Waxa laga ogyahay shidaalka Khaatumo iyo qiyaasta saliidda ku jirta

Waxa laga ogyahay shidaalka Khaatumo iyo qiyaasta saliidda ku jirta

Doodda ku saabsan shidaalka ku jira SSC-Khaatumo ayaa dib u qaraxday kadib markii safiirka Soomaaliya ee Mareykanka u fadhiya Daahir Xassan Carab, uu bartiisa X ku qoray: “Waxaan ku faraxsanahay inaan si rasmi ah ugu dhawaaqo in Soomaaliya ay u furan tahay qodista shidaalka. Waxaan ku martiqaadayaa shirkadaha tamarta ee Mareykanka inay dib u soo laabtaan.

SSC-Khaatumo hadda waxaa loo aqoonsaday maamul goboleed Xubin ka ah Federaalka, waxaana la qaaday xaaladdii force majeure-ka taasoo fure u ah sahaminta iyo soosaaridda shidaalka ee Dooxada Nugaal oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah.”

Qoraalkan ayaa horseeday falcelin ballaaran oo baraha bulshada ah. Xildhibaan Dr. Cabdillaahi Abiib, oo ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka, ayaa si adag uga hor yimid isagoo ku dhaleeceeyay in arrimo istiraatiiji ah sida shidaal qodis loo adeegsado baraha bulshada:

“Arrimaha shidaalka iyo gaaska uma baahna tweet, waxay mudan yihiin wado-diplomaasiyadeed oo rasmi ah taasoo ka tarjumaaya danaha qaranka. Waxaa nasiib darro ah in daacadnimo lagu doorbido waayo-aragnimo marka qof la shaqaaleysiinayo, taasoo dib u dhigtay Soomaaliya inay horumariso danaha shacabkeeda.”

Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa horraantii sanadka 2024 u sheegay BBC Somali in kahor dhammaadka sanadka la bilaabi doono qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaalka, kaas oo ku yaal aagga xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Markabka sahminta goobaha juquraafiga badda ee lagu tuhmayo shidaalka, Oruc Reis, ayaa soo gaaray xeebaha Muqdisho bishii Oktoobar ee 2024.

Shidaalka ugu horreeya ee la soo saarayana waxa uu u eg yahay in uu yahay kan badda ku jira, laakiin xitaa berriga waxaa dhex ceegaaga shidaal badan, oo horey loogu ogaaday sahmin lagu sameeyay goobo cayiman oo soo bilaabatay 1930kii.

Ceelasha shidaal ee berriga waxaa ka mid ah ceelka Holhol oo ku yaal degmada Xuddun ee gobolka Sool.

Ceelkan oo markii horre loo aqoon jiray ceelka Nugaal waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee sahminta shidaalka ee Soomaaliya laga sameeyay.

Waxa uu ka mid yahay goobihii ugu horreeyay ee sahminta shidaalka laga sameeyo muddo hadda laga joogo afar iyo sagaashan sano.

Sahminta shidaalka dhulka ee Soomaaliya

Kooxda Ilaalada Ratiyada Gumeystihii Ingiriiska oo sahmin ka sameynaya dhulka Soomaaliya 1930-meeyadii.
Qoraalka sawirka,Kooxda Ilaalada Ratiyada Gumeystihii Ingiriiska oo sahmin ka sameynaya dhulka Soomaaliya 1930-meeyadii.

Dhul-baarayaal ka socday gumeystaha Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay arkay calaamado muujinaya in shidaal uu ku jiro dhulka Soomaaliya kadib sahan lagu sameeyay gobolada waqooyi ee hadda loo yaqaan Somaliland, oo uu xilligaas ka talinayay Ingiriiska.

Laga soo bilaabo 1950-meeyadii, shirkado caalami ah oo ay kamid yihiin Agip iyo Sinclair Oil Corporation ayaa bilaabay in ay sahmiyaan dhulalka Soomaaliya.

Sahminta ugu ballaaran waxaa la sameeyay dabayaaqadii 1980-meeyadii.

Burburkii xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre 1991-dii wuxuu hakad galiyay dhammaan barnaamijyadii sahminta, shirkado badanina waxay joojiyeen hawlahooda.

Xilligaas oo Soomaaliya ay ku jirtay burbur siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye, afar shirkadood oo waaweyn oo Mareykan ah – Conoco, Amoco, Chevron, iyo Phillip – ayaa sii waday isku dayadoodii sahminta saliidda.

Shirkadahan waxay dowladii Soomaaliya ka heysteen heshiisyo gaar ah oo ay ku baari karaan kumanaan mayl oo ah dhul saliidda laga soo saari karo.

Shirkadaha Conoco, Amoco, Chevron, iyo Phillip.
Qoraalka sawirka,Shirkadaha Conoco, Amoco, Chevron, iyo Phillip.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Los Angeles Times 1993-kii, shirkadahani waxay rajo ka qabeen in howlgalka milateri ee Mareykanka ee Soomaaliya uu ka caawin doono ilaalinta maalgashiyadooda.

Shirkadda Conoco oo ahayd tan kaliya ee sii wadatay joogitaankeeda Muqdisho intii ay dagaallada sokeeye socdeen, waxay ugu dambeyntii ku wareejisay xafiiskeeda dowladda Mareykanka si ay ugu adeegtaan hawlaha samatabixinta, ka hor inta aysan ciidamada Mareykanka soo degin magaalada Muqdisho.

Askarta Mareykanka oo roondo ka sameynaya meel u dhow xafiiskii Conoco, 14-kii Nofeembar 1993.
Qoraalka sawirka,Askarta Mareykanka oo roondo ka sameynaya meel u dhow xafiiskii Conoco, 14-kii Nofeembar 1993.

Sanadkii 2012, cilmi baaris uu sameeyay machadka Routledge, dhulka, juquraafiga ayaa lagu qiyaasay in Soomaaliya ay leedahay kayd saliid oo gaaraya ilaa 110 bilyan oo foosto oo ah in ka badan dalalka sida Kuwait oo kale ah.

Qiimaha halkii foosto ee wakhtigan aan qoreyno warbixintan waa $77.27, taasoo ka dhigeysa qiimaha guud ee kaydka saliida Soomaaliya in uu gaarayo ilaa $8.5 trillion.

Baaritaankaas ayaa horseeday in shirkadaha sahminta caalamiga ah ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya iyagoo u arka fursad weyn oo ganacsi.

Keydka Saliidda wadamada la xaqiijiyay iyo Soomaaliya
Qoraalka sawirka,Keydka Saliidda wadamada la xaqiijiyay iyo Soomaaliya

Sahaminta saliidda balooga Holhol

Baloogga Holhol, oo horey loogu yaqaanay Nugaal, waa mid ka mid ah aagagga ugu waaweyn ee sahminta saliidda ee Soomaaliya laga sameeyay.

Sahamintii shirkadaha Range Resources iyo Horn Petroleum ayaa muujisay in kheyraadka Holhol uu yahay mid ganacsi ahaan faa’iido leh.

Shirkadahan waxay cadeeyeen in Holhol uu juqraafi ahaan la mid yahay togagga waqooyiga Yemen, halkaas oo laga helay kayd saliid oo gaaraya 1 bilyan foosto.

Isku-ekaanshaha togagga shidaalka Yemen iyo Soomaaliya.
Qoraalka sawirka,Isku-ekaanshaha togagga shidaalka Yemen iyo Soomaaliya.

Sidoo kale, khubarada shidaalka iyo gaaska waxay sheegeen in balooka Holhol oo uu lamaaniyo dhul ballaaran oo gaaraya 21,784 km² la rumeysan yahay in uu kayd ahaan ugu jiro ilaa 20 bilyan oo foosto oo saliid ah.

Balooga Nugaal iyo Dharoor.
Qoraalka sawirka,Balooga Nugaal iyo Dharoor.

Qodista keydka shidaalka iyo mustaqbalka Soomaaliya

Turkiga ayaa bilaabay sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in ay kor u kacdo xiisaha shirkadaha caalamiga ah u hayaan saliidda Soomaaliya.

Markabka sahminta ee Turkiga, Oruc Reis, ayaa gaaray xeebaha Muqdisho 25-kii Oktoobar 2024, halkaasoo uu ka bilaabay baaritaanka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah, kadib markii Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi dhinaca tamarta ah.

Markabka Oruc Reis
Qoraalka sawirka,Markabka Oruc Reis

Holhol kuma jiro aagga sahminta xeebaha, laakiin wuxuu ka mid yahay ceelal ku jira heshiisyo uu soo bandhigay wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya sannadkii 2024.

Sahaminta cusub ee Turkiga ayaa horseedi karta in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda dabiiciga ah, haddii ay suurtagasho in la xalliyo khilaafaadka siyaasadeed lana hirgaliyo nidaam caddaalad ku dhisan oo lagu qaybsado dakhliga.

Maxaa kasoo baxay safarka Ra’iisul Wasaara Soomaaliya ee Laascaanood

Maxaa kasoo baxay safarka Ra’iisul Wasaara Soomaaliya ee Laascaanood

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo magaalada Laascaanood joogay maalmahanba ayuu xafiiskiisu kasoo saaray warsaxaafadeed ka kooban 6 qodob oo ay ugu waaweynaayeen. Qodobada 4’aad iyo lixaad 6’aad.

Qodobka 4’aad o farqadahiisu ugu dhignaayeen sidatan warsaxaafadeedkii kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

B) In DFS, Maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsatay Dowlad Goboleed, laguna dhameystiro shirweynaha iyo heshiiska bulsho (Dastuurka)

T) In maamulka SSC-Khaatumo xubin buuxda ka noqdo Golaha wadatashiga Qaranka (NCC).

J) In deegaanada maamulka SSC-Khaatumo ay yihiin deegaano kamid ah DFS, looguna yeeri karin deegaano lagu muransan yahay (disputed area). Waana in Hay’adaha DFS, Kuwa aan Dowliga ahayn iyo saaxiibadda Soomaaliya uga howlgalaan SSC-Khaatumo si lamid ah sida ay deegaannada kale ee Soomaaliya uga howlgalaan.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska ayaa sidoo kale lagusoo hadal qaaday qodobkisa 6aad, 25 maxbuus oo lagu qabtay dagaalkii dhexmaray SSC-Khaatumo iyo Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somailand.

Maxaabiistan lama magacaabin kuwa ay yahiin waxaase warbixinta lagu xusay in ay yahiin kuwo leh “duruufo gaar ah” waxaana qoraalka lagu sheegay in “DFS dib-ugu-celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba”.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in maamulka SSC-Khaatumo uu taageeray barnaamijka dowladda iyo kan xukuumadda Soomaaliya, waxaana lagu qeexay in sidoo kale maamulk taageeray gogoshii dhawaan uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud – SCC-Khaatumo ayaana la sheegay in ay diyaar u tahay ka qaybgalka gogoshaa

Kooxihii Maakhir iyo Laascaanood

Labaddii kooxood ee Reer Maakhir oo midkoodna Bulshada gobolka Sanaag ayna u dirsan Sool ayaa ku kala adkaaday Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxa isugu tegay labo kooxood oo reer Maakhir ah oo mid ka mid ah ay wataan siyaasiyiinta Khaatumo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Xildhi baanka aqalka Sare ee gobolka Sanaag iyo wakiilka Suldaanka Warsangeli, halka kooxda kale ay tahay kuwo dhowaan isku caleemo saaray degmada oo doortay madaxweyne iyo Wasiiro.

Kooxddii dhowaan isku caano shubtay ayaa looga adkaaday magaalada Laascaanood, ka dib markii si khaldan Wasiirkii ganacsigu ugu adeegsaday shaarkii Dawladda

Muxuu Trump ugu daray Soomaaliya qorshaha lagula dagaalamayo Xuutiyiinta Yemen?

Muxuu Trump ugu daray Soomaaliya qorshaha lagula dagaalamayo Xuutiyiinta Yemen?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii sheegay in Mareykanku uusan ogolaan doonin “argagixisada” inay ku dhex dhuuntaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan taageereynaa dadka Soomaaliyeed, oo aan u ogolaanin Xuutiyiinta inay soo dhexgalaan (oo ay isku dayaan inay saameeyaan!), si ay u joojiyaan argagaxisada, oo ay barwaaqo u keenaan dalkooda,” ayuu ku soo qoray baraha bulshada, isaga oo tixraacaya xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo bartilmaameedsanaya maraakiibta u socota Israel si ay u muujiyaan garab istaagga Gaza.

“Waxaan awood u siiyey dagaalyahannadayada, mar labaad, si la mid ah sidii aan u dagaalamay ISIS , kuwaas oo gebi ahaanba lagu baabi’iyey saddex toddobaad gudahood intii uu hoggaaminayey General Daniel Caine, Madaxa cusub ee agaasimayaasha Shaqaalaha.”

Trump ayaa horey u sheegay in Caine uu ahaa “qalab lagu baabi’inayo gabi ahaan” ISIS.

Soomaaliya waxa ay qayb ka tahay wadamada uu maro gacanka Cadmeed kaa oo ka yimaada dhankaas iyo Yemen, taasoo ka dhigaysa meel muhiim u ah Mareykanka, oo maamulkiisu uu sare u qaaday ololihiisa milateri ee ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta. Wargeyska New York Times ayaa maalmo ka hor sheegay in Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika uu yiri “Ciidanku waxa ay isha ku hayaan calaamado muujinaya in ay gacan-saar la leeyihiin Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo Kooxda Xuuthiyiinta,” sida lagu sheegay hadal uu ka hor jeediyay Congress-ka Mareykanka todobaadkii hore.

Hadalkaan ayaa sidoo kale qayb ka ahaa warbixin gaar ah oo CNN sanadkii 2024 soo saaray, kaasoo lagu sheegay in sirdoonka Mareykanka uu ka warhelay wadahadal dhexmaray kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah iyo xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya oo ku saabsanaa bixinta hubka. Saddex sarkaal oo Maraykan ah ayaa shabakaddan ku tilmaamay arrin welwel leh oo khatar gelinaysa xasilloonida gobolka.

CNN ayaa xiligaasi sheegtay in xogta sirdoonku uu ahaa mid laga naxo sababtoo ah “isbahaysigaan raaxada ah ayaa uga sii dari kara arrimaha Soomaaliya, badda cas iyo gacanka cadmeed” halkaas oo Ansar Allah ay weeraro ku qaadayso maraakiibta iyo hantida Mareykanka ee gobolka tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

Kooxda Xuuthiyiinta ee Ansar Allah ayaan wax war ah kasoo saarin ama aysan kasoo saarin wax mowqif ah oo ku aadan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee Soomaaliya, kooxda xagjirka ah ee Islaamiyiinta ah ee ka mid ah kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Soomaaliya lana aaminsan yahay in ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacida.

goobta

Goobta juqraafiyeed iyo xiriir saaxiibtinimo

Laakiin marka laga yimaado dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxaa sidoo kale jira muhiimad juquraafiyadeed oo Soomaaliya leedahay, maadaama ay ku taal xeebta bari ee qaaradda Afrika, qaybna ay ka tahay waxa loo yaqaan Geeska Afrika. Dhanka waqooyi waxaa xad la leh Gacanka Cadmeed, Yemen, iyo Jabuuti, galbeedna Itoobiya, bari waxaa ka xiga badweynta Hindiya, dhanka koonfureedna waxaa xad la leh Kenya.

Waxaa jirta marin biyood u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen oo qaxooti Yemeniyiin iyo Soomaali isugu jira ay in muddo ah doonyo kaga soo gudbeen iya oo Yemen ka soo safra kuna soo wajahan Soomaaliya.

Wargeyska The New York Times ayaa dhawaan ka qoray goobta: “Maraykanku hadda waxa uu saldhig ku leeyahay dalka jaarka ah ee Jabuuti, waxaana barbar socda hawlgallada militari ee Shiinaha iyo Yurub”. Wargeysku waxa uu ka soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo uu yidhi “Somaliland waxa ay noqon doontaa goob yar oo saxmad ah oo lagula soconayo marin biyoodka, lagana yaabo in weeraro lagu qaado bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yemen.

Soomaaliya gudaheeda waxa ka jira jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, oo ah qayb ka mid ah gobollada Waqooyi ee dalka oo hore ugu hoos jirtay gumaystihii Ingiriiska. Waxay keligeed ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, iyada oo abuurtay Jamhuuriyadda “Somaliland,”. Jamhuuriyad cidna ma aqoonsana waddan iyo urur caalami ah midna, balse waxa ay dhacdaa xeebta koonfureed ee gacanka cadmeed.

Sida laga soo xigtay wargeysyada caalamiga ah, wakiilo ka socda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhawaan warqado u diray Trump, iyagoo u soo bandhigaya fursado ciidan iyo kuwo istiraatijiyadeed oo ay ku beddelanayaan xoojinta xiriirka Mareykanka ee kala dhexeeya.

Arinta Laascaanood Waa arin Reer Waqooyi u taal

Garaad Mukhtaar Garaad Cali: “Madaxweynihii Qaranku wuxuu xamili waayey soodhoweyntii Raysal wasaaraha, farriintiisana wuxuu nagaga dhigey Somaliland.”

Madaxweyne Xasan oo ku sugan Turkiga ayaa sheegay inuu Laascaanood ugu diray Raysal Wasaare Xasme sidii uu u abuuri lahaa weji lagu wadahadli karo.

Wuxuu xusay in colaada Gobolka Sool ay tahay mid maxali ah oo Somaliland ka dhex taagan aysana qayb marna ka noqon doonin dowlada Soomaaliya.

Hadalka Xasan wuxuu meesha ka saarayaa rajadii ay dad badan ka qabeen Xamse inuu ku dhawaaqo in SSC Khaatumo tahay maamul goboleed hoos taga Federaalka.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞, 𝐨𝐨 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐈𝐬𝐢𝐦𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞, 𝐨𝐨 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐈𝐬𝐢𝐦𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨

Laascaanood, Sabti, 12 Abriil 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay Isimada deegaannada SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida dalka, isaga oo ka dhagaystay tallooyin dhaxal-gal ah oo ku aaddan dib-u dhiska dalka, iyo sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgalin lahaa hey’addaha dowladda oo bulshada soo gaarsiiya adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Isimada doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan nabadaynta iyo midnimada, waxaa uuna adkeeyey sida ay Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah u siineyso xoojinta hey’adaha dowladda iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—

Guddiga gaar ka ah ee ka socda Golaha Wakiillada Puntland oo socdaal nabadeyn ah ku jooga Gobolka Sanaag

Guddiga gaar ka ah ee ka socda Golaha Wakiillada Puntland oo socdaal nabadeyn ah ku jooga Gobolka Sanaag

Ceelbuh , April,12, 2025: Guddiga gaar ka ah ee ka socda Golaha Wakiillada Puntland oo socdaal nabadeyn ah ku jooga Gobolka Sanaag ayaa caawa booqosho salaan ah ugu tagay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire .

Suldaanka ayaa Xildhibaanada Warbixin ka siiyey meesha ay marayso gogosha nabadeynta beelaha walaaha ah ee dirirtu ku dhexmartay Deegaanka Dooxada Dureera ee Gobolka Sanaag, gogoshaas oo beri haddii alle idmo ka furmaysa magaalada Ceelbuuh.

Xildhibaanada Golaha wakiilada Dowladda Puntland ayaa u mahadceliyey Suldaanka, cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Sanaag ee ilaa 9 March 2025 ku sugnaa Deegaankii dhibku ka dhacay.