ANIGA AYAA MADAXWEYNE AH

Deg Deg Madaxweyne ku Xigeenka Puntland oo War Soo saaray.

BAYAAMIN IYO WARGAL

IN.Ramadaan Kariim Bulsho waynta Reer Puntland, Eebe haynaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee bishan barakaysan.

garowsan ahmiyadda ay leedahay u hoggaansamidda Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.

Anigoo garowsan masuuliyadda, xilka iyo waajibaadka baaxadda leh ee Madaxweyne Kuxigeenka.

Anigoo dareensan culayska ay xanbaarsantahay dhaarta Dastuuriga ah ee ku cad Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.Anigoo garowsan in hawl socodsiinta iyo dardargelinta shaqada hortaal Hay’adaha Dawladda ay tahay masuuliyadda aan u dhaartay.

Anigoo ka duulaya isla markaasna fulinaya awaamiirta ku qeexan qodobada Dastuurka Dawladda Puntland ee kala ah:

Qodobka 2-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad. Qodobka 3-aad, farqaddiisa 2-aad iyo Qodobka 81-aad, Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan.

Qodobka 2aad (SARRAYNTA SHARCIGA)

Farqadda 1aad: Sharciga ayaa ka sarreeya qof kasta.

Farqadda 2-aad: Dhammaan hay’adaha Dawladda iyo dadweynuhuba waxay u hoggaansamayaan sharciga.

QODOBKA 3-aad. Farqaddiisa 2-aad oo u dhigan sidan. “Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan karta si gaar ahaaneed”

Qodobka 81-aad. “Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan;“ Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu qabtaa xilalka Madaxweynaha marka uu dalka ka maqan yahay, ama uusan si ku meelgaar ah xilkiisa u gudan Karin

Hadaba, waxaan u cadaynayaa shacab-waynaha reer Puntland in Dalku uusan geli karin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada reer Puntland.

Ugu danbayntii, mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland.

Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda in ay u hogaansamaan ilaalinta, dhawrista Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.Wabillaahi Towfiiq.=DHAMMAAD=

Laaluush Mise Aqoon Darri

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dawladda Federaalka Ibraahin Iidle ayaa ku fashilmay in uu si caddaalad ah u qaado dacwadda Fahad Yaasiin “Cid awood u leh oo oran karta arrimaha noocaa iyo naacaa ah maxkamad lalama tegi karo, awooddaa cid leh miyeey jirtaa? Waxaan aaminsanahay qof awooddaa leh madaxweeyne ha noqdo, xildhibaan ha noqdo, madaxweeyne dawlad goboleed ha noqdo cid awood u leh ineey xaddido dacwadaha maxkamadaha lala tegi karo xaqiiqatan ma jirto.”

Sidoo kale guddoomiyaha maxkamadda wuxuu kaloo yiri “Marka ay billoowdaan doorashooyinka go’aan kastoo ay soo saaraan guddiyadu waxaa weeye waa go’aano maamul, go’aan kasta oo maamulna, waxaa cabasho looga qaadan karaa maxkamadda sare ee dalka, maxkamadda sare ee dalkuna waxeey diyaar u tahay, ineey ka gar naqdo cabasho kasta oo ka dhalata go’aan ay gaareeyn guddiyadda heerarkooda kala duwan.”

Hadaba, go’aankii laga sugayey maxkamadda sare waxa uu noqday mid ah “Waxa ay go’aamisay in aanay Maxkamadda Sare ee Dalku awood u lahayn ka garnaqidda cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Baarlamaanka 11 aad.”

Hadaba, waxaa is weeydiin leh waxa iska beddelay hadalkii uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda sare ee ahaa in maxkamadda lala iman karo cabasho kasta oo ka dhalata doorashada dalka. Maanta guddoomiyaha wuxuu na barayaa in maxkamadda sare ee dalka aysan awood u laheyn ka garnaqidda cabbashooyinka ka dhasha doorashada.

Maxkamaddu waxeey waqtigii ka lumisay dadka oo dhan ha noqdeen dadkii dacwadda soo gudbistay, qareemadii labbada dhinac ka kala socday, warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ka warsugayey sida ay maxkamadda dacawadda hortaal ay u qaadeeyso. Hadaba wixii oo dhan waxeey noqdeen, “Hal bacaad lagu lisay iyo Prank”

Si kastaba ha ahaato, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim iidle iyo kuwa ka dhinac shaqeeynaya ayaa arrintooda ay tahay labba mid uun, waa midda kowaad ineey yihiin dad aan aqoon u laheeyn shaqada ay dalka u hayaan iyo in ay laaluush qaateen.  

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo digniin u diray xubno katirsan guddiga

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo digniin u diray xubno katirsan guddiga

Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal FEIT waxaa uu baaq u dirayaa xubin walba oo guddigan FEIT ka tirsan oo qaada talaabo aan waafaqsaneyn go’aankii guddiga ee kor ku xusan ay ku sifoobi doonaan kuwo caqabad ku ah hanaanka geedi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka, cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda iyagu qaadi doonaan.”

Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal FEIT ayaa sidaas Ku sheegay war qoraal ah oo ay soo saareen.

Maxkamadda Sare oo go’aan ka soo saartay kiiskii Fahad Yaasiin

Maxkamadda Sare oo go’aan ka soo saartay kiiskii Fahad Yaasiin

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ay iska diiday qaadista dacwadda uu Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ku saabsanayd kursiga HOP086.

Maxkammadda sare waxay aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ee ah in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka-garnaqida cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11-aad.

Go’aanka waxa saxiixay sedexda garsoore oo dacwaddan dhagaystay kuwaas oo kale ah: Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf, iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, horeyna u soo noqday agaasimaha hay’adda sirdoonka ayaa kursigaas loogu doortay 20-kii bishii Febraayo ee sanadkan magaalada Beledweyne, waxaa se doorashadiisa ku gacan seyray guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal oo sheegay in aan la marin habraacyadii doorashada u dagsanaa, taasina waxay abuurtay jahwareer iyo khilaaf cusub, waxayna markii dambe uu Fahad Yaasin dacwad u gudbiyay maxkamadda sare.

Qaramada Midoobay oo ka digtay musiibo kusoo fool leh 20 milyan oo qof oo ku nool Geeska Africa

Qaramada Midoobay oo ka digtay musiibo kusoo fool leh 20 milyan oo qof oo ku nool Geeska Africa

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in dad lagu qiyaasay 20 milyan oo qof oo ku nool qaybo ka mid ah Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo ay abaaruhu saameeyeen in ay la kulmi karaan musiibo ay gaajadu ka mid tahay, haddii gobolka ay ku dhufato abaar sannadkii afraad oo xiriir ah.

Roobabka ayaan sidii la filayay uga da’in Geeska Afrika xilli-roobaadkan, waxaana saddexdii sano ee la soo dhaafay ay abaartu geysatay khasaare lixaad leh. Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in baaqashada dalagyadii ka soo go’ay dalka Itoobiya ay sababatay in 7.2 milyan oo qof ay ku la soo gudboonaatay macaluul ba’an, isla markaana ay dileen in ka badan hal milyan oo xoolo ah.

Xaaladda dalka Kenya ayaa ah mid aan ka rooneyn tan Itoobiya, iyadoo abaarta ka sii daraysa ay keentay in inka badan saddex milyan oo qof ay cunto la’aan ku dhacdo, kuwaasoo ay ku jiraan nus milyan qof oo ay soo food saartay heerar gaajo ah oo degdeg ah.

Soomaaliya gudaheeda, WFP waxay sheegtay in lix milyan oo qof, ama 40 boqolkiiba dadweynaha, ay haysato cunto yari, iyadoo in ka badan 80,000 ay qarka u saaran yihiin macaluul.

Isagoo ka hadlayay caasimadda Kenya ee Nairobi, ayaa agaasimaha WFP ee Bariga Afrika, Michael Dunford, waxa uu sheegay in tirada dadka gaajeysan ay u gudbi karto dad lagu qiyaasay 14 milyan ilaa 20 milyan, haddii roobabku ay dib u di’i waayaan.

Shirkadda Coastline Richard Anderson

Dawladda Soomaaliya ayaa horey u qaadday tallaabooyin ay ku baabi’inayso heshiiska bishii Febraayo 15-keedii ay magaalada Istanbul ku saxiixeen Wasiirka shidaalka dawladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo shirkadda Coastline Exploration oo horey loo oran jiray Soma Oil & Gas.

Xafiisyada Madaxweynaha Soomaaliya Madaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roole ayaa waxay labaduba rasmi ahaan u shaaciyeen in heshiisaas uusan xalaal ahayn.

Hase yeeshee shirkadda Coastline Exploration ayaa ku gacansayrtay, waxayna sheegtay in heshiiska uu yahay mid sharci ah, ayna ka rajo-qabaan in loo fasaxo kadib baaritaanka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Barnaamijka Galka Baarista ee toddobaadkan ayaa ku saabsan mowduucaas, waxaana waraysi uu la yeeshay madaxa shirkadda Coastline Richard Anderson oo xilliga uu waraysigan bixinayey ku sugnaa dalka Britain. Haaruun Macruuf ayaa soo jeedinaya.

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta lagu soo dhoweeyay Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa ku soo dhoweeyay Muqdisho Mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda,  inta badan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Muqdisho iyo xubno ka tirsan Gobolka Banaadir.

Wafdiga Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  iyo qaar ka mid ah goleyaasha Puntland, Aqoonyahanno iyo waxgarad kale.