Maxay ka wada hadleen madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga

Maxay ka wada hadleen madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga millatariga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab, ka dib kulan ay ku yeesheen Ankara maalintii Khamiista, sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliya (SNTV).

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa si rasmi ah xarunta madaxtooyada Ankara ugu qaabilay dhiggiisa Madaxweyne Erdogan intii uu ku guda jiray booqashadiisa shaqo ee rasmiga ah,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Villa Somalia oo lagu daabacay X.

“Labada madaxweyne ayaa wadatashiyo midho-dhal ah ka yeeshay oo diiradda saaray xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sahminta waddooyin lagu sii xoojinayo taageerada Turkiga oo dhinacyo kala duwan ah, oo ay ku jirto dadaalka socda ee lagu cidhib tirayo argagixisada caalamiga ah” ayaa lagu sii daray qoraalka.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Ankara ee 26-ka bishan ayaa timid ka dib markii Soomaaliya ay soo dhawaysay helitaanka diyaarado nooca qummaatiga u kaca ah oo millateri oo laga keenay Turkiga oo ah nooca T129 Atak.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa heshiis iskaashi millatari ku saxiixday Ankara bisha February 2024.

Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh mid ka mid ah saldhigyada millatari ee ugu weyn ee dal shisheeye uu ku leeyahay, saldhigaasoo ku yaalla Muqdisho, isla markaana waxay tababaraan kumannaan askari oo Soomaali ah.

Madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Sudan oo xabsiga la dhigay iyo xaalka ka sii daraya

Madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Sudan oo xabsiga la dhigay iyo xaalka ka sii daraya

Xariga madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Koonfurta Suudaan Riek Machar ayaa si hufan u burburay heshiiskii nabadda ee 2018-kii ee lagu soo afjaray dagaalladii sokeeye ee dalkaas ka socday shantii sano ee la soo dhaafay, sida uu sheegay xisbigiisa.

Kolonyo hubeysan oo uu horkacayaan saraakiisha ugu sareysa ammaanka oo uu ku jiro wasiirka gaashaandhigga ayaa gudaha u galay hoyga Machar uu ka degan yahay magaalada caasimadda ah ee Juba, waxaana ay hub ka dhigis ku sameeyeen ilaaladiisa goor dambe oo arbacadii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen kooxda mucaaradka Sudan ee SPLM/IO.

Machar ayaa lala xiray xaaskiisa Angelina Teny, oo sidoo kale ah wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaas, ayuu xisbigu ku daray.

Mareykanka ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta in ay sii daayaan Machar, iyadoo Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dalalka deriska ah ay dhamaantood muujiyeen dareenka

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan, Unmiss, ayaa ka digay in waddankan cusub ee adduunka uu halis ugu jiro inuu lumiyo “guulaha adag ee la gaaray toddobadii sano ee la soo dhaafay” haddii ay soo noqoto “xaaladdii dagaal”.

“Caawa, madaxda dalka waxay qarka u saaran yihiin inay dib ugu laabtaan khilaafkii baahsanaa,” ayay ergadu ku sheegtay bayaan Arbacadii.

Dowladda ayaan weli ka hadlin xariga lasheegay ee Machar.

Laakin isagoo la hadlayay hogaamiyayaasha diinta Arbacadii, madaxweyne Salva Kiir wuxuu yiri “waligiis dalka dib uguma soo celin doono dagaal”.

Xiisad ayaa ka dhex aloosantay Machar iyo madaxweynaha dhowr toddobaad ka hor.

Labada hogaamiye ayaa ku heshiiyay bishii Agoosto ee 2018 in la soo afjaro dagaaladii sokeeye ee u dhaxeeyay ciidamadooda oo ay ku dhinteen ku dhawaad 400,000 oo qof. Laakin todobadii sano ee la soo dhaafay xiriirkoodu aad ayuu u xumaaday iyadoo ay jirto xiisado qowmiyadeed iyo rabshado goos goos ah.

“Xadhiga iyo haynta Riek Machar waxay si wax ku ool ah u keenaysaa in heshiiskii [nabada] uu burburo,” ku xigeenka SPLM/IO Oyet Nathaniel Pierino ayaa u sheegay suxufiyiinta Khamiistii.

“Rajada nabadda iyo xasilloonida Koonfurta Suudaan hadda waxaa la geliyey khatar weyn,” ayuu raaciyay.

Digniin tan la mid ah ayaa waxaa soo saaray howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka, kaasoo sheegay in madaxda dalka “ay qarka u saaran yihiin inay dib ugu laabtaan colaado baahsan”.

Waxaa xaaladda uga sii daray ciidamada Uganda iyo taangiyada dagaalka ee ay wataan oo la geeyay Koonfurta Suudaan, kaddib codsi ka yimid madaxweynaha dalkaas, sida ay sheegtay guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan Yaasmiin Sooka.

Waxay sheegtay in ay walaac xooggan ka muujinayso xadgudubyada suurtagalka ah ee ka dhanka ah cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay iyo doorka sii kordhaysa ee ciidamada shisheeye, taas oo khatar sii gelinaysa dadka rayidka ah isla markaana khatar gelinaysa in gobolka uu xaalad xun galo.

Xaalad kacsanaan ah ayaa weli ka jirta Juba iyadoo la soo sheegayo in ciidamo aad u badan ay ku sugan yihiin agagaarka guriga Machar.

“Shacabka ayaa argagax ku jira,” ayuu hoggaamiyaha bulshada rayidka Edmund Yakani u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

“Waxaa jirta fursad sare oo dagaal buuxa uu ku qarxi karo laakiin waxa ay noqon doontaa mid aad u dhimasho badan iyo rabshado badan sababtoo ah [baahida] aargoosiga ayaa badan,” ayuu raaciyay.

Pierino ayaa ugu baaqay xubnaha SPLM/IO iyo shacabka inay isdejiyaan iyadoo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xallinayo xaaladda.

BBC-da ayaa fahansan in Midowga Afrika iyo urur goboleedka Igad la filayo in jimcaha ay wufuud heer sare ah u soo diraan magaalada Juba, si ay gacan uga geystaan xakameynta xiisadda sii kordheysa.

Baasabooro laga helay Cal miskaad ayaa la soo bandhigay

Puntland ayaa soo bandhigtay baasaboorada ajaaniib laga heley buuraha Calmiskaad:

Dawladda bandhigay ayaa soo bandhigtay Baasaboorada dalaka Sucuudi, Jarmal, Argentine, Tuunisiya, Tansaniya, Kenya Lubnaan, Baxrayn, Bangladesh, & K. Afrika. Basabooradan ayaa laga helay godadka buuraha Calmiskaad

Muxuu muhiim u yahay deegaanka Masaajid Cali-Gaduud oo ay al Shabab iyo ciidanka dowladdu ku dagaalameen marar kala duwan?

Muxuu muhiim u yahay deegaanka Masaajid Cali-Gaduud oo ay al Shabab iyo ciidanka dowladdu ku dagaalameen marar kala duwan?

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ciidamada dowladda federaalka oo ay wehliyaan kuwa deegaanka iyo kooxda al-Shabaab ku dhex maray deegaanka masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo sida ay tabinayaan warbaahinta Muqdisho sababay in ururka Shabaab ay gacanta ku dhigeen xerada ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa mid culus oo ku bilowday qaraxyo, kadibna uu xigay weerar toos ah ay Al-Shabaab ku qaadeen fariisimaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Macawisleyda ee ku sugan deegaankaasi.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la soo werinayaa waloow BBC-du aanay weli xaqiijin karin.

BBC du waxay xiriirro kala duwan la sameysay dowladdda Soomaaliya balse nooma suuragalin inaan helno.

madaxweynaha

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku sugan jiidda hore ee dagaalka gaar ahaanna magaalada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhow halka uu maanta weerarku ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa halkaas ka wada abaabulka howl-galka ciribtirka al-Shabaab.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo halkaas kula hadlay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka aya waxaa uu yiri: “Maanta cid iga danbeyso oo aad sugeysan maleh oo aniga oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ah ayaa idinla jooga”.

Cali Gaduud

Muhiimadda Masaajid Cali Gaduud

Deegaanka masaajid Cali Gaduud waxaa hoos taga deegaanno badan marka juqraafi ahaan loo eego, isla markaana muhiimad gaar ah u leh dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab.

Labada dhinac, waa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo al-shabaab, ayaa u muuqda inay ku loolamaya gacan ku heyn magaaladaan.

Ha yeeshee gacan ku heynteeda ayaa adkaatay maadaama ay tahay magaalo u furan tuulooyin badan, isla markaana sida muuqata aanan lahayn difaac xooggan.

“Dowladda marka la eego, runtii dagaalka masaajidka Cali Gaduud dowladda muhiimad gaar ah uma siineso inay deegaankaas joogto, waxaadse moodaa inay tahay meel munaasab ah oo labada dhinac ay awooddooda ku soo bandhigayaan”, ayuu yiri Axmed Kaboole oo ah khabiir ka faalooda arrimaha amniga.

“Dowladda waxay rabtaa inay firfircooni muujiso oo ay deegaankii gacanta ku heyso, laakiin aad moodid inay ka maqantahay ciidan joogto ah oo deegaanka difaaci kara iyo al-shabaab oo mar kasta ah koox guur guurta oo ay u fududahay inay magaalada soo galaan, shacabka dhibaateeyaan, ka dibna ka baxaan, taas oo saameyn ku yeelan karta wada-shaqeynta shacabka ah iyo dowladda”, ayuu intaa ku daray.

Kaboole waxaa uu sidoo kale sheegay, in ujeedka ugu weyn ee ay Shabaab ka leeyihiin deegaankaas Cali Gaduud, ay tahay inay dadka shacabka ah niyad jebiyaan isla markaana muujiyaan awooddooda deegaanada ay joogaan maadaama magaaladu aysan lahayn difaacyo adag oo ay dowladda wax ku difaaci karto.

“Magaaladan waa magaalo ay in badan maamulayeen al-Shabaab, marka heysashadooda waxay u fududeyneysaa inay ka abaabulaan weerarro dhanka Jowhar, Baladweyne iyo dhanka Galgaduudba maadaama intuba ay muhiim ugu tahay isku xirka Al-Shabaab” ayuu yiri.

Duqeymaha cirka iyo dagaalka lagula jiro al-Shabaab

Duqeymaha

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan dib u bilowday dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab oo hakad ku yimid muddooyinkii dambe.

Dagaalladii ugu adkaa ee u dambeeyay ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, gaar ahaanna deegaannada Ceel-baraf iyo ee deegaanka kale ee Daaru-nicma, halkaas oo al-Shabaab dib looga qabsaday mar kale.

Duqeymaha cirka ayaa sidoo kale lala beegsanayay kooxda.

“Duqeymaha waa bartrilmaameed, waxaa wada dowladaha aan saaxiibka nahay ee beesha caalamaka, anagana waxaan ku hageynaa halka ay joogaan, waxa uuna ka dhacay Shabeellaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubada hoose, waana sii wasdeynaa. Meel kasta oo ay joogaana bartilmaameed ayey noo yihiin.” Waxaa sidaa BBC uu dhowaan u sheegay wasiiru-dowlaha gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi.

Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in duqeymaha lagu dilay horjoogayaal badan oo ka tirsanaa al-Shabaab.

Dalalka Soomaaliya ka caawiye duqemaha cirka ayuu sheegay wasiirku in ay ku jiraan Mareykanka, Turkiga, Itoobiya iyo Imaaraatka.

Duqeymuhu cirka waxay ka mid yihiin istiraatiijiyad dagaal oo badan oo Maareykanku ka fuliyo dhulka Soomaaliya, waxaana loogu talagalay in lagu joojiyo awoodda kooxa iyo in la yareeyo khataraha ka imaanaya weerar toos ah. Mareykanku duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya waxa uu qaybiyay laba nooc oo kala ah duqeymo qorsheysan iyo kuwa difaac ah.

Maxaad ka taqaanaa diyaaradda dagaalka Turkiga ee T129 ATAK iyo howlgallada loo adeegsaday hadda ka hor?

Maxaad ka taqaanaa diyaaradda dagaalka Turkiga ee T129 ATAK iyo howlgallada loo adeegsaday hadda ka hor?

Diyaaradaha T129 ATAK waa diyaarado siyaabo kala duwan u dagaallama iyagoo loogu talogalay in ay si dhow u taageeraan ciidamada iyo howlgalada sahanka. Diyaaradahan waxay sidoo kale awood u leeyihiin in laba saacadood ay hawada ku jiraan.

Habka ay u kala wareegayaan iyo sida tooska ah e ay u beegsan karaan cadowgooda ayaa ka dhigay in ay noqdaan kuwa tayadoodu sareyso.

Waxaa ku xiran diyaaradahan hub casri ah oo ay ku jiraan kuwa darandooriga u dhaca iyo gantaallada. Sidoo kale diyaaradahan qumaatiga u kaca waxaa lagu yaqaan in ay si saxan u weeraraan goobaha ay doonayaan iyagoo degdeg jihada ay doonaan ugu wareegi kara.

Diyaaradahan qumaatiga u kaca ee wax weerara waxaa la sheegay in ay yihiin helikobtarada ugu waxtarka badan noocyadeeda, waxaana loo adeegsan karaa sidoo kale duqeymaha meelaha aan fogeyn.

Awooda diyaaradahan waxaa ka mid ah in ay ku dagaallami karaan cimilo kasta, waxaana ujeedkii hore ee loo sameeyay uu ahaa in ay daboolaan baahida ciidamada Turkiga.

T129 ATAK

Mas’uuliyiinta wadanka ayaa sheegay in aysan jirin meel adduunnka ka mid ah oo Turkiga aysan u dooneyn in ay ka iibiyaan diyaaradahooda sida dhacda mararka qaar. Sidoo kale Mareykanka ayey u sheegeen in ay ka iibinayaan hadii uu doonayo si uu ugu ilaaliyo xadka uu la leeyahay Mexico.

Hay’ada turkiga u qaabilsan hawada sare ee magaceeda loo soo gaabiyo TAI ayaa soo saartay diyaaradahan, waxayna dooneysaa in 50% ay kordhiso awooda ay dibada ugu dhoofiso noocyada qalabka ay sameyso.

Adduunka si weyn ayaa looga dalbadaa, waxaana la sheegay in sanadkii 2024-kii $7.2 billion lagu iibsaday diyaaradaha.

Turkiga waxa uu doonayaa dalal uu Jarmalka ku jiro in uu ka iibiyo diyaaradahan sida uu sheegay madaxa shirkadda sameysa diyaaradaha.

Saraakiil ka socota NATO iyo wasiirada difaaca dalal badan oo caalamka ayaa booqasho ugu tagay Turkiga si ay indhahooda ugu soo arkaan tayada lagu sheegay diyaaradahan.

Dalalka isticmaalay diyaaradahan

Turkiga oo ahaa dal aan hore loogu aqoon qalabka casriga ee loo adeegsado dagaalka hawada sare ayaa hadda hormuud ka noqdoy farsamadaas, wuxuuna la tartamaya dalalka kale ee ay isbahaysiga NATO iskula jiraan.

Markii ugu horeysay awooda diyaaradahan waxaa la tijaabiyay sanadkii 2009-kii iyadoo sanadkii ku xigay ee 2010-kiina ay ka qeybqaateen tijaabo ka dhacday Verbania dalka Tayaaniga.

Diyaaradahana ayaa qeyb ka ahaa howgallo ciidamada Turkiga ka sameeyeen gudaha dalka sida in ay weeraro ka fuliyeen gobolka Siirt sanadkii 2015-kii iyo Afrin.

Diyaaradahan qumaatiga u kaca ee dagaalka waa kuwii ugu horeeyay oo dowladda Ankara ku sameyso gudaha dalka. Waa diyaarado leh labo matoor oo matraano ah.

Dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Philippine iyo Nigeria ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee ka iibsaday Turkiga. Dalka Paksitan inta aysan iibsan waxaa lagu tijaabiyay gudaha wadankooda.

Nigeria oo ka mid ah wadamada iibsaday helikobtaradan ayaa u adeegsanaya diyaaradahan Turkiga in ay kula dagaallanto kooxaha xagjiriinta ee dalkeeda dhibaatada ku ah.

Ciidamada cirka Nigeria waxay dalbadeen qaybtii labaad diyaaradahan si ay kor ugu qaadan awoodooda militeri dagaalka ay kula jiraan kooxaha xagjiriinta.

Turkiga waxa uu la galay Philippine heshiis qeyb ka ah nidaam lagu casriyeynayo ciidamada dalkaas. Ciidankooda cirka ayaa labo helikobtar nooca dagaalka ee T129 ATAK ka iibsaday Philippine. Labada helikobtar ayaa xoojinaya awooda ciidamada si ay ugu dagaallamaan meelaha la deggan yahay maadama ay yihiin diyaarado si saxan goobaha u beegsan kara.