Madaxweynaha Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ujeedka socdaalkiisa la xiriirto ka qeybgalka xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo markale dib loo doortay.

Tacsi: Abdullaahi Yusuf Xayle (Bilaadi)

Bahda Allsanaag, waxay taci tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Abdullaahi Yusuf Xayle (Bilaadi) , oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.  Waxaan Allah uga baryeynaa inuu naxariistii Jano ka waraabiyo Marxuumka, Eheladdi iyo Qaraabadii uu ka tegayna Samir iy Iimaan  uuka siiyo Aamiin Aamiin.

Wareysi: Gabar Soomaali ah oo macallimad ka ah gobolka Arctic oo kamid ah meela ugu qabow dunida

Wareysi: Gabar Soomaali ah oo macallimad ka ah gobolka Arctic oo kamid ah meela ugu qabow dunida

Gobolka Arctic ee ku yaalla cirifka waqooyi ee dalka Canada waxa uu ka mid yahay meelaha ugu qabow dunida, waana gobol dadka ku nool ee loo yaqaan Inuit aysan la macaamilin ajaanibta kala duwan ee kala diimaha ah ee dalka Canada ku nool.

Gobolkaasi waxaa sannadkii ugu damabeeyey ka shaqaynaysay gabar Soomaali ah oo macalimad kasoo ahayd dugsiyada Dhexe.

Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka kula xiriiray gabadhaas oo lagu magacaabo Shukri Cismaan Xaashi, waxana uu weydiiyey halka ay joogto xilligan?

https://www.voasomali.com/a/wareysi-gabar-soomaali-ah-oo-macallimad-ka-ah-gobolka-artic-ee-kamid-ah-meela-ugu-qabow-dunida/6605022.html

Ergayga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Madaxda Hay’adaha Q.M

Ergayga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Madaxda Hay’adaha Q.M

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay madaxda ugu saraysa ha’yadaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka hawl-gala oo ay ka mid yihiin; WFP, UNICEF, UNHCR, IOM, OCHA iyo kuwa kale.

Waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii degdeg loogu gurman lahaa dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, isla-markaana loogu diyaar diyaar garoobi lahaa xaaladda bani’aadannimo ee dalka ku soo wajahan.

Ergaygu wuxuu kaloo kulan la yeeshay Madaxa Baanka Adduunka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii uu Bankiga u gacan sii lahaa xalka waara ee dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, loona dardar gelin laahaa taageerada Bangiga ee mashruucyada degdega ah.

Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Baanka adduunka ayaa ballan qaaday in ay dadaalkooda laban-laabayaan, degdegna ugu istaagayaan wax ka qabashada abaaraha. Ergeyga waxaa masuuliyadihiisa ka mid ah, dardar gelinta iyo raadinta taageero loo fidiyo dadka abaaruhu waxyeeleeyeen.

Garowe iyo Hargaysa ayeey u dhaeeyaan

Siyaasi Cali Gurey Dirir “Madaxweynaha Puntland waxaan leeyahay Madaxweyne Ummadda gobolkaas degan toban nin oo maalina adiga kuu yimaada maalina Muuse Biixi u taga ma hogaamin karaan adiga laftigaaga Cadaalad baa lagaa rabaa Madaxweyne,” Shirka Odayaasha iyo Waxgaradka Dhahar.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi, ayaa ka mid ahaa Isimaddii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaana Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeday beesha Warsangeli ee dhaliyey khilaafkii weyna ee beesha soo kala dhex galay xilligi ay socotay xulshada Xildhibaanda, taas ah oo ay sabab u ahayd wada tashi laaan . Khilaafkii hore oo jira ayaa mar kale SuldaankII isaga oo la tashan beeshiisa wuxuu Ceerigaabo u joogaa inuu soo dhoweeyo Hogaamiyaha SNM ee doonaya inuu dalka kala gooyo

Ciidamo hab deegaan u abaabulan oo loo diyaarinayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

ciidamo hab deegaan u abaabulan oo loo diyaarinayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan dadka deegaanka Wasil, kuwaas oo loo diyaariyay in ay maleeshiyada Al-Shabaab ka xoreeyaan koonfurta gobolka Mudug.

Tababarkan waxaa bixinayay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug, waxaana ciidanka hab deegaanka u abaabulan lagu baray tababarka xirfado kala duwan oo ciidanka ku saabsan.

Geedi Qalabxoor, oo ka tirsan saraakiisha ciidamada tababarka bixinayay ayaa kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii dhibaatada Al-Shabaab looga dulqaadi lahaa shacabka loogan sifeyn lahaa deegaanada Galmudug.

Fannaanka Iidle Yare: “Farriinta waxaan soo qoray anigoo moodaya inaan dhintay”

Fannaanka Iidle Yare: “Farriinta waxaan soo qoray anigoo moodaya inaan dhintay”

Gelinkii dambe ee Sabtidii shalay ahayd, waxaa baraha bulshada ee ay Soomaalidu ku wada xiriirto aad ugu faafay farriin uu Facebook soo dhigay fannaanka Cabdiraxmaan Cabdullahi Nuune (Iidle Yare), taasoo walaac badan ku abuurtay dadka.

Iidle Yare ayaa farriinta ku sheegay in “Alle uu uga tegay ilmihiisa”, taasoo loo fasiray inuu taagan yahay xaalad quus ah, isla markaana uu isu qibleeyay geeri.

Tan iyo xalay, waxaa Nairobi ka socday dedaallo ay wadeen asxaabta iyo ehelka fannaankaas oo lagu xaqiijinayay badqabkiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

“Shalay (Sabtidii) ayaan guriga ka baxay anigoo aaday cisbitaal. Markaas waxaa i xanuunayay gows. Markii aan cisbitaalka tegay, waxaa la ii sheegay in sokortayda ay kacsan tahay,” ayuu yiri Iidle Yare oo maanta ka soo muuqday muuqaal ay ka duubeen dad ku booqday guri uu ku sugnaa.

“Waan dhacay (suuxay). Qol ayaa la i seexiyay. Waxaan soo kacay anigoo moodaya in aan aakhiro joogo. Waxaan is iri waad dhimatay oo ma noolid. Dadka meesha ka shaqeynayay waxa ay xirnaayeen kabo caag ah oo gadaal ka xiran,”ayuu yiri fannaanka xanuunsan.

“Halkii aan ka dhihi lahaa ilmahayga Soomaali ayaan idin kaga tegay, waxaan go’aansaday in aan iraahdo Alle ayaan idiinka tegay ilmahayga,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Iidle Yare ayaa soonkii la soo dhaafay baahiyay muuqaal uu kaga hadlayo in cudurka macaanka awgii uu gudan waayay waajibkaas, taa bedalkeedana uu masaakiin quudiyo.

Waxa uu sidoo kale maanta sheegay inay buro kaga taallo madaxa, isla markaana uu dareemayo xanuun badan.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Nairobi, Maxamed Cali Ameeriko, oo kamid ahaa dadka booqday fannaanka xanuunsan ayaa ka codsaday Soomaalida inay u duceeyaan.

Qoyska Iidle Yare
Qoraalka sawirka,Qoyska Iidle Yare

Waa kuma Iidle Yare?

Waxa uu sheegay inuu noolasha ka soo billaabay hoos, isagoo ku soo barbaaray Degmada Madiina ee gobolka Banaadir.

Hooyadiis oo aheyd qofka kaliya oo ay nolosha qoyskaasi ku tiirsaneyd ayaa ka shaqeyn jirtay Iskuul la yiraahdo Baarbe, kaasi oo ay ku gadi jirtay shaah, bajiye iyo cunnooyinka ay ardaydu cunaan marka ay u soo baxaan birirfta iskuulka.

Iidle ayaa sheegay in uusan isaga weligii wax baran, wakhtigii uu yaraana uu caawin jiray hooyadii, madaama keligii uu ahaa wiilka qoyska. Fannaan Iidle ayaa ka soo jeeda qoys dan yar ah, kuwaasi oo la daala dhacayay quutul daruuriga qooyska.

“Aniga wax ma baranin waayo hooyadey ayaan caawin jirtay, waxaad wax baran kartaa markii la deberi karo nolosha, lana gadi karo buugta iyo dharka iskuulka. Hooyo ayaana na biileysay, aabbe wuu xanuusanaa, wuxuuna ka tiirsanaan jiray dowladdii hore ee Soomaaliya,” ayuu yiri Iidle

Fannaan Iidle oo ku soo barbaaray nolol adag ayaa markii ay hooyadiis geeriyootay u tafa xeytay inuu qoyskiisii kafaalo-qaado nolashooda, isagoo hardanka nolosha ka billaabay inuu aado magaalada Boosaaso. Intii uu ku jiray socdaalkiisii uu ka billaabay magaalada Muqdisho ayaa inta uusan gaarin Boossaaso, wuxuu shaqo ka sii billaabay magaalada Gaalkacayo.

Waxa uu sheegay in waa uu ku shaqeyn jiray rafaad iyo lacag aad u yar balse hadda oo uu ku nool yahay Nairobi uu halki bandhig (show) uu ku shaqeeyo lacag dhan 1,000 dollar.

Biyo xireenka Ceel daahir

Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Carshe Aw-Muuse iyo Maareeyaha guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Maxamed Cabdiqadir Maxamed ayaa xariga ka jaray Biyo-Xireen laga hirgaliyay Deegaanka Ceel-Daahir ee gobolka Bari.Waxa fadigan qayb ka ah Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Puntland, Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Degaanka iyo Duqa Degmada Carmo.

May be an image of 3 people and people standing
May be an image of 11 people, people standing and outdoors
May be an image of 5 people, people standing, suit and outdoors
May be an image of 15 people, people standing and outdoors
May be an image of 6 people, people standing and outdoors

Shiinaha oo isha ku haya Afrika si uu macdanta Lithium uga soo dhoofsado

Shiinaha oo isha ku haya Afrika si uu macdanta Lithium uga soo dhoofsado

Dawladda Shiinaha ayaa bilowday in macdanta Lithium-ka ay u doonato qaaradda Afrika. Macdantan oo aad muhiim ugu ah sameynta baabuurta korontada ku shaqeysa, una wanaagsan cimilada ayaa Shiinuhu uu kaalinta hore kaga jiraa dalalka doonaya in macdantan ay helaan.

Macdanta oo la siiyey magaca “birtii cagaarneyd” ayaa qiimahoodu uu kor u kacay 500% sanadkii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ganacsiga ee Bloomberg.

Sung Choi oo arrimaha macdanaha ku xiil dheer, kana tirsan BloombergNEF ayaa VOA u sheegay in “qiimaha Lithium uu kor u kacay sababtoo ah dhammaan shirdaha baabuurta sameeya ayaa bilaabay in kuwa korontada ku shaqeeya ay ku soo daraan.”

Mulkiilaha shirkadda Tesla ee baabuurta korontada ku shaqeysa sameysa, Elon Musk ayaa fariin dhinaca twitterka ah oo uu qoray ku sheegay in uu “waalli” noqday qiimuhu. Waxa uu intaas ku daray “Telsa waxa laga yaabaa in soo gasho qodista macdantan iyo sifeynteeda, taas oo xaddigoodu badan yahay.”

Arrintaasi waa waxa dawladda Shiinuhu ay sameynaysay, iyada oo shirkadaheedu aanay dooneyn in gaabis uu ku yimaaddo birtan, taas oo laga sameeyo beytariyada baabuurta korontada ku shaqeeya, kuwaas oo tirada ugu badan laga soo saaro Shiinaha. Shiinaha ayaa haysta 80% wax soosaarka dunida.

In ka badan kala bar lithium-ka dunida waxaa laga helaa South America iyo Australia. Shiinaha ayaa baadi goob ugu jira meelo cusub oo ay ku jiraan goobo ku yaalla dalka Tibet iyo meelo kale. Hase yeeshee Africa ayuu aad uga sii raadinayaa.

Sida uu sheegay Sung Choi oo ka tirsan BloomburgNEF “Afrika waxay xiliyadii dambe ahayd meesha isha lagu wada hayo, marka loo eego kheyraadkeeda badan ee macdanahan.”