Waxaa si guul leh ku soo dhammaaday calleemo saarkii madaxweeynaha cusub ee Xasan Shiikh Maxamuud. Madaxweeynaha cusub ayaa hadda ka hor yiri, “Qabyo ninkeedaa dhameeystira” waxaana laga wadda dhursugayaa waxqabadka uu la iman doono iyo meesha uu dalka ku hoggaamin doono.
Magaalada Hargeeysa waxaa ka dhacay muddaaharaad looga soo horjeedo hoggaamiyaha SNMta Muuse Biixi. Hoggaamiyaha SNMta Muuse Biixi ayaa diidan in doorashada beelaha Isaaq ay qabsan jireen inuu ku qabto xilligeeda taasoo ay ka harsantahay afar billood.
Hadaba, maamulka Hargeeysa oo ah maamul ay dhisteen beesha Isaaq ayaa waxa uu la daallaadhacayaa qabyaalad baahsan oo xargaha goosatay, lana garan la’yahay sida loo xakameeyn lahaa.
1. Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Dastuurka. 2. Mudane Axmed Cabbaas Axmed La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Federaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La-Taliyeyaasha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.
Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa ka soo shaqeeyay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’ado kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan iyo aqoon u leeyihiin howlaha uu Madaxweynuhu u igmaday ee Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka.
Hindiya oo cadho diplomaasiyadeed la kulantay ka dib aflagaadadii loo geystay Islaamka
Dawladda Hindiya ayaa la baaxaa degaysa sidii ay u xakameyn lahayd cadhada diplomaasiyadeed ee ka imanaysa dalalka Islaamka taas oo ka dhalatay hadallo aflagaado xambaarsanaa oo laga sheegay diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, taas oo ay ku kaceen laba sarkaan oo ka tirsan xisbiga talada dalkaas haya ee Hindu nationalist Bharatiya Janata Party ee loosoo gaabiyo BJP.
Sucuudi Careebiya, Kuwait, Qatar, Cumaan, Isutagga Imaaraadka Carabta, Iran iyo Pakistan ayaa diiwaangeliyay mudaaharaadyo looga soo horjeedo hadaladii deel-qaafka ahaa ee ka soo yeedhay afhayeenka xisbiga qaran ee BJP intii lagu guda jiray dood si toosa loogala socday telefishanada dalkaas.
Dhawr ka mid ah wadamadan ayaa u yeedhay safiirrada Hindiya u fadhiya dalalkooda, si ay u cambaareeyaan hadalada deelqaafka ah ee ka soo yeedhay masuuliyiinta dalka Hindiya. Wadamada Islaamka ayaa hadalladaas deelqaafka ah ku tilmaamay inay salka ku hayaan Islaam nacayb. Dalka Qatar ayaa Hindiya ka dalbaday inuu raalligelin buuxda bixiyo.
Dhacdadan ayaa weji gabax ku noqotay, wefti ka socda dawladda Hindiya oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka dalkaas iyo ganacsato kala duwan oo safar ku jooga dalka Qatar.
Sucuudiga ayaa isaguna si adag arrintan uga horyimi, isaga oo ku tilmaamay inuu si adag u diidayo nooc kasta oo nacayb ah oo ka dhan ah diinta Islaamka. Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka ee loosoo gaabiyo OIC ayaa isna sheegay in dhacdadani ay ku soo beegmayso, xilli ay dalkaas ka jiraan nacayb iyo falal xadgudub ah oo lagula kaco diinta Islaamka iyo muslimiinta ku nool dalka Hindiya. Waxaana ururku uu tusaale u soo qaatay in gobollo badan oo dalkaas ka mid ahi inay mamnuuceen xijaabka iyo khimaarka ay haweenku madaxa ku asturtaan, halka marar kala duwanna falal gacan ka hadal ah lala beegsaday muslimiinta dalkaas.
Dawladda Hindiya ayaa si adag uga hortimi bayaanka ka soo baxay ururka Iskaashiga wadamada Islaamka, iyaga oo warbixintiisa ku sheegay inay tahay marin-habaabin. Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Hindiya ayaa sheegtay in dawladdoodu ay ixtiraamka ugu sarreeya ay siiso dhammaan diimaha dalkaas laga aaminsan yahay.
Qoraalka ay soo saareen dawladda Hindiya ayay ku sheegeen in faallooyinka ay bixiyeen shakhsiyaad gaar ahi oo lagu weerarayo diinta Islaamka iyo wararka lagu baahiyo barta Twitterku inaanay marna ka tarjumaynin mowqifka dhabta ah ee dawladda Hindiya.
Dawladda Hindiya ayaa sheegtay inay shaqada ka joojisay Nupur Sharma oo ahaa afhayeenka xisbiga talada haya, halka Naveen Jindal oo ahaa madaxa warbaahinta ee xisbigaas shaqada laga eryey. Labadan masuul ayaa ahaa kuwa bixiyey faallooyinka lagu aflagaadeeyey diinta Islaamka iyo nebi Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.
Guriga Farmaajo: Waa kuwee afarta nin ee hogaaminaya ololaha MahadsanidMadaxweyne?
Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn baraha bulshada u haystay olole la sheegay in guri loogu dhisayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).
Ololahan oo siyaabo kala duwan looga hadlay ayaa dadka wada waxa ay ku tilmaameen mid Farmaajo loogu mahadcelinayo, maadaama uu “si wanaagsan u ilaaliyay amaanadda qaranka.”
Dadka dhaliilsan ayaa ku tilmaamay mid ujeedo siyaasadeed laga leeyahay, isla markaana aan habooneyn in xilligan oo abaar xooggan ay dalka ka jirto shacabka lagu mashquuliyo hawl noocaas ah.
Hadaba waa kuwee afarta nin ee hogaaminaya ololaha guriga loogu dhisayo Farmaajo?
Xilkaas ayaa loo magacaabay dabayaaqadii bishii November 2021, kadib markii Cabdisaciid Muuse Cali oo ahaa agaasimihii xilkaa hayay loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya.
Sanadihii u dambeeyay, Maxamed waxa uu ahaa nin aad u taageersan Farmaajo, waana ninkii codadka u tirinayay doorashada madaxtinnimada ee dhacday 15-kii May.
Maxamed ayaa mar ahaa guddomiyaha urur la baxay midnimo doonka Gobolada Waqooyi (Somaliland) oo xaruntiisu tahay Muqdisho.
Qoraalka sawirka,Afhayeenkii hore ee Villa Somalia, Cabdirashiid Maxamed Xaashi.
Cabdirashiid Maxamed Xaashi
Waa afhayeenkii hore ee Villa Soomaaliya, waxaana xilkaas loo magacaabay bishii September 2020 kadib markii uu banneeyay Cabdinuur Maxamed Cali oo uga hoorreeyay.
Waraysi uu todobaadkii tegay Cabdirashiid siiyay BBC Soomaali ayuu ku sheegay in qorshaha guriga uu kamid shacabka taageersan Madaxweynaha hore, isla markaana uu oggolaaday Farmaajo.
Waxa uu muddo ku noolaa waddanka Canada oo uu ku soo qaatay qeyb kamid ah waxbarashadiisa.
Hadda waa afhayeenka ololaha guriga lagu dhisayo.
Cali Cabdi Wardhere (Cali Yare)
Waa guddoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir u qaabilsan amniga iyo siyaasadda.
Waxay sanado badan saaxiibbo dhaw ahaayeen Farmaajo, oo uu kamid ahaa ragga aadka ugu dhaw tan iyo markii uu billaabay ololihii uu Villa Somalia ku hantay February 2017.
Baraha bulshada, gaar ahaan Facebook ayaa waxa uu ku leeyahay taageerayaal badan oo uu la wadaago xogta ololaha guriga iyo weliba dadka dhaqaalaha ku taageeray.
Cabdirisaaq Xirsi
Waa wadaad ku nool dalka Canada, oo si weyn baraha bulshada uga difaaca dowladdii uu madaxda u ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Markii uu Farmaajo xilka hayay, waxa uu Sheekh Cabdi Xirsi sameyn jiray fallanqeyn toos ah oo mararka qaar ay marti ugu yihiin siyaasiyiin caan ah iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda.
Waxa uu bartiisa Twitter ku sheegay in isaga uu lacagtii ugu horreysay ku diray koontada loo furay dhisidda guriga loogu talo-galay Farmaajo.
Wafdiga maanta yimid Muqdisho oo isugu jira xubo horudhac u ah madaxda sare e dalalkooda iyo wakiillo dowladeed.
Xubnahan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka difaaca ee dalka Uganda Vicent Bamulangaki oo ay wehliyaan saddex ka mid ah saraakiisha daljaasi,Lataliyaha Xafiiska Madaxweynaha dalka Yemen, Yaasiin Cumar Axmed iyo Feysal Yaasiin oo ah Iskuduwaha Guud ee Xafiiska Madaxweynaha Yemen.
Dhinaca dalka Masar waxaa ka mid ah illaaliyaha Guud R/wasaaraha Masar Major Maxamed Xasani. Iyo Major Ahmed Ibrahim Anwar oo hour dhac u ah madaxda sare ee dalkaasi.
Waxaa sidoo kale soo gaaray muqdisho wakiillo ka tirsan dowladaha Kenya iyo Baxrayn Ururka Isutagga Islaamka oo uu ka socdo Ibrahim Taha oo ah ergay ka tirsan OIC.
Soo dhoweynta Wafuudda caalamiga ah ee ka qeyb galaya Xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha JFS oo ka socota Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa horkacaya Wasiirka Amniga XFS Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin ka socota Protocol-ka Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Xafladda caleema saarka madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inay ka qabsoonto Muqdisho 9-ka Bishan Juun oo ku beegan maalinta Khamiista ah.