28th March 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dawladda Federaalka Ibraahin Iidle ayaa ku fashilmay in uu si caddaalad ah u qaado dacwadda Fahad Yaasiin “Cid awood u leh oo oran karta arrimaha noocaa iyo naacaa ah maxkamad lalama tegi karo, awooddaa cid leh miyeey jirtaa? Waxaan aaminsanahay qof awooddaa leh madaxweeyne ha noqdo, xildhibaan ha noqdo, madaxweeyne dawlad goboleed ha noqdo cid awood u leh ineey xaddido dacwadaha maxkamadaha lala tegi karo xaqiiqatan ma jirto.”

Sidoo kale guddoomiyaha maxkamadda wuxuu kaloo yiri “Marka ay billoowdaan doorashooyinka go’aan kastoo ay soo saaraan guddiyadu waxaa weeye waa go’aano maamul, go’aan kasta oo maamulna, waxaa cabasho looga qaadan karaa maxkamadda sare ee dalka, maxkamadda sare ee dalkuna waxeey diyaar u tahay, ineey ka gar naqdo cabasho kasta oo ka dhalata go’aan ay gaareeyn guddiyadda heerarkooda kala duwan.”

Hadaba, go’aankii laga sugayey maxkamadda sare waxa uu noqday mid ah “Waxa ay go’aamisay in aanay Maxkamadda Sare ee Dalku awood u lahayn ka garnaqidda cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Baarlamaanka 11 aad.”

Hadaba, waxaa is weeydiin leh waxa iska beddelay hadalkii uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda sare ee ahaa in maxkamadda lala iman karo cabasho kasta oo ka dhalata doorashada dalka. Maanta guddoomiyaha wuxuu na barayaa in maxkamadda sare ee dalka aysan awood u laheyn ka garnaqidda cabbashooyinka ka dhasha doorashada.

Maxkamaddu waxeey waqtigii ka lumisay dadka oo dhan ha noqdeen dadkii dacwadda soo gudbistay, qareemadii labbada dhinac ka kala socday, warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ka warsugayey sida ay maxkamadda dacawadda hortaal ay u qaadeeyso. Hadaba wixii oo dhan waxeey noqdeen, “Hal bacaad lagu lisay iyo Prank”

Si kastaba ha ahaato, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim iidle iyo kuwa ka dhinac shaqeeynaya ayaa arrintooda ay tahay labba mid uun, waa midda kowaad ineey yihiin dad aan aqoon u laheeyn shaqada ay dalka u hayaan iyo in ay laaluush qaateen.  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*