17th November 2025  admin  Category :

MADAXWEYNAHA OO KULAN LA QAATAY BEESHA MAXAMUUD HARTI (WARSANGELI).

Boosaaso: 20 August 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, ayaa kulan la qaatay Wafdiga Dhaqanka ee Gobollada Sanaag, Haylaan iyo Bari oo ay hoggaaminayaan Isimada dhaqanku, iyadoo ay Shirka ka qeybgaleen Isimada dhaqanka, Cuqaasha iyo xubnaha Goleyaasha Dowladda ku metela Gobolladaasi.

Shirka ayaa looga hadlay adkeynta midnimada, wadajirka, difaaca Dowladdnimada Puntland iyo deegaannadeeda iyo dhameystirka Hawlgalka Calmiskaad ee Hillaac iyo u diyaargarowga Hawlgalka Onkod ee Argagixisada Alshabaab looga sifeynayo buuralayda Calmadow. Dowladdu waxay Dhaqanka iyo waxgaradka ka dhegaysatay sidii loo xallin lahaa tabashooyinka dadka deegaannadaasi qabaan ee dhinacyada horumarka iyo xilalka Dowladda.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolladaasi sida dhameystirka Wadada Ceeldaahir – Ceergaabo iyo hirgelinta mashaariic cusub oo ku imanaya baahiyaha deegaanka, waxaana Shirka uu socon doonnaa muddo saddex maalmood ah.

Facebook

Facebook

Facebook

Facebook

Facebook

Facebook

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku soo dhoweeyey wafdi isimmo ah oo ay hoggaaminayaan Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam iyo Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan.

Soo dhoweynta wafdiga ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Golaha Xukuumadda, maamulka degmada Boosaaso, iyo qaybaha kala duwan ee …

See more

+75

Puntland Parliament

Public Service

Send message

All reactions:

168Garaad Ayaanle Maxemed Labago’le, Mustafe Mohamoud Omar and 166 others

7 comments

22 shares

Like

Comment

Share

View more comments

Siraaj Ahmed

Dig iyo damta isimada loowacay waa Macdanta calmadow in carabtii cadawga ahayd lasiiyo

  • 2d
  • Like
  • Reply
  • Edited

Comment as Khaalid Uurcad

Facebook

Facebook

Facebook

Facebook

Facebook

Facebook

Facebook

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*