25th October 2024  admin  Category :

Maamulka Puntland oo go’aansaday inuu taageero xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ay hoggaaminayaan. War ka soo baxay maamulka ayaa lagu shaaciyey arrintaas iyada ah, waxaana sabab looga dhigay in Puntland iyo wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ku aadan dhinaca amniga, ganacsiga iyo mashaariicda horumarineed. Waxaa ay Puntland ku boorisay in dawladda federaalka ay mawqifkeeda dib u eegto oo ah in xiriirka ay u jarto dalka Qatar.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan heshiis la soo gallay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World oo ah midda lagu wareejiyey dekedda Boosaaso 30ka sanno ee soo socota. Heshiiskaas Puntland ay la soo gashay shirkadaas ayaa ah mid aan wax faahfaahin ah laga heen.

Dalka Soomaaliya intii uu burburay waxaa soo baxay maamul goboleedyo doonaya ineey u dhaqmaan sida dawlad madaxbanaan. Maamuladaas dhinac waxeey ku andacoonayaan ineey dawladda federaalka ka tirsanyihiin, dhinaca kallese ma doonayaan in dawladdii federaalka ay ugga danbeeyaan arrimaha ay go’aan ka qaadatay sida midda khaliijka. Haddii ay Puntland dooneeso ineey iyada go’aankeeda u madaxbanaanaato waxaa u wannaagsan ineey ka go’do dalka intiisa kalle.

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*