25th October 2024  admin  Category :

Wasiirada Puntland oo Diiday inay Horfaristan Wasiirada Gal-Nus

Wararka Hoose an helayno Caawa ayaa sheegaya in wasiirada Dowladda Puntland ay diideen inay Horfaristaan Wasiiro uu soo diray Madaxweynaha Maamulka Gal-Nus Cabdikareem Xuseen Guleed.

Wasiirka Amniga Maamulka Koonfurta Gaalkacyo iyo Galguduud ee Galmudug oo Warbaahinta kula hadlay xaafada Baraxleey ayaa shaaciyay in Wasiirada Puntland ee Gaalkacyo jooga ay ka diideen inay la fariistaan xariiro ay la sameeyeen, waxaana hadalkiisaan uu kusoo beegmayaa xili shalay galmudug suuqa gashatay in lala heshiiyay Dhismaha Sayladana la joojiyay.

Cismaan Taardhuleed oo Warbaahinta ka oogayay maalmihii lasoo dhaafay dagaal jeediyayna hadalo keeni kara in xabada taal qoryaha dhuuntooda ay ka baxdo ayaa haatan iska dhigaya nin nabad raadinaya, waxaana uu sheegay in Wafdi Wasiiro ah oo cadaado ka yimid ay isku dayeen in Puntland ay lakulmaan balse ay u sheegtay in Arrimaha Nabadaynta Odayaasha dhaqanka loo daayo.

Galmudug ayaa aalaaba danaysa la fariisiga Puntland, waxaana kal hore hadaa ay ahayd markii sidan oo kale Madaxwaynaha Galmudug cabdikariin Guuleed uu aad u xuusaynayay in Madaxwayne Gaas uu hor fariisto, iyadoona beesha Caalamka ay arrinkaas Madaxwaynaha Puntland ka codsatay markii dambana la gaaray heshiis aan la dhamaystirin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*