26th July 2024  admin  Category :

Ururka Qurbajoogta Puntland Ee North America Oo Xukuumadda Madaxwayne Gaas Dhaliilay Baaqna Soo Jeediyay

 

Puntland Diaspora Forum

MANIFESTO

  BAAQ KASOO BAXAY KULANKII QURBAJOOGTA PUNTLAND

 Toronto, Canada

24 -25 December, 2016

 

 

KU:      Isimada

Madaxda Dowladda

Siyaasiyiinta

Aqoonyahanka

Culimadda

Ururadda Bulshada

Qurbajoogta Puntland

 

HORDHAC

Burburkii ku yimid dawladnimadii iyo madaxbannaanidii qaranka Soomaaliyeed shan iyo labaatan  sano ka hore waa masiibo qaran oo dhaawac baaxad weyn u geystey aayaha ummadda Soomaaliyeed. Waxaa dhammaan dalka hareereeyey hoggaan xumo, amni darro, midnimo iyo horumar la’aan saameeyey jiritaanka iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Puntland waxay ahayd deegaan nabad ah oo lagu soo hirto oo ay ku midoobeen dad walaalo ah oo talo wadaag ah, isla markassna leh maamul dawladeed iyo kala danbayn.  Waxay ahayd xabagta isku haysa dalka, hormoodna ka ah doonista sidii lagu heli lahaa dawlad dalka u horseedda horumar, xasillooni, kala danbayn iyo midnimo.

Waxaa maanta Puntland ku habsaday dhibaatooyin ay ka mid yihiin hoggaan xumo, colaad iyo abaar, kuwaas oo waxyeello culus gaarsiiyey xasilloonidii iyo dhaqaalihii dalka.  Waxaa dhabar-jab ku yimid hankii iyo rajadii  ay bulshada reer Puntland u qabeen dowladda Puntland. Qodobbada ay bulshoweynta reer Puntland – dal iyo dibedba –  ku dhalliilayaan dowladdooda waxaa ka mid ah:

 

  • Xukuumadda Puntland oo ka gaabisay daryeelkii iyo adeegyadii bulsho ee laga filayay.
  • Xukuumadda oo ka gaabisay soo celinta degaannada maqan.
  • Xukuumadda oo ku tumatay xuquuqo aasaasiga ah oo dastuurka Puntland ku qeexan sida:
    • Xorriyadda fikirka muwaadinka.
    • Xuquuqda iyo madaxbannaanida warbaahinta xorta ah oo ciriiri la geliyay.
    • Dawladda oo ka caga jiidaysa fulinta hannaanka dimoqoraadiyaynta iyo axsaabta badan oo dalka gaarsiin lahaa doorasho hal-qof-hal-cod ah. Waxaa xusid mudan in caga jiidka xukuumaddu sababay is-casilaadii

Wasiirkii Wasaarada Dastuurka iyo Dimoqraadiyaynta Puntland, Marwo Sahra Saciid Nuur, iyo Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka, Mudane Axmed  Maxamed Cali Axmed ( Axmed Kismaayo).

  • Baarlamaanka Puntland oo ku milmay xukuumadda, lumiyeyna waajibaadkiisii ku aadanaa isudheellitirkahay’adaha dawladda, sida la xisaabtanka iyo kormeerka xukuumadda, ansixinta heshiisyada, iyo max la mid ah
  • Maamul xumo soo wajahday agaasinka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, iyo musuqmaasuq lagu eedeenayo qaar ka mid ah hay’adaha dawladda, oo ilaa iyo hadda aad mooddid in aan wax laga qaban.
  • Dowladda oo lagu eedeeyay lacag sharci darro ah oo ay soo daabacatay taas oo abuurtay sicir barar saameeyey dhaqaalihii dalka iyo nolol maalmeedkii bulshada.
  • Mas’uuliyiintii dowladda oo iyagoo laga sugayo xalka dhibaatooyinka kor xusan, u dhoofa safarro shaqo oo joogta ah, oo aan miro dhal muuqda ahayn.

Haddaba, annaga oo ka duulayna dareenkaas ay qabaan bulshaweynta reer Puntland

(dal iyo dibadba), ayaa Golaha Qurbajoogta Puntland (Puntland Diaspora Forum (PDF)) shir isugu yeeray aqoonyahanno iyo indheergarad rag iyo haweenba leh oo ka socda Jaaliyadaha Qurbajoogta Puntland. Kulankaasi oo socday labo maalmood wuxuu ka dhacay magaalada Toronto, Canada, taariikhdu markay ahayd 24-25 Disember, 2016.

Kulankaasi waxaa diiradda lagu saaray afar qodob oo khuseeya guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland, sida:

 

Jiritaanka iyo midnimada Puntland.

  1. Hannaanka Dimoqraadiyaynta iyo sidii Puntland loo gaarsiin lahaa siyaasad ku salaysan axsaab badan iyo doorasho hal qof iyo hal cod.
  2. Geeddi-socodka iyo aayaha hannaanka federaalka Soomaaliya.
  3. Doorashada federaalka 2016.

 

Dood iyo falanqayn dheer oo ku aaddan arrimaha kor ku xusan ka dib, waxay mas’uuliyiintii kulanka ka qaybgalay soo saareen baaqa hoos ku xusan:

  1. BADBAADINTA JIRITAANKA IYO MIDNIMADA PUNTLAND :

Waxaa muddo dheer socdey colaad iyo weerarro qorshaysan oo lagu wiiqayo jiritaanka, midnimada, xasilloonida iyo horumarka Puntland. Haddaba, si loo badbaadiyo jiritaanka iyo midnimada Puntland, kulanka Qurbajoogta Puntland wuxuu soo jeedinayaa:

In dowladda iyo baarlmaanka Puntland gutaan waajibkooda dastuuriga ah ee ku aaddan:

  1. Ilaalinta midnimada Puntland.
  2. Soo celinta degaannada maqan.
  3. Difaaca iyo ilaalinta xuduudaha deegaannada Puntland.
  4. Dhismaha, abaabulka, tababarka, tayaynta iyo daryeelka qaybaha kala duwan ee ciidanka iyo laamaha amniga.
  5. Midaynta iyo difaaca Gaalkacyo.
  6. Midnimada, isku-xirraanta iyo wadajirka shacabka reer Puntland.
  7. Dhismaha, hirgelinta iyo horumarinta haykalka dawladnimo iyo maamul wanaagga.
  8. U hoggaansanaanta dastuurrada Puntland iyo Federaalka.
  9. Ilaalinta iyo horumarinta haybadda iyo culayska siyaasadeed ee Puntland.

 

  1. In sida ugu dhakhsaha badan loo qabto shir-weyneay isugu yimaadaan dhammaan beelaha dega Puntland iyo qaybahooda kala duwan ee bulshada, si ay uga wada tashadaan adkaynta jiritaanka, midnimada iyo xasilloonida Puntland, isla markaasna laga wada hadlo lagana heshiiyo wixii tabasho ah ee jira.
  2. In baarlamaanka Puntland lagula xisaabtamo gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah sida kormeerka waxqabadka xukuumadda, ansixinta iyo dhaqan gelinta heshiisyada ka soo baxa wadaxaajoodka Puntland iyo dawladaha/ururrada kale.
  3. In dowladda Puntland ilaaliso dhaqaalaha dalka, kana hortagto musuqmaasuqa, lunsashada iyo ku takrifalka hantida dalka. In shacabka iyo laamaha kala duwan ee amnigu iska kaashadaan sugidda iyo ilaalinta amniga iyo xoojinta nabadgelyada.
  4. In qurbajoogta Puntland meelay joogaanba u istaagaan oo kaalin libaax ka qaataan badbaadinta Puntland.

 

 2 ,HANNAANKA DIMOQRAADIYEENTA (AXSAABTA BADAN) EE PUNTLAND:

Puntland waxay weli ku socotaa hannaankii hab-beeleedka ee lagu aasaasay, kaas oo keenay iska hor imaadyo dhacay marar badan oo ay taagnaayeen isbedel siyaasadeed oo ka dhaca Puntland.  Haddaba, si looga guuro hab-beeleedkaas, waxaa lama huraan ah in la hirgeliyo hannaanka dimoqraadiga ee axsaabta badan, kaas oo u horseedi doona doorasho ku salaysan hal-qof-hal-cod.

 

Waxaa xusid mudan in geeddi socodka hannaanka axsaabta badan ay dawladdii hore wax badan ka qabatay – walow aysan dhammaystirin – sida:

 

  • Dastuurka dalka lagu xusan hanaankaas isaga ah
  • Baarlamaanka Puntland oo ansaxiyay xeerkii lagu dhaqi kahaa nidaamka axsaabta badan.
  • Guddigii doorashooyinka la magacaabay.

Sidaa awgeed, kulanku wuxuu soo jeedinaynaa:

 

  1. In hakadkii galay fulinta iyo hirgelinta hannaanka axsaabta badan laga saaro, lana dhammaystiro hawshii ay dawladdii hore billowday, iyadoo la saxayo wixii ka khaldamay maamulkii hore.
  2. In dawladdu fuliso ballanqaadkeedii ahaa inay dalka gaarsiin doonto doorasho hal qof hal cod ah
  3. In sida ugu dhakhsaha badan loo billaabo dhammaystirka hannaanka axsaabta badan, si 2019 ay Puntland uga hirgasho doorasho xor ah, kuna salaysan hal qof hal cod.
  4. Si looga hortago khilaafaad iyo shaqaaqooyin ka dhasha doorashooyinka waa in dowladda Puntland si degdeg ah u dhistaa maxkamadda dastuuriga ah sida ku xusan dastuurka dalka.
  5. Waa in Qurbajoogta Puntland kaalin muuqda ka qaataan wacyigelinta iyo farsamada lagu xaqiijinayo gaarista habka axsaabta badan, khibradda ay u leeyihiin hannaanka axsaabta badan iyo doorashooyinkana la wadaagaan maamulka iyo bulshada rayidka ah ee Puntland.

 

  1. AAYAHA HANNAANKA FEDERAALIGA AH EE SOOMAALIYA:

 

Dagaalladii sokeeye waxaa laga dhaxlay kala guurka ummaddii Soomaaliyeed, dalkii oo kala go’ay, dawladnimadii iyo madaxbannaanidii qaranka Soomaaliyeed oo lumay. Sidaas awgeed, si ummaddii la isugu soo celiyo, dibna loo yagleelo dawlad qaran oo loo dhan yahay, waxaa dan loo arkay in la qaato hannaanka federaaliga ah, kaas oo maamul goboleedyada siinaya awood ay danahooda ku maamushaan.

 

Nasiib darro, dawladda wakhtigeedii dhammaaday waxay ku xad-gudubtey dastuurkii dalka. Xad-gudubyadaas waxaa ka mid ah:

  1. Isku dayga burburinta hannaanka federaalka ah ee lagu soo doortay,
  2. Laalista awooddii Baarlamaanka Federaalka iyadoo abuurtay waxa loogu yeero

“Madasha Qaranka” oo sharci darro ah,

  1. Beddelaadda qodobbo badan oo dastuurka ka mid ah iyada oo aan cidna kala tashan,
  2. La dagaallanka iyo hor istaagga dhismaha hay’adihii dawladda sida garsoorka,
  3. Abuurista maamullo aan buuxin shuruudihii dastuurku u qeexay samaynta dawlad goboleeyada, kuwaas oo laga dhaxlay colaado, burbur iyo barakac hor leh,
  4. Laaluush iyo musuqmaasuq baahsan iyo iyadoo hantidii qaranka u adeegsatey inay ku iibsato xildhibaannada labada aqal,
  5. Dalka oo ay gelisey qalalaase siyaasadeed kaas oo keenay in ayan dalka maanta ka jirin dawlad sharci ah.

 

Waxyaabihii ay ka gaabisay dawladdii federaalka ee wakhtigeedu dhammaaday waxaa ka mid ah:

 

  1. Dib uheshiisiin qaran oo waafi ah,
  2. U hoggaasanaanta iyo dhowridda isu dheelitirka awooodaha hay’adaha dawladda ah (xukuumadda, baarlamaanka iyo garsoorka).
  3. Inay u caddaalad samayso, dhexdhexaadna ka ahaato arrimaha maamullada iyo deegaannada dalka.

 

Gunaanad:

 Qurbajoogta reer Puntland waxay rumaysan yihiin in:

 

  1. Jiritaanka, midnimada iyo xudduudaha Puntland yihiin kuwo aan lagu xad-gudbi karin, dhulka maqanna la soo celiyo.
  2. Gaalkacyo ka tirsan tahay dhulka Puntland, maamulkeeduna hoos yimaado dawladda Puntland, cid kasta oo Soomaaliyeedna ay u furantahay inay ku noolaan karaan.
  3. Ciidammo reer Puntland ahayn (Federaal iyo Shisheeyeba) aan la keeni karin Gaalkacyo iyo gobollada Puntland.
  4. Baarlamaanka Puntland guto xilkii loo igmaday, waajibna tahay in uu dib u eego, kana doodo ansixinta dhammaan heshiisyada xukuumadda Puntland la gasho shariikadaha ururrada iyo dawladaha.
  5. Dib u heshiisiin lagu kaabayo laguna turxaan bixinayo midnimada, wadajirka, iskaashiga iyo wada shaqaynta bulshada reer Puntland, dibad iyo gudaba, ay tahay laga maarmaan.
  6. Habkii loo maray doorashada dadban uu ahaa mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka; haddii aan sixin markinkeedana, rajada laga qabo in wax wanaagsan ka soo baxaanna ay yartahay.

 

PUNTLAND DIASPORA FORUM – MEDIA AND PUBLIC RELATIONS puntlanddiaspora@gmail.com  info@puntlanddiaspora.org

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*