8th February 2023  admin  Category :

Puntland oo degmada Badhan keentay Talaalka Covid 19

Waxaa maanta laga bilaabay talaalka Covid19 magaalada Badh an ee Gobolka Sanaag waxaana daahfuray gudoomiyaha gobolka oo uu wehelinayay duqa degmada Baran iyo Iskuduwe kuxigeenka caafimaadka gobolka.

Masuuliyiinta xaflada lagu daahfurayay ka qaybgalay ayaa wasaaradda caafimaadka Puntland uga mahadceliyay soo gaarsiinta talaalka gobolka Sanaag, waxaana ay dadweynaha kula dardaarmeen si loo badbaadiyo naftooda loona yareeyo fiditaanka xanuunka inay talaalka qataan oo ay ka faa’iidaystaan.

Degmada Badhan iyo guud ahaan gobolka Sanaag ayaa ka mid ah 40 goobood oo ku kala yaala dhamaan gobolada Puntland oo maanta si isku mid ah uu uga bilawday talaalku dadkuna ay ka qaadanayeen, talaalka ayaana ka socon doono 40kaas goobood 10 bari ee soo socota.

Wasaaradda caafimaadka ayaa kula talinaysa dadweynaha ku nool degmada Baran iyo guud ahaan gobolka Sanaag inay kordhiyaan feejignaanta iyo inay iska ilaaliyaan fiditaanka xanuunka.

Badhan waxay ka mid tahay meelaha ay yalaan shaybaarka lagu baaro Covid19 Puntland..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*