Ciidanka Eritria ku maqan

In badan oo hore ayeey Inkireen Dawladdii Farmaajo Ciidanka Eritrea loo qaaday, hase ahaatee xil wareejintii maanta oo ay ka horaysay labo maalmood oo wada hadal ah ayaa madaxweyne Farmaajo maanta qirtay in uu Caruur Soomaaliyeed tababar ugu diray Kaligii taliyaha geeska Afrika Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka kala wareegay madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka kala wareegay madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka maanta, kadib xaflad xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa salaan-sharaf ka qaatay ciidamada xoogga dalka, waxaana halkaasi khudbado kooban ka jeediyey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxeynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ku wareejiyey madaxweynaha cusub faylasha badda, kuwa dayn cafiska iyo mid ay Soomaaliya ku codsanayso inay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo Soomaali ah oo dhan ilaa 5 kun oo lagu tababaray dalka Eritrea inay tababarkooda dhammaysteen sannadkii hore bartamihiisa balse dib loo dhigay soo noqoshadooda, si aysan saamayn ugu yeelan xaaladdii siyaasadeed iyo doorashada ee dalku ku jiray.

Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna halkaasi ka hadlay waxana uu u mahadceliyey madaxweynihii hore Farmaajo, waxaana uu sheegay inuu yahay oday Soomaaliyeed oo lagala tashan doono xaaladda waddanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ee ku sugan Eritrea sida ugu dhaqsaha badan loogu soo celin doono dalka si ay uga qaybqaataan xoraynta waddanka, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu garab taagan yahay oo uu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub.

“Madaxweynow aniga ka ahaanteyda waan ku garab taaganahay waxaan kaa ballan qaadayaa inaan garab kuugu siiyo heer walbaba, Insha allah waxaan kuu rajeyneynaa inuu Ilaahey kuu fududeeyo,” ayuu yiri Farmaajo.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyey madaxweyne Farmaajo xil-wareejinta, wuxuuna xaqiijiyey inuu ka helay faylal iyo dokumentiyo ku saabsan xaaladda dowladda.

Villa Soomaaliya oo maanta Furaha lala kala wareegayo

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta madaxtooyada Soomaaliya ay ka dhacdo xil wareejin, iyada oo ay ku kala wareegayaan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan cusub Xasan Sheekh Maxamuud.

Kadib hal sano iyo shan bilood oo ay daahday doorashadii Soomaaliya, maanta oo isniin ah ayuu ugu dambeyn madaxweyne haysta sharciyadda muddo xileed uu ku shaqeeyo oo dhamaystiran fariisanayaa madaxtooyada.

Hawlaha ugu horeeya ee lagu wado in madaxweynaha cusub uu qabto ayaa waxaa ka mid ah magacaabista agaasimaha madaxtooyada.

Waa fashilanay ee Muqdisho aynu aadno

Gudoomiyaha maamulka beelaha Isaaq ku midaysan yihiin ee Isaaqland , garabka beesha garxejis Faysal Cali Dhurwaa , wuxuu yidhi ” waa fashilanay, dawladnimo dad wadi kara ma nihin, dawladna wadi kari mayno, Xamarna waa taa socotay, inana waynu iska soo hor jeednaa cid inagu kala guntada ayayanu u baahanahay, waxaynu u baahanahay inaynu Soomaaliya ku noqono’

\

Ha inoo keenin RW aadan “Warranty” ka haysan

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta beesha Hawiye sida ay ugu haystaan in Caasimadda Soomaaliya ay tahay Mooro ay gaar u leeyihiin ayeey dawladnimadiina u haystaan inay Dukaan ay gaar u leeyihiin oo ciida ku soo biiraysa ay yihiin kuwa danahooda ka shaqeya

Muxyaddiin Darbaweyne, oo ka mid ah siyaasiyiinta Hawiye kuwooda aadka loo jecel yahay ayaa isaga oo la dardaarmaya masdaxweyna cusub Xasan Culusoow wuxuu kula taliyey sida badeecadda laka iibsado waa in Raisulwasaaraha soo socdaa aad ka hesha beeshiisa Warranty

Hanti-dhawraha Soomaaliya oo ka horyimi xeer ay meel mariyeen golaha wasiiradu

Hanti-dhawraha Soomaaliya oo ka horyimi xeer ay meel mariyeen golaha wasiiradu

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay ku wargeliyeen xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Soomaaliya in la joojiyo xeer-nidaamiyaha sharciga maaraynta maaliyadda, kaas oo ay ansixiyeen golaha wasiirada ee Soomaaliya, bishan May 11-keedii.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska hanti-dhawrka guud oo lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee ay ku leeyihiin Facebook ayaa lagu sheegay in xeer-nidaamiyaha la ansixiyay ay ku jiraan khaladaad sharci iyo Qodobbo kasoo horjeeda Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (PFM Act 2019) iyo Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, kuwaasi oo wiiqaya hannaanka loo maamulo islamarkaana loo korjoogteeyo hantida Ummadda.

Qoraalka ka soo baxay hanti dhawrka ayaa sidoo kale lagu sheegay in si la mid ah tallaabadan ay maanta qaadeen ay bishii November 2021 u joojiyeen inuu dhaqangalo xeerkani, isaga oo aan xilligaas marin habraacyadii sharci ee saxda ahaa.

Guddoonka labada Aqal oo kulan la qaatay guddigii doorashooyinka Madaxweynaha

Guddoonka labada Aqal oo kulan la qaatay guddigii doorashooyinka Madaxweynaha “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kulan la yeeshay guddigii doorashooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu mahadceliyay guddiga sidii ay u hirgaliyeen jadwalkii doorashada Isla markaana u maamuleen doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .