Jaaliyadda Maakhir ee Toronto iyo soo dhowayntoodii Xildhibaakooda Aqalka sare

Jaaliyadda Maakhir ee Toronto iyo soo dhowayntoodii Xildhibaakooda Aqalka sare

Xildhibaanka aqalka sare ee gobolka Sanaag ayaa lagu so dhoweeyey magaalada Toronto ee dalka Canada.

Huteelka weyn ee lagu magcaabo Delta ee ku yaala galbeedka magaalada Toronto ee dalka Canada, ayaa hoolkiisa shirarka waxa lagu qabtay xaflad lagu soo dhowaynayey Xildhibànad Saynab Ismaacil Maxamed oo ah xildhibàanad ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya oo laga soo doorto gobolka Sanaag.

Xafladda soo dhowaynta ahayd ee loo qabtay Xildhibaanad Saynab waxa ku weheliyey oo la socday Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid ahayeen

1) Sen. Fadumo Xasan Aadan (Geriyo)
2) Xildhibaan Canab Maxamed Cosoble
3) ) Sen. Naciima Ibrahim Yuusuf

Xafladan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay oo ay dad badan oo isugu jira qaybaha bulshadu ka kooban tahay ka soo qayb galeen ayaa waxa lagu sharfay inuu xafladda fuo Suldan Naasir Cabdi Baale, oo ka soo jeeda maamulka Galmudug. Suldaanku wuxuu ka sheekeeyey taarikh hore ,, isaga oo halkaa ka sheegay in beesha Warsangeli ay abaàl ku leeyihin beeshisa Habar gidir, o ay mar hore arin gobanimo ah oo ayna weligood ilaaween ay u sameeyeen beel ahaan

Suldaanka waxa warbaahiyaha ugu danbeeyey Eng. Ciise Googoye oo isaguna ka hadlay taarikh hore oo ahayd sidii jaaliyada Warsangeli ee dalKA Maraykanku ay u so dhoweeyeen Madaxdi i SYL oo uu ka mid ahaa Cabdulaahi Ciise oo waqtigaas shaqo ku yimid dalka Maraykanka.

Oday Cabdi Cali, oo ka mid ah odayasha magaalada Toronto, ayaa isaguna taariikh iyo degaanka beesha Maakhir geed geed halkàa uga sheegay, isaga oo ka soo bilaabay Ceerigaabo ilaa Boosaaso iyo badda Cas iyo tan Hindiya ilaa Nugaal.

Intaa k.a dib Xildhibaan Canab Maxamed Cosoble, ayaa war baahiyaha ku soo dhowaysay Xildhibaan Saynb, oo iyana mahad celin ka dib ay u jeedisay bulshaddii soo dhowaynteeda ka soo qayb gashay uga warantay xaalaadu dalku halkamarayo

Ugu danbayntii Bulshada reer maakhir oo isku dooban ayaa u mahad celiyey Gudoomiyahooda Layla Qorsheel oo xafladda soo qaban qaabisay, waxa kaloo mahad nag u jeediyeen iOdayaasha Cabdi Cali iyo Axmed Xinbil.

Allsanaag.com

war saxaafadeed

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DOWLADDA PUNTLAND OO U HAMBALYEEYEY GOLEYAASHA DEEGAANKA 3-DA DEGMO EE LA DOORTAY.

“Waxaan u Hambalyeynayaa Xildhibaanada kusoo baxay Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, shacabka Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo ay arrintani u tahay yididilo ku dayasho mudan.

Sidaas waxaa kusoo gabagaboobay doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Puntland oo muddo 25 sano ah ahayd himilo la tiigsanayo.

Waxaa dhaqso loogu gudbayaa wejiga labaad ee hannaanka dimoqraadiyeynta oo ah in dib-u-eegis iyo sixitaan lagu sameeyo wixii gaabis ahaa ee ka jiray dhinaca sharciyada iyo wixii waayo aragnimo ah ee laga dhaxlay geeddi-socodkii Dimoqraadiyeynta Puntland.

Arrintani waxay muujinaysaa inay Dimoqraadiyad iyo doorasho suurtogal ka tahay Soomaaliya haddii ay jirto aragti iyo hoggaan ka dhabeeya himilada Ummadda.

Waxaan u mahad celinaynaa Beesha Caalamka, ciidamada Amaanka Puntland, GWaruddiga Doorashooyinka madaxa bannaan ee PEC, Xisbiyada Siyaasadda iyo cidkasta oo hannaankaan qayb ka ahayd, waxaan rajaynaynaa inay ii socoto taageerada iyo garab istaagga golayaasha la doortay si ay gutaan waajibaadkooda.

Hay’adda Build-up iyo Xarunta Horumarinta Cilmi baarista Puntland (PDRC) oo labadu

Garoowe: 24 July 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilo ka socday Hay’adda Build-up iyo Xarunta Horumarinta Cilmi baarista Puntland (PDRC) oo labaduba wadashaqayn dhow la leh Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyeen Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC) doorashadii Goleyaasha deegaanka Puntland gaar ahaan degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiiraan.

Kulanka waxa ka qayb galay Wasiirka Shaqada iyo daryeelka Bulshada Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dowladda Puntland Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

Midowga Yurub oo adkeynaya dal ku galka la siiyo muwaadiniinta Soomaaliya

Guddiga Midowga Yurub ayaa soo jeediyay tallaabooyin ka dhan ah dal ku galka la siiyo muawaadiniinta Soomaaliya.

Ujeedada talaabooyinkan ayaa ah in Soomaaliya culeys lagu saaro in dib loogu soo celiyo dadka aan waddada saxda ah ku gelin dalalka Midowga Yurub.

Goluhu waxa uu u baahan yahay baa lagu yiri warbixintaan, “inuu ansixiyo soo jeedinta ka hor inta aan la soo bandhigin qorshahaan”.

Soo jeedinta Guddiga Midowga Yurub ayaa waxaa ka mid ah in la adkeeyo tillaabooyinka dal ku galka lagu siinayo muwaadiniinta Soomaaliya

Soo jeedinta noocaan oo kale ah ayaa la soo bandhigay iyadoo la isku dayayo in la xoojiyo sidii wada jir looga shaqeyn lahaa dib u soo celinta dadka aan hannanaka sharciga ah ku joogin dalalka Midowga Yurub, sida lagu daabacay barta internedka ee SchengenNews.

Qoraalka rasmi ah oo Guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in dhawaan loo soo jeedin doono Midowga Yurub, tallaabooyinka Soomaaliya laga qaadayo, kadibna dalalka xubnaha ka ah ay awood u yeelan doonaan inay go’aan ka gaaraan waxa la sameynayo.

“Marka laga yimaado tillaabooyinka ay ilaa hadda qaadeen Midowga iyo Waddamada xubnaha ka ah ee lagu wanaajinayo iskaashiga dib-u-celinta iyo in la tixgeliyo xiriirka guud ee Midowga Yurub uu la leeyahay Soomaaliya, haddana waxaa loo arkaa in wadashaqeynta Soomaaliya iyo Midowga Yurub aysan ku filneyn, loona baahan yahay in tallaabo la qaado,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Inkastoo tani ay tahay soo jeedin oo kaliya, isla markaana ay qaadan doonto waqti ka hor inta uusan maamulku go’aan ka gaarin tallaabada lagu dabaqi doono muwaadiniinta Soomaaliya ee codsanaya fiisaha Schengen, sharciyada cusub ayaa la mid noqon doona kuwii Midowga Yurub uu horey uga qaaday dalalka kale. sanadihii ugu dambeeyay.

Soomaalida ayaa sidoo kale laga qaadi doonaa lacag badan oo fiisaha Schengen ah, waxaana codsiyadooda fiisahan uu qaadan doonaan 45 maalmood gudahood halkii markii hore 15 maalmood ay qaadan jireen.

Intaa waxaa dheer, qaar ka mid ah sharciga EU-da ee xakameynaya bixinta fiisaha Schengen ee Soomaalida ayaa sidoo kale laga yaabaa in la hakiyo, oo ay ku jirto suurtagalnimada ah in laga dhaafo shuruudaha soo gudbinta dukumentiyada caddaynta ah.

Mid ka mid ah sababaha la sheegay ilaa iyo hadda ee ka dambeeya qorshahaan Midowga Yurub ee lagu adkeynayo dal ku galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ah amniga. “Soomaaliya waxay wajahday caqabado waaweyn oo argagixisanimo” iyo xasillooni darro siyaasadeed, ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay barta travelandtourworld.

Maxay ka tiri arrintaan dowladda Soomaaliya?

Baasaboorka Soomaaliya

Xiriiro aan la sameeynay dowladda Soomaaliya si aan wax uga waydiinno arrintaan iyo waxa sababay, ayaaney nooga jawaabin farriimihii iyo wicitaannadii aan ku raadinay.

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaan si gaar ah ula xiriirnay wax jawaab ahna ilaa iyo hadda kamaanna helin, balse qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah ayaa baahiyay in dowladda Soomaaliya oo adeegsaneysa Wasaaradeeda Arrimaha Dibadda ay walaac ka muujisay soo jeedinta lagu adkeynayo dal ku galka.

Dawladdu waxay carabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo socdaalka, gaar ahaan kuwa u doonta daawaynta, waxbarashada iyo fursadaha ganacsi ee Yurub.

Dadaal diblomaasiyadeed ayay u badan tahay in la sameeyo si looga wada xaajoodo arrintaan.

Reer Maakhir oo gacmo furan ku soo dhoweeyey xildhibaankooda

Xildhibaanka aqalka sare ee gobolka Sanaag ayaa lagu so dhoweeyey magaalada Toronto ee dalka Canada.

Huteelka weyn ee lagu magcaabo Delta ee ku yaala galbeedka magaalada Toronto ee dalka Canada, ayaa hoolkiisa shirarka waxa lagu qabtay xaflad lagu soo dhowaynayey Xildhibànad Saynab Ismaacil Maxamed oo ah xildhibànka aqalka sare ee laga so doorto gobolka Sanaag.

Xafladda soo dhowaynta ahayd ee loo qabtay Xildhibaanad Saynab waxa ku weheliyey oo la socday Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somaaliya oo ay ka mid ahayeen

1) Sen. Fadumo Xasan Aadan (Geriyo)
2) Xildhibaan Canab Maxamed Cosoble
3) ) Sen. Naciima Ibrahim Yuusuf

Xafladan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay oo ay dad badan oo isugu jira qaybaha bulshadu ka kooban tahay ka soo qayb galeen ayaa waxa lagu sharfay inuu xafladda fuo Suldan Naaair Cabdi Baale, oo ka soo jeeda maamulka Galmudug. Suldaanku wuxuu ka sheekeeyey taarikh hore ,, isaga oo halkaa ka sheegay in beesha Warsangeli ay abàl ku leeyihin beshisa Habar gidir

Suldaanka waxa waxa warbaahiyaha ugu danbeyey Eng, Ciise Googoye oo isaguna ka hadlay taarikh hore oo ahayd sidii jaaliyada Warsangeli e dalKA Maraykanku u so dhoweeyeen Madaxdi SYL oo uu ka mid ahaa Cabdulaahi Ciise.

Oday Cabdi Cali, oo ka mid ah odayasha magaalada Toronto, ayaa isaguna taariikh iyo degaanka beesha Maakhir geed geed halkà uga shegay

Intaa mka dib Xildhibaan Canab Maxamed Cosoble, ayaa war baahiyaha ku soo dhowaysay Xildhibaan Saynb, oo iyana mahad celin ka dib bulshadd soo dhowaynteedaka soo qayb gashay uga warantay xaalaadu dalku marayo

Ugu danbayntii Bulshada reer maakhir oo isku dooban ayaa u mahad celiyey GudoomiyahoodaLayla Qorsheel oo xafladda soo qaban qaabisay iyo OdayaashaCabdi Cali iyo Axmed Xinbil.

Maxay tahay sababta ciyaarahan guulo u soo hooyay Soomaaliya looga reebay tartanka Olimbikada?

Maxay tahay sababta ciyaarahan guulo u soo hooyay Soomaaliya looga reebay tartanka Olimbikada?

Guddiga Olombikada Soomaaliya ayaa ka saaray Orodyahanka Cabdullaahi Jaamac Maxamed ka qeyb galka Ciyaaraha Olimbikada Adduunka ee Paris 2024, kaasoo lagu wado in la qabto 26-ka July illaa 11-ka Agoosto.

Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ka tirsan orodyahanada u orda dalka Soomaaliya,  in muddo ahna ku tababaranyey dalka Itoobiya ayaa eedeyn usoo jeediyay Xiriirka Ciyaaraha fudud ee Soomaliya.

Waxaa uu sheegay in guddiga aysan marin hab-raacii lagu soo xuli lahaa oryahanada tartanka ka qeyb galaya.

“Waxaa jira waxyaabo badan oo ka qaldan hab-raaca loo maray ciyaarahaas in laga qeyb galo, aniga iyo ciyaarhanno kale oo jooga Itoobiya iyo Kenya dhammaantena wax hab-raac ah oo ciyaarahaas noogala reebay oo loo maray ma jirto,” ayuu yiri Cabdullaahi

Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa BBC u sheegay in tartamadii ugu dambeeyay ee uu ka qeyb galay uu guulo badan ka soo hooyay islamarkana aysan jirin sababo tartanka Paris looga reebo.

“Aniga shaqsi ahaan waxaan ahay orodyahankii sanadkan bishii March ku guuleystay tartankii Jabauuti ka dhacay ee kaalinta kowaad 5000 ee mitir isla bishaas aniga oo kaligey is wada waxaa ka qeyb galay orodadii ka dhacayay Ghana ee African Games, kaalinta labaad ayaan tartankaass-na ka galay,” ayaa intaa ku daray

Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo la taagan madaxwayne Xasan sheekh

Odordyahan Cabdullaahi ayaa BBC u sheegay in ciyaarhanadii kaalimaha isaga ka dambeeyay ka galay tartamadii uu isaga guulaha ka soo hoyiyay ay imika ka mid yihiin orodyahanada loo soo xushay tartanka isaga laga reebay.

“Orodyahanadii ciyaarihii African Game ee aan bilada labaad ka keenay iyagu ka galay shanaad iyo afaraad ayaa maanta ordaya oo olombikada ka qeyb galaya”, ayuu yiri Mr Cabdullaahi.

Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo aan wax ka waydiinay in uu xiriir la sameeyay guddiga olombikada ayaa sheegay in guddiga uu la xiriiray balse aysan siin jawaabo uu ku qanco.

“Guuddiga Olombikada wana la xiriiray balse waxay ii sheegeen waxyaabo marmarsiiyo ah oo aan suuragal ahayn Soomaalina ana wlaigeed ka dhicin,” ayuu intaa ku daray.

Maxay ka yiraahdeen guddiga Olombikada Soomaaliya?

Xiriirka Ciyaraha Fudud ee Soomaliya ayaa sheegay in Cabdulahi aysan iyaga ka reebin tartanka balse shuruudihii loo baahnaa uu buuxin waayay.

Ku-simaha Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya Faarax Cali Macalin ayaa BBC u sheegay in ciyaaraha caalamiga ah looga qeyb galo iyada oo la eegayo saacadda uu qofka ku orday ciyaarihii u dambeeyay.

“Marka tartan olombig ah laga qeyb galayo labo qodob ayaa la soo bandhigaa, qodob waa kartida iyo in qofku u qalmo ciyaarta. Qofkii saacadaas la yimaadda ayaa ka soo qeyb gali kara, ciyaarana waa kuwa dalalka oo dhan ay ka qeyb galayaan, “ayuu yir Mr Faarax.

Faarax ayaa intaa ku daray in Cabdulahi uusan gaarin heerkii uu ugu soo bixi lahaa tartanka islamarkaana hadduu gaari lahaa uusan-ba u baahdeen in la soo xulo.

“5000 ma gaarin haddii uu gaaro maba u baahno in wadanku soo diro, wuxuu u baahan yahay in uu gaaro oo kali ah ka dib-na waa lagu casuumayaa anagana waan u ansixinaynaa,” ayuu intaa ku dara.

Ku-simaha Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya Faarax Cali Macalin ayaa dhanka kale sheegay in ay isku dayeen inay ku qanciyaan Cabdullaahi Jaamac Maxamed sida ay wax u jiraan balse uusan dhageysan.

“Si fiican ayaan ugu sheegay laakiin waxaa la yiraahdaa nin ay meel u cadahay meel ka madoob ninkaa odeyga ah wax baa u cad waxa u cad umbuuna rabaa ayuu yiri, ” Mr Faarax.

Maxay yihiin ciyaaraha Olimbikada ee paris?

Goobaha ciyaaraha lagu qabanayo

Ciyaaraha Olombikada sanadkan waxa ay socon doonaan 26-ka July ilaa 11-ka August.

Ciyaaraha qaar ayaa bilaaban doona ka hor xafladda furitaanka rasmiga ah, oo ay ku jiraan kubbadda cagta iyo ciyaaraha Rugby-ga oo billaaban doona 24-ka July, iyo ciyaarta buulin ka iyo kubbadda gacanta oo billaaban doonta 25-ka July.

Guud ahaan, ciyaarahan waxay dhici doonaan muddo 19 maalmood ah.

Waxaa tartanka ka qeyb gali doona ciyaartoyda ay tiradoodu dhan tahay 10,500 oo ka akla socda

Biden oo ku dhowaaqay in aanu u tartami doonin dib u doorasho

Biden oo ku dhowaaqay in aanu u tartami doonin dib u doorasho

Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhowaaqay in aanu mar kale u tartami doonin xilka madaxweynaha Mareykanka, isaga oo soo afjaray ololihiisa dib u doorasho.

Biden ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay inuu sii wadi doono xilkiisa madaxweynaha Mareykanka iyo taliyaha guud ee ciidamada, illaa muddo xileedkiisa uu ka dhammaanayo bisha Janaayo ee 2025.

Waxa uu intaas ku daray inuu qaranka la hadli doono toddobaadkan.

“Waxay ii ahayd sharaftii ugu waynayd nolosheyda in aan noqdo madaxweynihiina. Islamarkaana in inkasta oo ujeedkaygu ahaa in aan mar labaad isku soo sharaxo, waxa aan aaminsanahay in ay dani ugu jirto xisbigayga iyo dalkaba in aan ka haro, oo aan diiradda saaro oo kaliya fulinta waajibaadkeyga madaxweynenimo inta ka hartay muddo xileedkayga,” ayuu qoray Biden.

Ka-haritaanka tartanka ayaa dhabbaha u xaaraya ku-xigeenkiisa Kamala Harris inay noqoto gabadhii ugu horreysay ee madow ah ee xilka madaxweyne u tartanta.

Biden oo 81 jir ah ayaa qoraal kale oo uu soo saaray ku shaaciyey inuu si buuxda u taageerayo in Harris ay noqoto musharraxa Dimoqraadiga.

Si kastaba, ma cadda haddii xubnaha sare ee Dimoqraadiga ay Harris kula loolami doonin magacaabista musharaxa madaxweyne ee Dimoqraadiga, iyo in xisbiga dooran doono in tartanka laga dhigo mid cid kasta u furan iyo in kale.

Go’aanka Biden ayaa daba socda mowjado cadaadisyo shaacsan iyo kuwa qarsoon ah oo kaga yimid sharci-dejiyayaasha iyo saraakiisha Dimoqraadiga oo ahaa inuu tartanka ka haro kadib bandhiggii xumaa ee uu ka muujiyey dooddii uu la galay musharraxa Jamhuuriga Donald Trump.

Reuters