25th October 2024  admin  Category :

Alshabaab oo shacabkii buuraha  Calmadow miinooyin dhulka u dhigay maalintii ay Ciidayeen

Deegaanka Af urur oo ka tirsan gobolka Bari ayaa lagu dilay in kabadan 5 qof oo isugu jira Askar iyo Shacab halka dhawacana uu kor u dhaafay 46 Qof.

Qaraxan ayaa ciidamada amniga Puntland loo dhigay Meel ay ka gadan jireen qaadka waxaana sidoo kale soo baxaya khasaaraha qaraxaasi gaystay inuu intaas ka badanyahay.

Qaraxan oo ahaa mid dhulka loo dhigay ciidamada amaanka Puntland ayaa waxaa wali socda gurmadka gadiidka iyo ciidamada gaaraya goobtaas uu qaraxu ka dhacay.

Labo Qarax oo is xig xigay oo ka dhacay deegaankaasi ayaa waxyeelada ugu badan ay soo gaartay dadka shacabka halka ciidamadana ay waxyeelo kasoo gaartay Goobjoogayaal lahadlay Warsidaha Puntlandvision.com ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaaray dad shacab ah oo kuwaasoo ku soo ururay qaraxii hore halka uu ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*