Hanbalyo Meher

Bahda Allsanaag waxay hanbalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Shire iyo Marwo Khadro Cumar Cali Ciid oo meherkoodu ka dhacay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Waxaanu  ugu ducaynaynaa Allena uga baryaynaa inay Guul ka gaadhaan Hadafkooda Nololeed,Kuwii ku noolaada farxad,Guul iyo Barwaaqo Ubad kheyr-qabana kala hela

May be an image of 7 people, people standing and indoor
May be an image of 7 people, people standing and indoor

80 sano ayeey kala maqnaayeen

1942 ayaa ugu danbaysay markii ay dhashay, waxayna kulmeen 2022

Gabadhan Yuhuudiyad ah, Gerda Cole waxay ka carartay xasuuqi ka socday dalkeeda Vienna, Austria sanadkii 1939 markii uu socday dagaalkii labaad ee aduunka. Waalidkeed ayaa u diray Ingiriiska

Markii ay jirtay 18, ayeey waxay dhashay gabar, Sonya Grits, sanadkii 1942, laakiin xaaladeeda dhaqaale ee ku jirtay, ayaa waxa lagula taliye in ilmaha Qoys kale ay u dhiibto, oo ayna sidaas uga harto

Hooyada iyo gabadheedu waxay kala maqnaayeen 80 sano

Maanta oo sabti ah, oo ah maalinta hooyooyinka looga dabaal dego reer galbeedka ayeey kulmeen Gbadhii iyo hooyadeed. Hooyadau waxay ahayd dhalashdeedii 98 sano. Waxayna ku kulmeen gobolka Ontario ee dalka CanadaLikeCommentShare

Farmaajo oo ogaaday in isbedel loo baahan yahay

Waa maxay sababta Farmaajo u qaatay hal ku dhigii Deni ee ololaha doorashadiisa ee ahaa isbedel ayaa loo baahan yahay?

Dalalka ay ka jirto Dimoqraadiyaddu ee doorashooyinka qabsadaa ee leh xisbiyada trirada badan , marka ay doorashada gelayaan, waxay ku wada galaan Muxaafid iyo mucaarad.

Hogaamiyaha Xisbiga talada hayaa, marka uu tartanka gelayo wuxuu ku galaa waxa uu ka soo qabtay dalka dhanka arimaha amniga, bulshada. ciidanka iyo sida uu dalka isugu hayey. Intaa ka dib wxuu sii raaciyaa inay waxyaabo badan oo uu markaa magcaabayo inay qabyo ka yihiin, oo uu ka doonayo bulshadiisa inay fursad kale ee dalka ku hogaamiyo uu ka doonayo am,a siiyaan

Hogaamiyaha mucaaradku, waa labo midkood inuu dhaliilo waxqabadkii hogaamiyaha xilka haye ee uu doonayo inuu bedelo iyo sidoo kale inuu balan qaadyo cusub sameeyo.

Madaxweyne Farmaajo oo u tartamaya in mar labaad dib loogu doorto hogaanka Soomaaliya oo la sugayey inuu la yimaado sababta uu u doonayo in dib loogu doorto, ayaa waxa laga yaabay markii uu maanta qaatay hal ku dhegii Deni ee ahaa isbedelka , oo isaguna sheegay in Soomaaliya isbedel u baahan tahay, taas oo markhaanti u ah inuu ku fashilmay hogaanka Soomaaliya

Waa arin aad loola yaabo in madaxweyne shan sano xilka soo hayey uu garan waayey wuxuu sheego, wuxuu ka ogyahay dalkii uu hogaaminayey , wuxuu balan qaado,

Hadaba maxaa keenay in Madaxweyne Farmaajo la wadaago hal ku dhega Den ,

Sadex arimood uuna filanayn ayaa isugu biirtay Farmaajo oo kala ah:

Habeenkii Doorashada ee Gudoonka Baarlamaanka, markii la yiri ha loo hiiliyo Isbedelka, wuxuu u qaatay in loo codaynayo dadkii uu watay, Isaga oo Soomaali oo dhan ka dhigay inay la mid yihiin inta ka ag dhow ee Durbaanka u garaacaysa.

Arinta labaad ee uu qaadan waayey Farmaajo ayaa ahayd in maalmihii qiirada ee uu ka soo bixi jiray vILLA SOOMAALIYA, Ubaxana dhigi jiray Daljirka Dahsoon laga dhigay maalinta doorashada. Waana tan keentay khalkhalka intiisa badan

Arinta sadexaad ayaa ah mid uu ugu talo galay m. Farmaajo habeenka doorashada, si dadka codeenaya ay ugu khal khalaan oo ay kal garan waayaan cidda Isbedelka doonaysa.

Ugu danbayntii waa nasiib xumo in madaxweyne dal xukumayey shan sano uu garan waayo wuuxuu ka soo qabtay dalkii uu hogaaminayey iyo wuxuu doonayo inuu qabto haddii dib loo soo doorto. Waana wax lagu qoslo inuu miciin biday inuu la wadaago hal ku dhega ninka kursigiisa doonaya

ALLSANAAG

ALLSANAAG.COM

Maraykanka oo markale jawaab ka bixiyey weerarkii Ceel-baraf

WASHINGTON DC – Dawladda Maraykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii 3-dii bishan May lagu qaaday xerada Ceel-baraf oo ay deganaayeen ciidamada Burundi ee tirsan hawl-galka Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tacsi u dirayo ciidanka dalka Burundi, isaga oo ka tacsiyadaynaya khasaarihii ka soo gaadhay weerarkii ka dhacay xerada Ceel-baraf ee ay geysteen ururka Al-Shabaab. Afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay ciidanka Burundi.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Burundi ay door geesinimo leh ka qaateen hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, muddo sannado ah.

Maraykanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu weli sii wado taageerada uu siiyo hawlgalka ATMIS iyo ka hortagga dhibaatada argagixisada.

Ugu yaraan 30 akari oo u dhashay Burundi ayaa lagu dilay, 20 kalena way ku dhaawacmeen weerarkii Al-Shabab ay ku qaadday saldhigga Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe, sidaasi waxaa VOA u sheegay sarkaal u dhashay dalka Burundi.

Sarkaalka Burundi u dhashay, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo saxaafadda, ayaa sheegay in toban askari ay isla goobta ku dhinteen, halka inta kale ay dhaawacii soo gaaray u dhinteen. Waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan askar la la’yahay.

Ururka Al-Shabaab ayaa iyagu waxay sheegteen inay dileen 173 u dhashay Burundi, sheegashadaa soo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin. Laba ilo wareed ayaa VOA u sheegay inay saldhigga ciidanka Burundi markii weerarki dhacayey ay ku sugnaayeen 161 askari. Sarkaalka Burundiga ah ayaa xaqiijiyey tiradaasi.

Senator Cabdiqani Geelle oo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha

Senator Cabdiqani Geelle oo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha

Senator Cabdiqani Geele Maxamed, ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha, isagoo heley 10 cod, halka labadii murashax ee la tartamayay oo kala ahaa xildhibaan Maxamed Axmed Beerey oo heley shan cod halka Senator Cabdi Ismaaciil Samatar uu keensaday labo cod oo keli ah.

Guddigan wadajirka ah ayaa qaban qaabin doona doorashada madaxweynaha 10 aad ee jamhuuriyadda Soomaaliya taas oo dhici doonta bishan May ee hadda socota sida uu qorshuhu yahay.

Doorashadda Madaxweeynaha oo Dhici Doonta May 15keeda

Waxaa maanta la iclaamiyey waqtiga ay dhici doonto doorashadda madaxweeynaha dalka. Doorashadda madaxweeynaha ayaa la iclaamiyey ineey dhacdo bishan aanu ku jirno ee May 15 oo ku beegan maalin Axad ah.

Diiwaan gellinta musharixiinta u tartamaya kursiga madaxweeynaha ayaa furmi doonta May 8 illaa iyo May 10.

Hadal jeedinta musharixiinta ayaa iyana dhici doonta bisha May 11 illaa iyo May 12keeda.

Madaxweenyne ayaa la dooran doonaa haddii illaahay uu yiraahdo maalinta ay tahay bisha May 15keeda. Waxaa soo afjarmi doonta is jiidjiidadka muddada soo socday ee u dhaxeeyay mucaaradka iyo dawladda.