8th May 2024  admin  Category :

Qarammada Midoobay Oo Muddo Kordhin U Sameysay Xafiiska UNSOM Ee Somaliya.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo ugu daray Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM sida lagu sheegay Bayaan kasoo baxay Golaha.

UNSOM ayaa la sheegay in ay howsha sii wadi doonto ilaa 31 August.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Xafiiskaan uu ka taageero Soomaaliya nabadda, dib u heshiisiinta, dib u dhiska dowladaha Federaalka, dib u eegista Dastuurka iyo qabanqaabada doorasho cadaalad,sanadkaan 2020.

Golaha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in xafiiskooda uu kaalin ka qaaato doorashada lagu waddo in ay ka dhacdo Soomaaliya dhamaadka Sanadkaan ilaa bilowga Sanadka soo socda.

UNSOM ayaa laga codsaday iney xoojiso oo ay adkeyso joogitaankeeda dhammaan magaalo madaxda maamul gobaleedyada, iyadoo xoojineysa baahida ammaan iyo xaaladaha nabad galyo, si loo taageero siyaasad ahaan, nabadeyn iyo dib u heshiisiin dalka ka dhacdo.

3-dii June sanadkii 2013-ka ayaa la sameeyay xafiiska UNSOM waxaana muddada loogu talagalay ahayd 12 bil, balse la sheegay in mudada loo kordhin karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*