28th March 2024  admin  Category :

Qaramada Midoobay Oo Soo Dhaweysay Doorashada Ka Dhacday Puntland

Qardho, 25 Oktoobar 2021 –Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta booqday Qardho si ay u muujiyaan siday u garab taagan yihiin dadka reer Puntland iyadoo muwaadiniintu ka qaybgaleen geeddi socodka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay rumeysan tahay in doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod’ ee ka dhacay Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo guul lagu soo gabagabeeyay ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo muujineysa suurtogalnimada doorashooyin guud ee codbixinta heer deegaan, heer dowlad goboleed iyo heer qaran ee guud ahaan dalka.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa dowladda PUNTLAND,Xubnaha guddiga ku-meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) iyo shacabka Puntland siday uga go’an tahay qabashada doorasho toos ah, sida ku cad Dastuurka Puntland.UNSOM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*