7th September 2024  admin  Category :

Qaar ka mid ah dadkii ku dhintay colaadii Laascaanood ee bulshada u adeegay

Intii ay socdeen dagaallada Laascaanood ee u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, waxaa ku naf waayey dad badan oo qaarkood rayid ahaayeen halka kuwa kale ay ahaayeen dhinacyadii hubaysnaa ee dagaalku u dhexeeyay.

Dadkaas ku dhintay dagaalka waxaa ka mid ah qaar ay bulshada taqaanay ama muhiim ah, waxaana ka mid ahaa liiskan hoose.

Abwaan Jaamac Kadiye

Abwaan jaamac

Allaha u naxariistee abwaankii weynaa ee Jaamac Kadiye ayaa bishii hore ku geeriyooday magaalada Laascaanood, iyadoo la sheegay in uu ku dhintay madaafiic lagu gaaracay magaaladaasi.

Geerida abwaanka ayaa waxa noo xaqiijiyay xilligaas ehelkiisa oo aan kula xiriirnay qadka taleefanka.

Abwaanka waxa uu taariikh mug weyn ku dhex leeyahay Soomaalida, maadaama noloshiisa inta ugu badan uu ahaa curiye oo gabayada iyo geeraarrada uu tiriyay in badan oo kamida ay gayiga Soomaaliyeed ka caan bexeen.

Haddaba waa kuma abwaan Jaamac Kadiye?

Allaha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Laascaanood , abwaanka waxa uu ku jiray da’aadda 70-meeyada.

Wuxuu ka gabyi jiray idaacdihii Soomaaliyeed ee radio Muqisho iyo radio Hargeysa 1972-dii xilligaasi oo dadku ay si aad ah u barteen.

Abwaan Kadiye ayaa waxa uu gudbin jiray suugaan diini iyo dhaqanba leh oo isugu jirta gabay, guurow, maanyo, geeraar iyo kuwa kalaba, waxa uuna ku hadli jiray luuqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska.

Abwaan Jaamac kadiye ayaa dagaalkii Soomaaliya Itoobiya ee 1977-dii waxa uu ka tiriyay gabayo badan oo uu Soomaalida ku wacyi gelinayo midnimo isagoo ku dhiirri gelinayay in ay isku duubnaadaan isla markaana muujiyaan wadaniyaddooda.

Nabaddoon Amiir Jaamac Maxamed Mire

Amiir

Madaafiic teel teel ah oo subaxnimadii 13 kii Agoosto ee sannadkan kusoo dhacayey magaalada Laascaanood ayaa galaaftay nolosha 4 qof, sida ay markaas noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sedex qof oo ka mid ah dadkaas ayaa la sheegay inay ku dhinteen gudaha bakhaar magaalada ku yaalla oo uu madfac ku dhacay, halka nabadoon Amiir Jaamac Maxamed Mire uu isna ku dhinta madfac ku haleelay goobta uu ku sugnaa.

Waa kumaa Amiir Jaamac Maxamed Mire?

Amiir Jaamac maxamed Mire oo lagu naanaysi jirey Digaale, wuxuu ku dhashay magaalada Laascaanood sanadkii 1942 dii. Yaraantiisii wuxuu ku koray miyiga magaalada, kadibna wuxuu u soo wareegey magaalada Laascaanood oo aabbihii Maxamed Mire ka mid ahaa dadkii aasaasay magaalada ganacsina ku haystey.

Noloshiisu waxay u badnayd dhinaca ganacsiga iyo nabadaynta bulshada Soomalida.

Ganacsigii ugu ballaadhnaa wuxuu ku lahaa magaalada Burco, wuxuu ahaa milkiilaha Hotel Daalo, dhanka kale wuxuu ka ganacsan jiray xoolaha.

Amiir Jaamac muddadii burburkii dawladdii Soomaaliya wuxuu door laxaad leh ka qaatay dadaalladii nabadeed ee lagu heshiisiinayey beelaha reer woqooyiga gaar aha shirarkii Ceerigaabo oo ah meesha uu ka raacay magaca Amiirku.

Amiir Jaamac wuxuu soo qabtay xilka guddoomiyaha gobolka Sool sannadihii 1999-2001.

Sanadihii la soo dhaafay wuxuu ahaa nin oday ah oo laasimay masaajidka, muxtarimna ka ah magaalada, sida uu noo sheegay qof qaraabadiisa ah.

Amiir wuxuu aabbe u ahaa 13 carruur ah oo kala ha 7 wiil iyo 6 gabdhood.

Cabdifataax Hadraawi

Cabdifataax Xadraawi

Dadka magaalada Laascaanood ayaa bilowgii sannadkan ka mudaharaadayay dilal kusoo batay magaalada, hase ahaatee dilkii ugu dambeeyay ee kacdoonka abuuray waxa uu ahaa mid loo geystay nin dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdifataax Hadraawi.

Dad aan heybtooda la aqoon ayaa Cabdifataax dil u geystay dabayaaqadii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Waxa uu ahaa siyaasi saameyn ku leh bulshada deegaanka, dilkiisuna waxa uu kiciyay caro aad u weyn.

Halkan ka akhri taariikhda Cabdifataax Xadraawi

Sheekh Bide Faarax Caalin

Sheekh Bide

Sheekh Bide Faarax Caalin oo kamid ahaa waxgaradka iyo Culumada magaalada Laascaanood ayaa dhamaadkii sannadkii tagay lagu dilay magaaladaas.

Sheekha ayaa ku dhintay rasaas sida la sheegay ay ciidamada Somaliland ku fureen dad ka dibad baxayey dilalka Laascaanood laga geysto iyo joogitaanka ciidamada Somalilalnd ee Magaaladaas.

Rasaasta ayaa la sheegay in ay sheekha ku qabsatay xilli uu kasoo baxay salaad Jumca ah.

Waxaa lagu tilmaamaa in geerida sheekhan ay sii xoojisay diabad baxayada ay shacabka Laascaanood kagasoo horjeedeen ciidamada Somaliland, wuxuuna dilkiisu dhacay ka hor inta aysan dadka deegaanku dagaal toos ah la galin Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*