
5th June 2025 admin Category :
Puntland: “Daacish kadib waxaan usoo jeesaneynaa al-Shabaab”
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalkii u dambeeyay ee ciidamadooda ay ka sameeyeen deegananada Bari, gaar ahaanna buuraha Calmiskaad oo ay kooxda Daacish kagala wareegeen Togga muhiimka u ahaa kooxdaasi ee Miiraale.
Bishii Disember 31, sanadkii 2024 ayaa ciidamada Puntland iyaga oo isku diyaarinaya howlgalka Daacish ay la kulmeen weerar ka dhacay deegaanka Dharjaale, taasi oo keentay labaddii bishii Janaayo ay howlgal iyo weerar ka dhan ah kooxdaasi uu bilowday, ayna ugu dambaysay qabsashada Miiraale, sida uu sheegay Wasiir Caydiid.
”Dagaal wuu dhacay oo dhowr saacadood qaatay. Dhul dhufays leh waa garanaysaa hal qof ayaa ciidan daalin kara. Argagixiso fara badan ayaa lagu laayay. Ciidamada dhulka iyo cirkaba waa ka qayb qaateen oo helikobtarada ayaa kor ka duqaynayay firaxdkooda. Sidoo kale saaxiibbada caalamiga ah ayaa ka qayb galayay duqaynta cirka, waxaa uu ahaa dagaal cir iyo dhul ah,” ayuu yiri Dirir.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in howlgalka Calmiskaad uu kii Miiraale ugu dambeeyay, isla markaana hadda wixii ka dambeeya ay uga jihaysanayaan al-Shabaab
Kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ayaa iyaduna saldhig ku leh isla gobolka Bari ee uu haatan ka socdo dhankiisa bari dagaalka, gaar ahaan deegaanka buurallayda ee dhaca galbeedka laamiga weyn ee taga magaalada Boosaaso.
Muhiimadda Togga Miiraale

Puntland ayaa ku tilmaantay Miiraale saldhiggii ugu weynaa ee kooxda Daacish, oo xarrun istaraatiiji ah u ahayd, ayna muddo isku difaacayeen.
”Toggu muhiimadda uu leeyahay, buuro ayaa ku wareegsan, buurahaasi godad waxa ay leeyihiin dabiici ah oo laga galo dabaylaha iyo roobabka, ay galaan ciddii gabaad kaga dhigaynaysa dad kale oo dhufaysyo adag leh, wuxuu leeyahay dhir, waa dhul adag oo in lagu dhuunto oo la isku difaaco ay aad qiimo weyn u leedahay.
“Nimankan argagixisada ahna muddo badan beey sahayda dhiganayeen meeshaas, muddo badan bay isku difaacayeen meeshaas oo waxa ay u ahayd xarun istaraatiiji ah oo ay ka soo dirayeen dadka dhibaataynaya reer Puntland. Markii saldhigyo badan laga soo qabsadayna waxa ay ahayd meeshii ay ku soo urureen ee ugu dambaysay oo ay isku difaacayeen ayay u ahayd” ayuu yiri wasiir Dirir.
Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin koox awood leh oo haatan ku sii harsan Calmiskaad, ayna ka adkaadeen. ”Wax dagaallami kara oo is-difaacaya oo ciidanka jilabka u soo dhigaya ma jiraan, laakiin dhul buuralay ah oo godod leh oo toggag leh oo muddo toban sano ku dhow ku dhuumanayeen oo dhufaysyo badan ka sameysteen, meelaha qaar waa laga yaabaa inay wax ku dhuunteen, laakiin saldhigii muhiimka ahaa oo ay isku difaacayeen waalaga qabsaday, welina togga waa la baarayaa”.
Wasiirka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan in gabi ahaan la sifeeyay buuraha calmiskaad. ”Maalmaha soo socda waxaa lagu dhawaaqi doonaa in howlgalka dhammaantiisba la soo gabagabeeyay lagana sifeeyay buuraha Calmiskaad”.
Al-Shabaab ayuu sheegay inay tahay meesha u xigta ee howlgalkooda, ”waad garanaysaa meesha noo xigta al-Shabaab baa la sifayn doonaa. Dhulka Puntland baa dhammaan laga dhigi doonaa dhul argagixisada ka caaggan oo ammaan ah”.
Buuraha Calmiskaad ayuu sheegay wasiirku in ay sii joogi doonaan oo aysan ka soo laabanayn.
”Laga soo laaban maayo ciidanku wuu joogayaa si aan argagixiso ugu soo dhuuman mar dambe, ciidamadu waa isu qaybinayaan meelba meesha ay ka istaraatiijisan tahay waa la isu sii qaybin doonaa, ciidan la’aana ma ahaanayo dhulkaasi.” Ayuu yiri