8th May 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta Puntland wasiirkeeda Maaliyadda iyo wasiirka Qorshaynta Federaalku isu sharaxaan ama loogu  doorto hogaanka Puntland

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Faarax Cali Shire, waa murashax madaxweynha Puntland, wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Cabdiraxmaan Faroole, waa murashax madaxweynaha Puntland, Wasiirkii hore ee dawladaha hoose ee Puntland xilligii ay lacagaha canshuuraha ayna khasnad dawlad ku dhici jirin Cali Cabdi Awaare, isaguna waa murashax,   Wasiirkii hore ee qorshaynta Soomaaliya Siciid Deni, isaguna waa murashax, wasiirkii hore ee qorshaynta Soomaaliya Cabdiweli Gaas  Isaguna waa murashax. Dhamaan murashaxiinta kore waxay ka soo jeedaan beesha Majeerteen.

Cabdullaahi Jaamac Saalax, wasiirkii hore ee dekedaha , oo marka laga yimaado maaliyadda iyo qorshaynta ah meesha lacagtu taalo maamulka Puntland , isaguna waa murashax, Wuxuu ka soo jeedaa beesha Dishiishe.

Horaantii sideetameeyadii ayaa abwaanka Soomaaliyeed Axmed Cabdi Gaashaan, wuxuu curiyey riwaayadda “Warbixinta jacaylka’ sheekada riwaayadda ayaa waxa ku jirtay maah maah cajiib ah oo oranaysa ‘Malay banaan ma yimaado ee makaalin aa keenta”  taas oo  macnaheedu tahay Kaluunku banaanka isagama yimaado ee Jilib ayaa keena.

Hadda murashaxiinta badan ee beesha Majeerteen ee u ordaya inay qabtaan hogaanka Puntland, waxa keenay waa  wasaaradihii ay ku dheganaayeen intii Puntland jirtay ee  ee Maaliyadda , qorshaynta iyo dawladaha hoose ee laga dhigtay Bakhaaro gaar loo leeyahay

Siyaasiyiinta  Warsangeli,  Dishiishe iyo Dhulbahante oo hayey  wasaaradaha xananada xoolaha, Dekedaa  iyo gaadiidka badda  intii Puntland jirtay , iyagu waxay sugayaan wasiiradii hore ee maaliyadda iyo qorshaynta midkood hadduu  xilka hogaanka Puntland  ku guulaysta xilka uu u magcaabayo beesha Warsangeli  iyagu waxay sugayaan  Xananaada xoolaha, sababtoo ah haddii lagugu dayey oo ogolaatay, oo mar kale lagugu dayey, maxaa diidaya in mar kale laguu macaabo.  Dishiishe iyaguna waxay sugayaan   Dekedaha .

Ugu danbayntii  waxa ku  wada tartamaya hogaanka Puntland Wasiirkii hore ee dekekadaha  Puntland  Cabdulaahi Jaamac ee ka soo jeeda beesha Dishiishe,  oo waqti yar joogay  dekedda Boosaaso,  oo dhaqaale badan haysan   iyo nimankii Majeerteen ee  danyarta reer  Puntland ka lacagaystay oo  huteelada iyo  ganacsiga ku leh Koonfurta , bartamaha iyo Bariga Afrika . Qaarkood lacagtii canshuuraha  masaakiinta  ka dhaceen Talafishano ka samaystay, Kolay ninka haysta 33 cod waa guulaysanayaaye, dawlad cadaalad ah ma soo dhisi doonaa,

Ma Runtii Baynu Qarxinaa

 

Hawlaha Arlada Haddii Lagugu Aamino

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*