29th March 2024  admin  Category :

Qaramada Midoobay ayaa ka digeysa in khilaafkaa u dhaxeeya siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku saabsan doorashada.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa oo la hadlayay BBC ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay wadaan cabsi gelin, kaddib markii uu dib u dhac ku yimid doorashooyinkii Baarlamaanka.

Swan ayaa sheegay inay jirto fursad, isagoo xusay inay diiradda saareen muranka, caqabadaha taagan iyo kala qeybsanaan jirta in la isku soo dhowaado, haddii ay isku imaan karaan Madaxda Soomaalida.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu qaato hoggaankii looga baahnaa, si uu isugu keeno dhinacyada kala duwan, si horay loogu socdo.

“Marka la eego doorashada soo socota fursad ayaa jirta, waxaa dirradda saarnaa muranka caqabadaha taagan iyo kala qeybsanaan jira in la isku soo dhowaado xaqiiqdi waxaa jirta fursad, haddii hoggaamiyeyaasha waa weyn isku imaan karaan ,haddii Madaxweyne Farmaajo uu awoodo inuu soo bandhigo hoggaankii loo baahnaa si cid walba isugu keeno, si horay loogu socdo, xisaabtana ku darsado in fikradaha kala duwan in la soo bandhigo”ayuu yiri James Swan.

James Swan ayaa sheegay in is mari waaga ka taagan doorashada uu halis gelinayo horumarka iyo degenaanshaha uu sameeyay dalka, isagoo tilmaamay halista ammaanka, kaddib markii Ciidamada Mareykanka oo tababarayay Ciidamada Soomaaliya ay isaga baxeen todobaadkan Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*