saraakiisha ciidan ee ku jirey gudaha hotelka isla markaana iyagoo bed qaba laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah Generaal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade, Labo Afle iyo Xuseen Goley oo ah Milkilaha hoteelka.

Ururka Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka weli ka socda gudaha Hotel Afrik kaas oo sababay dhimasho & dhaawac

Hotelka Afrik ayaa ku yaalla agagaarka KM4, Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*