Maxaa looga hadlay shirkii madaxda IGAD ee Nairobi?

Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD oo maanta kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn ee IGAD ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay dowladaha iyo hay’adaha reer galbeedka ee taageera IGAD.

Soomaaliya waxaa shirkaasi uga qaybgalaya Wafddi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeynka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

https://www.voasomali.com/a/maxaa-kasoo-baxay-shirkii-madaxda-igad-ee-nairobi-/6646114.html

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo Guddoon cusub doortay

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo Guddoon cusub doortay

Doorashada Guddoonka Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo ay ku baratamayeen musharixiin u taagan Xilalka Guddoomiyaha, Gudoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga ee Afarta sanno ee soo socota isla markaana ay goob joog ahaayen mas’uuliyiin ka kala socday qaar ka mid ah hey’adaha Dowladda iyo marti sharaf kala duwan ayaa Maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho, waxaana ugu horeyn habraaca loo marayo doorashada sharaxay Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada Axmed Sheekh Muqtaar.

Guddoomiye Khaliif Cabdikariin Maxamed oo Todobadii Sanno ee Lasoo dhaafay hogaaminayey Guddiga iyo ku xigeenkiisa Xuseen Xaashi Xasan oo labadaba ahaa musharixiin u taagan xilka Gudoomiyaha Guddiga ayaa inta aysan doorasha bilaaban ka hor ku dhawaaqay inay tanasuleyn.

Intaa Kadib sida xeer hoosaadka Guddiga qabo Sideeda Xubnood ee madasha xaadirka ku ahaa ayaa Cod gacantaaga ugu cudeeyay Musharaxa kaliya ee soo haray oo ahaa Abukar Sheekh Cabdi Ibraahim waxaana ogolaaday 7 xubnood halka uu ka aamusay 1 qof sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Guddiga qaban qaabada.
Waxaana sidaas xilka Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ee Afarta Sano ee soo socota ugu guuleystay Mudane Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim.

Sidoo kale waxaa iyana isla goobta lagu doortay Guddoomiye ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga Waxaana ku kala guuleystay Maxamed Cismaan Cabdullaahi oo loo doortay Guddoomiye ku xigeen kana guuleystay musharax Axmed Seylici Muuse iyo Zakariye Saciid Cismaan oo isna loo doortay Xoghayaha Guud ee Guddigga madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka kadib markii uu ka codbadiyay musharax Maxamed Muxudiin Sheekh Mursal sida uu markale ku dhawaaqay Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada Axmed Sheekh Muqtaar.

Doorashada kadib Ku simaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Xuseen Cabdi Aadan ayaa u hambalyeeyay Gudoonka cusub wuxuuna codsaday in lala shaqeeyo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha cusub ee Guddigga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Mudane Abukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayaa ballanqaaday inuu si hufan u gudan doono masuuliyadda loo doortay, islamarkaana uu dardar gelin doono Howlaha shaqo ee hortabinta u leh Guddiga.

‘Digil iyo Mirifle ayaan ka soo jeedaa

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya oo shaaciyay inuu ‘qabiil Soomaali ah kasoo jeedo’

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Kalonzo Musyoka, ayaa sheegay in uu kasoo jeedo mid ka mid ah qabiillada Soomaalida ee caanka ah.

Hadalkan ayuu ka jeediyay isusoobax siyaasadeed oo uu uga qayb galay magaalada Habasweyne ee ismaamulka Wajeer, halkaas oo uu booqday isbuucii lasoo dhaafay.

Erayadiisa ayaa abuuray hadal-hayn aad u ballaaran oo maalmihii lasoo dhaafay qabsatay baraha bulshada.

Mr Musyoka oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca wayn dalka Kenya, uguna taageerada badan, ayaa fagaaraha uu ka khudbeynayay oo ay dadweyne aad u badan isugu imaadeen ka sheegay in qabiilkiisa – oo lagu magacaabo Wakamba – “looga yaqaanno Soomaaliya Digil iyo Mirifle”.

Waxaase hadalladiisa ay u muuqdeen kaftan uu la wadaagayay Soomaalida badan ee ku sugnayd goobta uu ka hadlayay.

Khudbadda uu arrintan ku sheegay ayuu sidoo kale uga hadlay in xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu yahay mid aad u wanaagsan.

“Hadda waxaan leennahay dowlad saaxiib la ah Muqdisho. Xitaa Madaxweyne Uhuru maalin dhawayd wuxuu u tagay halkaas caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

“Aniga arrimaha Soomaaliya waxaan ka shaqaynayay tan iyo markii aan ahaa wasiirka arrimaha dibadda. Aniga waxaan iri dadka Wakamba-da ah ee dhinacaas waxaa lagu magacaabaa Digil iyo Mirifle,” ayuu yiri Musyoka.

Kalonso Musyoka iyo Raila Odinga

Tani waxay ka dhigan tahay in Kalonzo Musyoka uu hadalkiisa ula jeedo in isaga qudhiisa uu “kasoo jeedo Digil iyo Mirifle”, isagoo sidoo kale ka hadlay qabiillo kale oo Soomaalida ka tirsan oo uu bartay.

Siyaasigan oo muddo dheer olole ka waday Kenya ayaa hadda ku guda jira ololaha doorashada bisha August la filayo in ay ka dhacdo Kenya.

Markii ugu horraysay sanadkan waxa uu ka maqan yahay tartanka booska madaxweyne ku xigeenka Kenya oo uu dhowr jeer oo lasoo dhaafay u hanqal taagayay isagoo la safan musharaxa hadda u taagan kursiga madaxweynaha, Raila Odinga.

Mr Odinga ayaa markan ku xigeenkiisa u xushay haweeney rug caddaa siyaasadeed ah oo lagu magacaabo Martha Karua, taasoo noqon doonta gabadhii ugu horraysay ee xilka Madaxweyne ku xigeenka ka qabata Kenya, haddii uu guulaysto Raila Odinga.

Loollan adag ayuu Odinga kala kulmayaa murashaxa kale ee sida wayn ugu cad cad doorashada, William Ruto.

Waa kuma Kalonzo Musyoka?

Kalonzo Musyoka waxa uu degmada Mwingi ku dhashay 24-kii bishii December ee sanadkii 1953-kii.

Kalonzo Musyoka

Waa 68 jir dhalay saddex carruur ah. Waxa uu hoggaamiyaa xisbi siyaasadeedka Wiper oo saamayn xoog badan leh.

Intii ud ahsxaysay 1993-kii ilaa 1998-kii waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa dowladdii Daniel Arap Moi.

9-kii bishii January ee sanadkii 2008 ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka Kenya, xilkaas oo uu hayay ilaa 9-kii bishii April ee sanadkii 2013-kii.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, isaga oo la wadaagay dadaalka Dowladda Soomaaliya ay galineyso xoojinta xiriirka Labada dal.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay xubnaha jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalkan, sidoo kale waxa ay la wadaageen caqabadaha iyo duruufaha ay qabaan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo dal-ku-joogga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadaha jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga uu kala hadli doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyadoo diblumaasiyiinta Labada dal ay iska kaashanayaan sidii ay u horumarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda, waxa uuna ku adkeeyey in ay si hufan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan Soomaali Heshiis ah, dunidana Heshiis la ah.

Previous Post

Xubnaha Maxkamada-sare ee Puntland oo codkii loo diiday

Barlamaanka Puntland ayaa codka Kalsoonida u diiday xubnaha Maxkamada-sare ee Puntland.

Fadhiga maanta oo ay goob-joog ahaayeen 43 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta xubnaha magacaaban ee Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland ayaa waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 23 Xildhibaan, Diidmo 11, Aamus 9

xubnoodXubnihii magacownaa ee Maxkmadda sare ee DPL ayaa sidaa ku waayay kalsoonidii & ansixintii Golaha Wakiillada DPL.

MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASSAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO LAGU SOO DHAWEEYEY DALKA TURKIGA

MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASSAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO LAGU SOO DHAWEEYEY DALKA TURKIGA

Ankara, 03 Luulyo, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey oo soo gaaray dalka Turkiga ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada dalka Turkiga Mudane Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkan ku sugan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda xoogga ku saari doona adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda inta uu ku guda jiro booqashada waxa uu la kulmi doonaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed sida Jaaliyadda Iyo ganacsatada si uu uga xog-wareysto xaaladdooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandoosta ee Isparta l, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga ee dalkeenna.

May be an image of 6 people and people standing
May be an image of monument and outdoors

Villa Wardhiigleey iyo beesha HAG

RW Xamze oo xilal uga magcaabay Villa Wardhiigleey siyaasiyiin ka soo jeeda HAG

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ayaa maanta Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.

Waxowna uga mahadceliyay Xoghayihii hore ee xafiiska Mudane Maxamed Ibraahim Nuur howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa magacabay Lataliyaal oo kala ah:

1- La Taliyaha Amniga – Kamaal Guutaal. Ka soo beeda beesha Hawiye

2- La Taliyaha Arrimaha Dib u heshiisiinta – Ali Abdi Awaare. Ka soo jeeda beesha Majeerteen

3- La Taliyaha Xiriirka Caalamiga ah – Dr Hothon Osman . Beesha Dhulbahante

4- La Taliyaha Arrimaha Siyaasadda – Dr Ahmed Nur Mohamed. Beesha Ogaadeen

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale magacaabay Agaasimiyaal.

1-Afhayeenka ahna Agaasimaha Warbaahinta – Farhaan Maxmaed Jimcaal. Hawiye

2- Agaasimaha Hab-maamuuska Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Cabduullaahi Shariif Cabdi. Mareexaan

3- Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Haashim Maxamed Cali. Shiikhaal Aw-Qudub Hawiye

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo warqadda ogolaanshiyaha siiyay laba Banki oo Caalami ah

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo warqadda ogolaanshiyaha siiyay laba Banki oo Caalami ah

Bankiga Dhexe ayaa oggolaaday in shati (license) la siiyo labada Bangi ee kala ah; Banque Misr Banque Misr بنك مصر iyo Ziraat Katılım Ziraat Katılım. Shati siintan waxaa lagu ansixiyey shir ay yeesheen Guddiga Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya 02/Luulyo/2022.

Bankiga dhexe Central Bank of Somalia waxaa ka go’an horumarinta iyo ilaalinta xasilloonida hannaanka maaliyadda dalka

Guddoomiyaha Banka dhexe ee Soomaliya mudane  Cbadiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa sheegay in labadan Bankgi wax badan kusoo kordhin doonaan hanaanka maaliyadda  dalka iyo guud ahaan koboca dhaqaalaha.

labadan Bangi ee Banque Misr بنك مصر iyo Ziraat Katılım ayaa noqonaya labadii Bangi ee ugu horeeyey oo heer caalami ah kuwaas oo ka hawlgelaya Soomaliya tan oo tilmaamaysa hanaanka dib u soo kabashada hanaanka maaliyadda dalka in uu marayo heer wanaagsan.

Somalia’s President to Pay Official Visit to Turkey, meet Erdoğan

Somalian President Hassan Sheikh Mohamud will be in Turkey on an official visit during July 3-5, Turkish authorities announced on Sunday.

Bilateral relations and steps to enhance cooperation will be discussed in-depth during the visit, which comes at the invitation of President Recep Tayyip Erdoğan, according to a Turkish Presidency statement.

“The two leaders are also expected to exchange views on regional and international developments,” the statement said.

This will be Mohamud’s first official visit to Turkey at the presidential level after taking office in May. He also served as Somalia’s president between 2012 and 2017.

Bilateral relations between Turkey and Somalia will gain momentum following the elections in the African country, Turkey’s Ambassador to Mogadishu Mehmet Yılmaz said recently.

Noting that Turkey’s efforts after the drought in 2011 started to reverse the negative view toward Somalia abroad, Ambassador Yılmaz stated that the efforts in the fields of security, health and education began to produce positive results.

Somalia’s new president Mohamud, who spoke to Anadolu Agency (AA) in his first-ever international interview, also said in May that Turkey has touched the hearts and minds of Somali people due to its tangible and visible impact in Somalia.

“As I said, the Turkish people and the government of Turkey have a lot of impact on Somali people. The support of Turkey has touched the hearts and minds of Somali people and this support was very visible and tangible and saved many many lives throughout Somalia,” the new president said.

A statement issued by the Turkish Foreign Ministry said that it was pleasing to see that the presidential elections in Somalia have been completed successfully.

“We congratulate H.E. Hassan Sheikh Mohamud and wish him success during his tenure,” the Foreign Ministry said.

“We attach great importance to the peace and stability of Somalia, with which we have deep-rooted historical ties, and hope that the results of the elections will be auspicious for the friendly and brotherly people of Somalia,” it added.

“Turkey will continue to stand by the people of Somalia and to support the Federal Government of Somalia to establish security, stability and prosperity in the country in this new period,” it said.

Daily Sabah