26th July 2024  admin  Category :

Abaarta Soomaaliya ka jirta oo la shaciyey inay saamasay 5 milyan qof, meelaha u daran tirada & dadka ay saamaysay

Abaarta Soomaaliya ka jirta ayaa sida ay shaacisay Hay’adda UN OCHA waxay saamaysay dad gaaraya 5 milyan oo qof, iyadoo shaacisay Gobolada u daran iyo tirada dadka ay ka saamaysay.

Waxaa kaloo la shaaciyey in ilaa iminka ay soo gaartay lacag dhan 3.2 milyan oo doolar oo laoogu talogalay in wax loogu qabto dadka ay Abaartu saamaysa.

Sida khariiradan kore  ku qoran,  Gobolada ugu daran ama abaarta ugu xumi ay ka jirto guud ahaan Soomaaliya waa gobolada Puntland ay ka kooban tahay, gaar ahaan gobolka sanaag. Sidaas awgeed qof kasta oo isku daya inuu xado ama musuqmaasaqo lacag dadka masaakiinta ah loogu talo galay in lagu quudiyo oo qaarkood  gaajo hore ugu  u dhinteen ha ogaado inuu yahay danbiile caalami ah   oo maxkamad lala tiigsan doono marka uu dib ugu soo laabto xaaskiisa iyo caruurtiisa Qurbaha u jooga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*