26th April 2024  admin  Category :

Beelaha Hawiye iyo Dawladda Qadar oo ku wada hadlaya Dhuusa mareeb

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre,  oo maalmo ka hor maamulka Puntland ka siiyety deeqaha Soomaaliya la siiyo $220,000, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ku qaabilay wafdi ka socda wasaaradda Gaashaandhigga dalka Qatar.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha Wasaaradda gaashaandhigga Qatar oo looga hadlay xoojinta taageerada Qatar ee dhismaha iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka amniga gudaha, wasuurudowlaha Wasaaradda Gaashaadhigga, Taliyayaasha ciidanka Xoogga, Booliska iyo Asluubta.

Dowladda Qatar ayaa ka qeyb qaadaneysa dhismaha ciidamada Xoogga Galmudug iyo Hir Sabeele, gaar ahaan dhismaha xarumaha ciidamada ee ku yaalla Dhuusamareeb iyo Jowhar arrintaas oo qeyb ka ah barnaamijka taakuleynta ciidamada maamulada gobolada dhexe

Wafdiga oo ay wehliyaan taliyayaasha ciidamada dalka ayaa wadajir qiimeyn ugu sameeyay xarumaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb oo dib-u-dhis laga billaabayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*