28th March 2024  admin  Category :

MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASSAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO LAGU SOO DHAWEEYEY DALKA TURKIGA

Ankara, 03 Luulyo, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey oo soo gaaray dalka Turkiga ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada dalka Turkiga Mudane Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkan ku sugan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda xoogga ku saari doona adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda inta uu ku guda jiro booqashada waxa uu la kulmi doonaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed sida Jaaliyadda Iyo ganacsatada si uu uga xog-wareysto xaaladdooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandoosta ee Isparta l, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga ee dalkeenna.

May be an image of 6 people and people standing
May be an image of monument and outdoors

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*