29th March 2024  admin  Category :

17 July 2018 (Puntlandes) Axmed waxa uu ka mid ahaan jiray Xisbigii Hiil Qaran, kaas oo uu kula bahoobay rag ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN C/risaaq Xaaji Xuseen iyo mudane Proff Cabdi Ismaaciil Samatar.

Kadib wuxuu u tartamay madaxweynah Soomaaliya taas oo uu ku hungoobay, kadibna uu bilaabay fidinta dacaayad raqiis ah oo uu ka fidinayo gaar ahaan mudanayaasha Baarlamaanka, guud ahaana reer Muqdisho.

Maantana isagoo dhextaagan maxaysato ku soo duushay dhul aysan u dhalan, kana qixisay birmagaydadii, ayuu ku tanaabay ”Qalbiga ayaa ii qaboobay”.

Malaha wuxuu iska indhotirayaa in maxaysatadu tahay isla tii 1991dii Muuse Biixi watay markuu Boorame ku xasuuqayey in ka badan 700 birmagaydo Soomaaliyeed ah, isagoon u aabeyeelin yar iyo wayn rag iyo dumar.

Godobtaasi waxay noqotay mahadho gashay taariikhda madow ee Soomaaliyeed.

Axmedoow waxaa iswaydiin leh maalintaas qalbigaaagu muxuu dareemayey????

Adiga iyo wiilasha reer Boorame ee dhufayska kaga jiraTukaraq waxaad ku sifoowdeen damiier laawayaal aan goosan karin godobtooda.

Ma hablaha Garooboobay oo ragoodii gabaa, godobta raacdaysan???

Muusena wuxuu ku caan baxay oraahdiisii ”anigoo wax dili kara duco qaadan maayo” walina wuxuu ooman yahay dhiig Soomaaliyeed, wuxuuse moog yahay inay Sool ay rag godobta raacdaysta iyo Rabiba ay leedahay.

FIIRO GAAR AH: Axmed wuxuu ku sifoobay Professor without principles, hoos ka daawo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*