26th July 2024  admin  Category :

Mar kalle waxaa qarax ka geeystay xerro ciidan oo ku taal magaalada Muqdisho cadawga insaanka, ee argagixisada ah, kuna abtirsada shayaadiinta jidkooda kuwaas oo ah kuwo illaahay ka foggaaday. Cadawgan is qarxiyey ayaa dillay 18 askari oo ka mid ahaa ciidanka booliska, waxaana ku dhaawacmay qaraxaas 15 kalle.

Qaraxa maanta ayaa ah mid ifinaya sida cadawga ummadda Soomaaliyeed ay welli u yihiin kuwo u ooman shacabka dhiigooda. Waxaana dhab ah, in argagixisadu tahay cadawgii ugu xummaa ee soo mara taariikhda Soomaalida, cadawgana waa mid aan dhaafeen cidina, ha yaraado ama ha weeynaado, ciidan ha ahaado ama yuusan ahaan, arday ha ahaado ama yuusan ahaan, waxeeyna ku soo qaateen kunturaad ineey laayaan shacabka Soomaaliyeed inta ay leeyn karaan. Maantana ineey Soomaaliya nabad hesho waa cidda hor taagan.

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*