Sh. Aadan Madoobe oo si rasmi ah ula wareegay Guddoonka Golaha Shacabka

Sh. Aadan Madoobe oo si rasmi ah ula wareegay Guddoonka Golaha Shacabka

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta si rasmi ah xilka guddoonka golahaasi ugala wareegay Guddomiyihii Baarlamankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.

Shirka Golaha Shacabka ee maanta ayaa ahaa kii u horreeyey ee baarlamaanku yeesho tan iyo markii Shiikh Aadan Madoobe loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Cabdullahi Cumar Abshirow oo Khamiistii lagu doortay Muqdishu.

Aadan Madoobe ayaa gunaanadkii shirka ku dhawaaqay in Golaha Shacabku uu geli doono fasaxa Ciidda, islamarkaana uu dib kala fadhiyadiisa u bilaaban doono 4-ta bisha soo socota ee May.

Aadan Madoobe ayaa hore u soo qabtay xilka afhayeenka baarlamaanka, intii u dhexeysay sannadihii 2007 illaa 2010. Sidoo kale wuxuu soo qabtay xilal wasiirnimo oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Caddaaladda iyo Ganacsiga.

Ciidanka ilaaladda Canshuuraha Iyo Amnigda Dekeda Boososo

Ciidanka ilaaladda Canshuuraha Iyo Amnigda Dekeda Boososo

Cutubyo Ka tirsan Ciidanka ilaaladda Canshuuraha Iyo Amnigda Dekeda Boososo oo Dib U dhis balaan lagu sameeyey ayaa maanta soo Bandhigay Dhoola Tus ay ku muujinayaan Cudda iyo Tayadooda ciidan .Taliyaha Ciidanka Cornel Warsame Ahmed Shirwac oo dadaal badan ku Bixiyey Dib u dhiska Ciidanka Iyo Kor U qaadida Tayadooda Iyado La siisanayo Tababaro iyo Agabka Ciidan oo kala duwan ayaa Ciidanka Kula dar-daarmay In ay Dargargaliyaan Howlahooda shaqo iyo U adeegidda Bulshada.

Rooble iyo garabkiisa oo booqday Madoobe

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho iyo hambalyo ugu tagay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Ra’iisul Wasaaraha oo la afuray labada mas’uul ayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran ee loo doortay una rajeeyay guul.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Shacabka uga mahadceliyay howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay isagoo ku amnaanay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo si guul ah ku soo idlaatay.

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 8 people, people standing, people sitting and indoor

Maxay yihiin shaqooyinka horyaalla baarlamanka cusub ee Soomaaliya?

Doorashada Soomaaliya ee wakhtiga dheer qaadatay waxa ay ku dhowdahay gebagebo, ayada oo shalay lasoo geba-gebeeyey doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Baarlamanka ayaa waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay ugu horeyso doorashada madaxweynaha, laakiin waxaa jira arrimo kale oo muhiim ah in laga shaqeeyo oo labada Aqal sugaya.

Sidee Farmaajo ku Guuleeysan Karaa?

Doorashadii lagu doortay guddoomiyaha baarlamaanka waxeey ina tustay in Farmaajo iyo kooxdiisa ay u baahan yihiin ineey la yimaadaan qorshe ay kaga adkaan karaan kooxda Ahla Sheekh iyo Damun Jadiid. Waxaa Farmaajo iyo kooxdiisa doorashada guddoomiyha baarlamaanka ay u soo sharaxeyn Xasan Cabdi nuur, balse dhinaca Ahla Sheekh iyo Damun Jadiid waxeey keeneen Aadan Madoobe, Saransoor, Ca/laahi Black, Saadiq Ca/laahi iyo Ca/rashiid Xidig.

Haddii Farmaajo kelligiis uu teendhada tago, waxaa isugu tegidoona shakhsiyaadka ay ka midka yihiin Siciid Deni, Xasan Shiikh, Shiikh Shariif, Ca/raxmaan Cabdishakuur, Xasan Cali Kheeyre, Daahir Geele iyo inta kale ee musharixiinta ah ee ka kalla socda Ahla Sheekh iyo Damun Jadiid, marka taas waxeey noqoneeysaa in Farmaajo kelligiisa la isku celliyo loogana adkaado sidii musharixiinta baarlmaanka ay ku sameeyeen Xasan Ca/nuur.

Hadaba, Farmaajo iyo kooxdiisa waxaad moodaa ineey sahashadeen doorashadda baarlamaanka, ayna isa siiyeen guusha. Hadaba, Farmaajo sidee ayuu uga ku geelleeysan karaa musharixiinta Ahla Sheekh iyo Damun Jadiid?

Midda koowaad, waa in uu soo sharaxaa illaa tobbon qof oo ka kalla socda beelaha kalla duwan, shakhsiyaadkaasna waa in ay noqdaan kuwo firfircoon oo gallaangal ku sameeyn kara beelaha ay ka soo jeeddaan. Mid kasta waxa uu soo hello aakhirka waxaa la isugu shubbi doonaa Farmaajo.

Midda labbaad, maaddaama xubnaha baarlamaanka ay jeebka wax ka maqlaan waa in kor loo qaadaa lacagta miisaaniyadda ee loogu tallagalay doorashadda si loo hello codadka ugu badan.

Tan seddexaad, waa in deegaan deegaan loola kulmaa xubnaha baarlamaanka, iyada oo loo ballan qaadayo haddii doorashada lagu guulleeysto in laga fullinayo mashaariic deeggaanada ay ka soo jeedaan. Ballan qaadyada noocaas ah waxeey keeni karaan in xildhibaano badan ay codkooda ku bixiyaan meesha ay is leeyihiin deegaankiina ayaa ka faa’iidaya.

Waxaa dhab ah in haddii qodobadaas la sameeyo ay dhici karto in Ahla Sheekh iyo Damun Jadiid looga guulleeysto doorashada madaxtinnimadda dalka. Waxaan la soconaa in aysan sumcad fiican aysan laheeyn labba kooxood ee Ahala Sheekh iyo Damun Jadiid. Haddii ay xafiiska qabtaan, waxaa dhici doonta in mushaarka shaqaalaha jeebka lagu shubto, Gabrayaal badan ay iska soo buuxiyaan madaxtooyada, iyo in siyaasadda dalka oo dhan ay noqoto mid NGOyada faraha loo gelliyo.