16th April 2024  admin  Category :

Puntland oo Shaacisay Heshiis Shidaal Baaris ah oo ay La Gashay Shirkadda CCECC

Gollaha xukuumadda dowladda Puntland ayaa maanta falanqayn dheer ka dib asixiyay heshiis ay magaaladda Adis-ababa ku soo wada galeen Puntland iyo shirkadda dhismaha ee CCECC, kaasi oo lagu dhisayo jid laami ah oo isku xiraa Garoowe iyo Eyl iyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee Galkacayo

Warmurtiyeed ka soo baxay shirkii gollaha wasiiradda oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray horseed media ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladu la gashay  shirkadda CCECC heshiis lagaga samaynayo gudaha Puntland sahamin dhanka shidaal ka ah, islamarkaana ay shirkadu ku yeelato xafiisyo Puntland

“heshiiskan ay wada gareen Puntland iyo CCECC wuxuu ku saabsan yahay in shirkaddu ay dhisto garoonka diyaaradaha Galkacayo, iyo Wadada isku xirta EYL/Garowe, arrintan oo k amid ah siyaasadii dowlada ee horumarinta kaaba-yaasha dhaqaalaha si puntland u noqoto dal la tartami kara dhigaalkiisa” ayaa lagu yiri war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii gollaha Wasiiradda ee Maanta

Shirkan gollaha wasiirada ee maanta ayaa sidoo looga hadlay Ilaalinta hantida dowladda gaar ahaan gadiidka, waxaa kaloo lagaga hadlay la dagaalanka Burcad-badeeda ee xeebaha Puntland iyo xaaladda abaaraha Puntland oo golluhu uu warbixino ka dhagaystay guddiyada abaaraha ee kala duwan oo ku aadan sida ay u socoto gurmadka dadka abaartu waxyeeleysay iyo meelaha ugu daran.

Gabagabadii, shirkadda CCECC oo hore  u dhistay Garoonka diyaaradaha ee Bosaso, kana shaqaysa wadamo badan oo afrika ah ayaanay ku jirin barnaamijyadeeda shaqo shidaal baaris ah, hase yeeshee waxaa la sheegayaa  inay horgal u tahay shirkado shidaalka baara oo shiinays ah.

akhriso war-murtiyeedka

Horseed media 2017

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*