Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa maanta oo Isniin ah booqasho gobolka ah ay uga billaabatay Masar, isaga oo sidoo kale tagi doona dalka Turkiga oo uu dublumaasi Sacuudi ah ku sheegay in lagu xoojin doono xiriirka dalalka gobolka.
Dublumaasiga ayaa sheegay in booqashada Qaahira ka dib uu Amiir Maxamed booqan doono dalka Urdun ka dibna uu u sii gudbi doona Turkiga.
Inta uu booqashadan ku jiro ayuu kala hadli doonaa “arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee mustaqbalka” isaga oo intaa ku daray in heshiisyo maalgashi iyo tamarta ah ay kala saxiixan doonaan.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Amiir Maxamed uu 22-ka bishan June booqan doono Turkey.
Waxa ay noqon doontaa booqashadii ugu horreysay ee uu ku tagto Turkiga tan iyo dilkii foosha xumaa ee gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay Jamal Khashoggi, dilkaasi oo argagax ku abuuray caalamka, dhaawac xoogganna u geystay xiriirka labadan dal.
Booqashadan, oo daba socota mid uu Erdogan bishii April ku tagay Sacuudiga, ayaa sii xoojineysa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka labada dal.
Diblumaasi Sacuudi ah ayaa sheegay in Amiir Maxamed sidoo kale la filayo in uu booqdo Greece, Qubrus iyo Aljeeriya, “dabayaaqada bisha July.”
Dowladda Sacuudiga ayaan weli xaqiijin safarrada uu Dhaxal-sugaha dalkaasi ku kala bixin doono dalalkaasi.
Mareykanka: Maxay yihiin ninka iyo xaaskiisa ee ay Ilhaan Cumar ku dhaggan tahay
Ilhan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa wali sii wadda olole ay ku doonayso in mas’uuliyadda laga qaado garsoore ka tirsan maxkamadda ugu sarreeya Mareykanka, oo lagu magacaabo Clarence Thomas.
Garsoorahan ayay Ilhaan ku eedeysay in ay go’aannadiisa ku lug leedahay xaaskiisa, Ginni Thomas.
Wareysi ay Ilhaan xalay siisay telefishinka MSNBC ayay ku sii xoojisay mowqifkeeda, iyadoo mar kale ku celisay in Mr Thomas uusan u qalmin booska.
“Micno ma samaynayso inaan iska indha tirno sida ay xaaskiisa ugu lug leedahay go’aannada uu qaato garsoore Thomas,” ayay tiri Ilhaan. Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayayna intaas raacisay: “Aniga micno iima samaynayso in aan ku baaqi wayno xil ka qaadistiisa iyo inaan howshaas durba ku dhaqaaqi wayno.
Xildhibaannada Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa in muddo ahba dalbanayay inuu is casilo Thomas, iyagoo ku gooddiyay in haddii uu shaqada ka tagi waayo ay mooshin xil ka qaadis ah ku samayn doonaan.
Garsooraha ayaa eedeymo la kulmay kaddib markii uu soo baxay war sheegayay in xaaskiisa Virginia, oo loo yaqaanno Ginni Thomas ay farriin email ah u dirtay qareenka taageersan xisbiga Jamhuuriga, John Eastman, oo xuddun u ahaa isku daygii uu madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ku doonayay in lagu baddalo natiijada doorashadii 2020-kii.
Xildhibaan Bill Pascrell oo ka mid ah dadka sida wayn ugu ololeynaya inuu meesha ka baxo garsoore Thomas ayaa sheegay in “aysan suuragal ahaan karin in xilligaas uu Clarence Thomas ahaa qof dhexdhexaad ah” waxa uuna ku tilmaamay “garsoore musuqmaasuq ku dhaqma”.
Horaantii sanadkan ayay guddiga Congress-ka ee loo xil saaray baaritaanka weerarkii 6-dii January lagu qaaday dhismaha Capitol ka codsadeen Ginni Thomas inay kala hadasho waxa dhab ka ah warkaas oo uu daabacay Wargayska Washington Post.
Wargayska ayaa sheegay in guddigu ay caddaymo u hayeen in Thomas ay la xiriirtay gar yaqaan John Eastman.
Guddoomiyaha guddigan, Bennie Thompson, ayaa war fidiyeenka u sheegay inay kulan ka codsadeen Ginni Thomas, balse ma uusan sheegin goorta warqadda la diray.
Waa kuma garsoore Thomas?
Clarence Thomas waa garsoore rug caddaa ah oo ka mid ah xaakimiinta maxkamadda ugu sarraysa Mareykanka.
Waxa uu dhashay 23-kii bishii June ee sanadkii 1948-kii.
Xilka garsooraha maxkamadda uu hadda ka howl galo waxaa u magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka,George H. W. Bush, ilaa haddana shaqadaas ayuu ku jiray.
Markii la magacaabay waxa uu baddalay Thurgood Marshall. Tan iyo sanadkii 1991-kii ayuu ku jiray shaqada sharciga.
Thomas waxa uu noqday garsoorihii labaad ee kasoo jeeda Mareykanka madow oo ku biira Maxkamadda ugu sarraysa waddanka. Waxaa ka horreeyay Marshall oo ah garsooraha uu baddalay.
Tan iyo sanadkii 2018-kii, Thomas waxa uu ahaa qofkii muddada ugu dheer xubinta ka ahaa maxkamadda, maadaama uu ka shaqeynayay in ka badan 30 sano.
Guddiga baaritaanka dhacdadii lixdii January ayaa si xowli ah u wada howshooda, iyagoo dhagaysanaya markhaatiyaasha kala duwan.
Madaxweynihii hore, Donald Trump ayaa wajahaya eedeymo xoog leh oo ku aaddan in uu sameeyay isku day afgambi.
Mid ka mid ah markhaatiuyaasha la dhagaystay ayaa dhawaan sheegay in Trump uu wali khatar kusii yahay dimuqraaddiyadda Mareykanka, haddana uu ka sii shaqaynayo inuu farogalin ku sameeyo natiijada doorashada lagu wado inay dhacdo 2024-ka.
Fagaaraha Baxdo oo maanta lagu soo bandhigay jabkii gaaray Al-Shabaab
Maamulka degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degaankaas ayaa maanta goob fagaare ah ku soo bandhigay, meydadka xubnihii argagixisada looga dilay dagaalkii shalay, saanad ciidan oo laga furtay dagaalka iyo maxaabiis nool.
Saraakiishu waxay sheegeen in la tiriyey meydadka 70 dhagarqabe, waxaana raga la dilay ku jira xubno ajaanib ah, sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay oo maanta fagaaraha Baxdo lagu soo bandhigay dhagarqabihii waday gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa. Madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ayaa howlgalkaan geesinimada leh ku amaanay dadka reer Baxdo iyo ciidamadii kale ee u soo gurmaday, waxayna reer Baxdo dowladda dhexe iyo Galmudug ka heleen balan qaadyo garab is-taag ah.
Sidoo kale ugu yaraan 42 arday oo degaanka Baxdo ku dhameysatay waxbarashada dugsiga sare ayaa maanta deegaankaas ku galeysa imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda, guddoomiyaha degaankaas Maxamed Cabdullahi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in haatan wax cabsi ah aysan ka jirin Baxdo.
Bouthaina Maxamuud: Gabadha ajnabiga ah ee Af Soomaaliga ku qaadatay shahaadada PhD
Marka la maqlo qof Soomaali ah oo horumar ka luuqadaha ajnabiga ah waa arrin aan qayrul caadi ahayn balse waxaa dhif ah in la arko qof aan Soomaali ahayn oo si fiican ugu hadla afkeenna hooyo.
Dr Bouthaina Sayid Maxamuud oo ah aqoonyahanad u dhalatay dalka Masar kuma aysan ekaanin oo kaliya in ay barato af Soomaaliga, balse waxa ay sidoo kale ka dhigatay takhasuskeeda jaamacadda.
Ilaa heerka ugu sarreeya ee Shahaadada loo yaqaanno PhD ee jaamacadda ayay ku qaadatay naxwaha af Soomaaliga oo ay si wanaagsan u naqdiimisay.
Haweeneydan da’ dhexaadka ah ayaa luuqadda ku baratay meel ka baxsan Soomaaliya, iyadoo xoogga ku saartay shahaadada mastarka iyo PhD-ga.
Bouthaina waxay ku biirtay kulliyadda Af Soomaaliga oo Jaamacadda Qaahira lagu soo kordhiyay 10 sano ka hor.
Maamulka Jaamacadda Qaahira ayaa maaddooyinkooda ku soo daray Af Soomaaliga kaddib markii ay dhaceen mudaharaadyadii kacdoonka carabta ee curtay sanadkii 2011-kii.
Dr Bouthaina oo BBC-da la hadashay ayaa sharraxday sababta ay ku jeclaatay Af Soomaaliga.
“Jaamacadda Qaahira ayaa luuqadda Soomaaliga u aragtay mid muhiim ah. Macallinkeyga AfSoomaaliga waa Dr Muumin Caalim, oo ah macallinka Af Soomaaliga ee Kulliyadda Daraasaadka Afrika,” ayay sii raacisay hadalkeeda.
Gabadhan ayaa baratay maahmaahyada Soomaaliga oo ay ka xustay: “Abeeso hoggeeda looguma galo” iyo “Aan wada hadalno waa aan heshiinno”.
Gabayada iyo murtida kale ee Soomaalida ayaa ka mid ah culuumta ay takhasuskeeda ku qaadatay, sida ay noo sheegtay.
Iyadoo ka hadlaysa fal celinta laga bixiyay markii la arkay iyadoo ku hadlaysa luuqadda Soomaaliga ayay tiri: “Dadka Soomaalida ah way farxeen markii ay arkeen gabar ajnabi ah oo baratay Af Soomaaliga.”
Dr Bouthaina ayaa hadda ka mid ah xubnaha barayaasha Jaamacadda Qaahira oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee ugu waawayn qaaradda Afrika.
Xarunta ugu wayn ee jaamacaddan – oo ka mid ah kuwa hoggaanka u ah dalka Masar – ayaa ku taalla agagaarka Ahraamta, kasoo hor jeedka wabiga caanka ah ee Nile.
Waa Jaamacadda labaad ee ugu qadiimisan waddanka Masar oo hadda ay dhigtaan in ka badan 155,000 oo arday, waxayna soo dhaweysaa ardayda caalamiga ah.
Afartaneeyo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Baxdo
GAALKACYO — Ugu yaraan 40 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay degmada Baxdo ee gobolka Galguduud, kaddib markii dadka deegaanka iyo ciidamada Galmdug oo is garabsanaya ay ka hortageen weerar ay Al-shabaab ku soo qaaday deegaanka Baxdo.
Sida uu ku soo warramayo wariyaha VOA ee Galmudug Cadiwaaxid Macallin Isaaq, dadka deeganka Baxdo ayaa sidoo kale soo bandhigay saddex kamid ah maleeshiyada oo dagaalka lagu qabtay.