6th November 2025  admin  Category :

PUNTLAND oo 72 saac u qabatay in ay isa soo dhiibaan hoggaanka Daacish oo ciidamadu ku hareeraysan yihiin

Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo farriin deg dega soo saaray ayaa mudda 72 saac ah u qabtay in ay isa soo dhiibaan firxadka Daacish oo ku go’doonsan godad dhaca togga Baallade, oo ay ciidamadu ku hareeraysan yihiin.

Farriintan oo ku qoran luuqado kala duwan, ayay dowladda Puntland ku wargelisay mileeshiyaadka Daacish ee go’doonsan in ay ku badbaadi karaan, haddii ay wakhtigaasi kooban oo 72 saac ah la soo xiriiiraan, si ay isugu dhiibaan ciidamada ku hareeraysan.

“Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dagaalyahanada ISIS iyo cid kasta oo rabta inay isasoo dhiibto in ay muddo 72 saacadood gudahood ula soo xiriiraan ciidamada ammaanka Puntland. Naftaadu waa qaali” ayay u qorneyd farriintan ka soo baxday ciidamada Puntland.

“Dowladda waxay kuu ballanqaadaysaa in lagu badbaadin doono, si wanaagsan laguula dhaqmi doono, isla markaana lagu celin doono dalkii iyo qoyskii aad ka soo jeeday – haddii aad aqbasho.Nafta ha iska dilin. Caruurta iyo qoyskana ha ka tagin. Ma jirto meel aad kaga baxsan karto ciidamada Puntland” ayay sii raacisay Farriintu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*