26th July 2024  admin  Category :

Wararkii Ugu Dambeeyey ee Mashruuca Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo

Mashruuca wadada Ceeldaahir-Ceergaabo ayaa maraya marxaladihii ugudambeeyey ee bilaabidiisa. Waxa todobaad gudihii la qaaday sadex tallaabo oo muhiim ah :
1) Waxa mar labaad la diray farsama yaqaano iyo Injineero , si ay dib u eegid ugu soo sameeyaan naqshada wadada , ugana saaraan meelaha qalloocu kujiro. Taas oo macneheedu yahay iney noqoto waddo toos ah (Straight Line), dhererkeeduna ka yar yahay 90km.
2) Waxa xirfadohooda aqooneed lagu qaatay 20 shaqaale ah oo dareewallo iyo farsamo yaqaanno qalabka waaweyn ku shaqayn doona.
3) Ugu danbayntii waxa maanta la bilaabay in qalabkii la geeyo Ceeldaahir oo shaqada laga bilaabayo.
Masuuliyiin ka mid ah gudiga wadada ayaa sheegay in xaflad ballaadhan loo samayn doono daah-furka mashruuca , taas oo dhici doonta xilli aan sidaas u fogeyn

Xigasho websitka Gobolka Sanaag, Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*